السؤال
س26: كيف يصلي المسلم؟
S26: Sidee buu u tukan qofka Muslimka ah?
الجواب
ج:كيفية الصلاة:
- أن يستقبل القبلة بجميع بدنه، بدون انحراف ولا التفات.
- ثم ينوي الصلاة التي يريد أن يصليها بقلبه بدون نطق النية.
- ثم يكبر تكبيرة الإحرام فيقول: "الله أكبر"، ويرفع يديه إلى حذو منكبيه عند التكبير.
- ثم يضع كف يده اليمنى على ظهر كف يده اليسرى فوق صدره.
- ثم يستفتح فيقول:
«اللهم باعد بيني وبين خطاياي كما باعدت بين المشرق والمغرب، اللهم نقني من خطاياي كما يُنقى الثوب الأبيض من الدنس، اللهم اغسلني من خطاياي بالماء والثلج والبرد».
أو يقول:
«سبحانك اللهم وبحمدك، وتبارك اسمك، وتَعَالَىٰ جدك، ولا إله غيرك».
- ثم يتعوذ فيقول:
«أعوذ بالله من الشيطان الرجيم».
- ثم يبسمل ويقرأ الفاتحة فيقول:
﴿بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ 1
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ 2
ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ 3
مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ 4
إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ 5
ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ 6
صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ 7﴾
[الفاتحة: 1-7].
ثم يقول: "آمين" يعني: اللهم استجب.
- ثم يقرأ ما تيسر من القرآن، ويطيل القراءة في صلاة الصبح.
- ثم يركع، أي: يحني ظهره تعظيمًا لله، ويُكبر عند ركوعه، ويرفع يديه إلى حذو منكبيه. والسُّنَّة: أن يمد ظهره، ويجعل رأسه حياله، ويضع يديه على ركبتيه مفرجتي الأصابع.
- ويقول في ركوعه: «سبحان ربي العظيم» ثلاث مرات، وإن زاد: «سبحانك اللهم وبحمدك، اللهم اغفر لي» فحسن.
- ثم يرفع رأسه من الركوع قائلاً: «سمع الله لمن حمده»، ويرفع يديه حينئذ إلى حذو منكبيه. والمأموم لا يقول: «سمع الله لمن حمده»، وإنما يقول بدلها: «ربنا ولك الحمد».
- ثم يقول بعد رفعه: «ربنا ولك الحمد، ملء السماوات والأرض، وملء ما شئت من شيء بعد».
- ثم يسجد السجدة الأولى، ويقول عند سجوده: «الله أكبر»، ويسجد على أعضائه السبعة: الجبهة والأنف، والكفين، والركبتين، وأطراف القدمين، ويجافي عضديه عن جنبيه، ولا يبسط ذراعيه على الأرض، ويستقبل برؤوس أصابعه القبلة.
- ويقول في سجوده: «سبحان ربي الأعلى» ثلاث مرات، وإن زاد: «سبحانك اللهم ربنا وبحمدك، اللهم اغفر لي» فحسن.
- ثم يرفع رأسه من السجود قائلاً: «الله أكبر».
- ثم يجلس بين السجدتين على قدمه اليسرى، وينصب قدمه اليمنى، ويضع يديه على فخذيه وركبتيه.
- ويقول في جلوسه بين السجدتين:
«رب اغفر لي، وارحمني، واهدني، وارزقني، واجبرني، وعافني».
- ثم يسجد السجدة الثانية كالأولى فيما يُقال ويُفعل، ويكبر عند سجوده.
- ثم يقوم من السجدة الثانية قائلاً: «الله أكبر» ويصلي الركعة الثانية كالأولى فيما يُقال ويفعل، إلا أنه لا يستفتح فيها.
- ثم يجلس بعد انتهاء الركعة الثانية قائلاً: «الله أكبر»، ويجلس كما يجلس بين السجدتين سواء.
