كيفية صلاة النبي - صلى الله عليه وسلم -

كيفية صلاة النبي - صلى الله عليه وسلم -

Qaabka Salaadii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye.

Language: lang_so
Prepared by: Samaaxatu Asheekh Cabdulcasiis Binu Baas
Version: 2.1
Translations 74
Afrikanns Amharic Assamese Azerbaijani +70
Attachments 7
PDF
Audio
Video
+3

Qaabka Salaadii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye.

Samaaxatu Sheekh

Cabdul Casiis Binu Cabdullaah Binu Baas

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah ee Naxariista guud iyo mida gaarka ahba naxariista.

Mahad oo dhan Ilaahay keligi ayaa leh, naxariis iyo nabad gelyana Ilaahay ha siiyo Adoonkiisa iyo Rasuulkiisa ah Nabigeena Maxamed, iyo Ehelkiisa iyo Asaxaabtiisa, intaa ka dib:

Kuwaani waa kalmado kooban oo cadaynaya Qaabka Salaada Nabiga -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-, waxaanan jeclaystay inaan u soo gudbiyo Ragga iyo Dumarka Muslimka ah, si Qofkii akhriya ugu dadaalo inuu ku daydo Nabiga -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee; waayo wuxuu yiri Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-: (U tukada sidaad igu aragteen anigoo u tukanaya)[1]. Akhristahana waxaan u soo gudbinaynaa arinkaa Cadeyntiisa: [1] waxa wariyay Bukhaari (nambarka 605)

1- Waa inuu weysada ku xeel dheeraado, waana inuu u weyso qaato siduu Ilaahay amray, isagoo ku Camal falaya hadalkii Ilaahay sareeye yiri: Kuwa Xaqa rumeeyow! Hadaad u kacdaan Salaada mayra wajigiina iyo gacmihiina ilaa xusulada, oo masaxa Madaxyadiina, oo mayra lugahiina ilaa canqawyada... [Suurada Almaa'idah: 6]. Aayada.

Iyo hadalkii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis wuu yiri: (Lama aqbalo Salaad daahirnimo la'aan ah) [2] Muslim ayaa ku wariyey, tirada (224).

Iyo hadalkii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku yiri kii Salaadiisa xumeeyey: (Markaad u istaagto Salaada, weysada ku xeel dheerow). Bukhaari ayaa ku wariyey, tirada (5782).

2- Qofka tukanayaa wuxuu u jeesanayaa Qiblada, waana Kacbada meel kasta uu joogaba isagoo jirkiisa oo dhan u jeedinaya, qalbigana ka niyeysanaya inuu Salaada doonayo haday faral ama sune tahay. Carabkiisana kaga dhawaaqi maayo niyada; waayo Carabka in lagaga dhawaaqo la ma jideyn, balse waa bidco, maadaama Nabigu nabadgelyo naxariis Allaha siiyee uusan niyada ku dhawaaqin, sidoo kalena