- ويقرأ التشهد في هذا الجلوس، فيقول:
"التحيات لله والصلوات والطيبات، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، السلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله، اللهم صلِّ على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد، وبارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد. أعوذ بالله من عذاب جهنم، ومن عذاب القبر، ومن فتنة المحيا والممات، ومن فتنة المسيح الدجال"،
ثم يدعو ربه بما أحب من خيري الدنيا والآخرة.
- ثم يسلم عن يمينه قائلاً: «السَّلام عليكم ورحمة الله»، وعن يساره كذلك.
- وإذا كانت الصلاة ثلاثية أو رباعية؛ وقف عند منتهى التشهد الأول، وهو: «أشهد أن لا إله إلا الله، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله».
- ثم ينهض قائماً قائلاً: «الله أكبر»، ويرفع يديه إلى حذو منكبيه حينئذ.
- ثم يصلي ما بقي من صلاته على صفة الركعة الثانية، إلا أنه يقتصر على قراءة الفاتحة.
- ثم يجلس متوركًا، فينصب قدمه اليمنى، ويخرج قدمه اليسرى من تحت ساقه اليمنى، ويُمكِّن مقعدته من الأرض، ويضع يديه على فخذيه على صفة وضعها في التشهد الأول.
- ويقرأ في هذا الجلوس التشهد كله.
- ثم يسلم عن يمينه قائلاً: «السلام عليكم ورحمة الله» وعن يساره كذلك.
J: Sida loo tukado:
- Inuu u jeesto qibladda oo ku qaabilo oogadiisa (jidhkiisa) oo dhan, weecasho iyo milicsi la'aan.
- Kaddib wuxuu ka niyeysan salaadda uu dooni inuu tukado qalbigiisa isagoon ku dhawaaqeyn niyadda.
- Kaddib wuxuu la iman takbiirada lagu galo salaadda (takbiirada ixraamka) oo odhan: (Allaahu akbar), wuxuuna kor u qaadi labadiisa gacmood oo uu la simi garbahiisa markuu takbiiran.
- Kaddib wuxuu saari sacabka gacantiisa midig dhabarka sacabka gacantiisa bidix oo saari laabtiisa.
- Kaddib wuxuu ku furan salaadda ducadan, oo dhihi:
"Allaahumma baacid baynii wa bayna khadaayaaya kamaa baacadta baynal mashriqi wal-maqrib, Allaahumma iqsilnii min khadaayaaya bi-thalji wal-maa'i, wal-barad". "Allow na kala fogee aniga iyo gafafkayga sida aad u kala fogaysay qorrax ka soo baxa iyo qorrax u dhaca, Allow iga daahiri (sifee) gafafkayga sida looga sifeeyo marada cad wasakhda, Allow igaga dhaq denbiyadayda baraf, biyo, iyo dhedo".
Ama wuxuu odhan:
"Subxaanakallaahumma wa bixamdika, wa tabaarakasmuka, wa tacaalaa jadduka, walaa ilaaha qeyruka" "Allow adigaa ka hufan xumaan, ammaan oo idil iyo mahadna leh, Magacaaguna barako badnaaday, sharaftaaduna (awooddaada) kor ahaatay, ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan Adiga aheyn".
- Kaddibna wuu cuudubilleysan oo odhan:
"Acuudu billaahi minashaydaanir rajiim". "Waxaan Alle ka magan gali shaydaanka deyrada ah ee naxariista Alle laga fogeeyey".
- Kaddibna bisinkuu qabsan oo akhrin Faatixada wuxuuna odhan:
- "Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Naxariistaha, Naxariista Badan".
"Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uunka".
- Naxariistaha Naxariista guud iyo ta gaar ahaaneedba Naxariista.
- Boqorka Maalinta abaal marinta (Qiyaamada) ee leh wax walba.
- Adigoo Keliya beynu (Alloow)ku caabudi, oo Adigoo Keliya beynu ku weydiisan kaalmo.
- Ee nagu hanuuni (oo nagu sug) Jidka Toosan.
- Jidka kuwaad u Nicmeysay, ee aadan u cadhoonin, ee aan lumin .
[Suuradda Al-Faatixah: 2].
Kaddib waxuu odhan: "Aamiin" macnaha: Allow naga aqbal.
- Kaddibna wuxuu akhrin wixii u fududaada oo Qur’aan ah, wuxuuna dheereyn akhrinta salaadda subax.
- Kaddib wuu rukuuci, macnaha soo godi dhabarkiisa weyneyn Alle, wuuna takbiiran markuu rukuucayo, oo kor u qaadi gacmahiisa oo geyn meel la siman garbahiisa. Sunnadana waa inuu simo dhabarkiisa, oo uu la simo madaxiisa, oo saaro sacabbaddiisa farahiisa oo furan labadiisa jilbood dushooda.
- Wuxuuna ku odhan rukuuciisa: "Subxaana Rabbiyal Cadiim" seddex jeer, hadduu ku darana: "Subxaanakalaahumma wa bixamdika, Allaahumaqfir lii" "Allow Adigaa ka hufan xumaan, oo ammaan oo idil iyo mahadna leh, Allow ii denbi dhaaf". Waa hagaag.
- Kaddib wuxuu ka soo qaadi madaxiisa rukuuca isagoo leh: "Samicallaahu liman xamidah" "Alle wuu maqlaa qofkii ku mahdiya", wuxuuna kor u soo qaadi markaa gacmahiisa oo uu la simi garbahiisa. Qofkase ma'muumka ah ma odhanayo: "Samicallaahu liman xamidah", wuxuuse odhanayaa beddelkeed: "Rabbanaa walakal xamdu" Rabbigayagoow waxaa kuu sugan ammaan iyo mahad oo dhan".
- Kaddib wuxuu odhan markuu ka soo kaco rukuuca: "Rabbanaa walakal xamd, Mil'a samaawaati wal ardi, wa mil'a maa shi'ta min shay-in bacd". "Allow waxaan ku mahdineyaa in dhan mugga cirarka iyo dhulka, iyo waxa u dhaxeeya iyo mugga waxaad doonto kaddib".
13 Kaddib wuu sujuudi sujuudda koowaad, wuxuuna odhan markuu sujuudayo: "Allaahu akbar" wuxuuna ku sujuudi toddobadiisa xubnood: foolka (wejiga), sanka, labada sacabbo, labada jilbood, foodaha cagaha farahooda, wuxuuna ka fogeyn cuddadiisa dhinacyadiisa, mana ku fidinayo dhudhumahiisa dhulka, wuxuuna u jeedin foodaha farahiisa qibladda.
- Wuxuuna ku odhan sujuuddiisa: "Subxaana Rabbiyal Aclaa" seddex jeer, hadduu ku darana: "Subxaanaka Allaahumma Rabbanaa wa bixamdika, Allaahum maqfir lii" "Allow adigaa ka hufan xumaan, Rabbigayagow ammaan oo idil iyo mahadna leh, Allow ii denbi dhaaf" waa hagaag.
- Kaddib wuxuu ka soo qaadi madaxiisa sujuudda isagoo leh: "Allaahu akbar".
- Kaddib wuxuu fariisan labada sajdadood dhexdooda isagoo ku fariisan cagtiisa bidix, wuxuuna toosin cagtiisa midig, wuxuuna saari gacmahiisa bowdyadiisa dushood iyo jilbahiisa.
- Wuxuuna ku odhan Fadhigiisa labada sajdadood dhexdooda:
"Rabbigayoow ii denbi dhaaf,oo ii naxariiso, oo i hanuuni, oo i arsaaq, oo i kab, oo i caafi".
- Kaddib wuxuu sujuudi sajdada labaad sida tii hore oo odhan wuxuu yidhi oo kale oo sameyn wuxuu tii hore sameeyey, wuuna takbiiran markuu sujuudayo.
19 Kaddib wuxuu ka kici sajdada labaad isagoo leh: (Allaahu akbar" wuxuuna tukan rakcadda labaad sidii middii koowaad odhanna waxa lagu yidhaahdo oo la falo, mase la imanayo ducada lagu furto salaadda.
- Kaddib wuu fadhiisan markuu bogo (dhammeeyo) rakcadda labaad isagoo odhan: "Allaahu akbar" wuxuuna u fariisan si la mid ah fadhgii labada sajdadood dhexdooda.
- Wuxuuna ku akhrin tashahudka (attaxiyaadka) fadhigan oo odhan:"
"Attaxiyyaatu lillaahi, wassalawaatu, waddayibaatu, assalaamu calayka ayyuhan Nabiyyu, wa raxmatullaahi wabarakaatuh, assalaamu calaynaa wa calaa cibaadil laahi saalixiina. Ash-hadu al laa ilaaha Illallaahu wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu Allaahumma salli calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammadin, kamaa sallayta calaa ibraahiima, wacalaa aali Ibraahiima, wa baarik calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammadin, kamaa baarakta calaa Ibraahiima wa calaa aali ibraahiima, innaka Xamiidun Majiid. Acuudu Billaahi min cadaabi jahannama, wa min cadaabil-qabri, wa min fitnati al-maxyaa wal mamaati, wa min fitnatil masiixiddajaal". Macnaha: Salaam, salaad iyo wanaag oo dhan Alle ayey u sugnaadeen, nabad galyo korkaaga ha ahaato Nabiyahow, naxariista Alle iyo barakooyinkiisa, ha ahaadeen korkaaga. salaan korkayaga ha ahaato iyo korka adoomaha Alle ee wanaagsan, waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, waxaan kaloo qirayaa in Muxammad yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa. Allow ku salli Muxammad, iyo reer Muxammad, sidaad ugu salliday ibraahiim, iyo reer ibraahiim, adigu waxaad tahay (Allow) ammaan Badane Sharaf Badan. Allow barakee Muxammad Iyo reer Muxammad sidaad u barakeysay Ibraahiim iyo reer ibraahiim, waxaad Adigu tahay ammaan Badane Sharaf Badan. Allow anigu waxaan kaa magan galayaa cadaabka Jahannama iyo cadaabka qabriga iyo fitnada nolosha iyo ta geerida iyo fidnada masiixid dajaal (dajaal cawar)".
Kaddib wuxuu ku duceysan oo Alle ka baryi wuxuu doono oo khayr adduunyo iyo Aakhiro ah.
- Kaddib wuxuu u jeesan midigtiisa waxaanu odhan "As-salaamu caleykum waraxmatullaah", sidoo kale bidixda ayuu u jeesan oo odhan sidaa so kale.
- Hadday salaaddu ka kooban tahay seddex rakcadood ama afar rakcadood wuu istaagi markuu gaaro weedha tashahudka oo ah: "Ash-hadu an laa ilaaha illalaahu wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu".
- Kaddibna wuu kici isagoo leh: "Allaahu akbar" wuxuuna kor u qaadi markaas labadiisa gacmood oo la simi garbahiisa.
- Kaddibna wuxuu u tukan inta ka hartay salaaddiisa sidii rakcadda labaad, wuxuuse ku gaabsan akhrinta Faatixada.
- Kaddibna wuxuu u fariisan hab fadhi sugan ah, isagoo toosin cagtiisa midig, oo ka soo saari cagtiisa bidix jeenigiisa midig hoostiisa, wuxuuna salka dhigan dhulka, wuxuuna saari labadiisa gacmood bowdadiisa dushooda sidii tashahudka oo kale.
- Wuxuuna ku akhrin fadhigan tashahudka oo dhan.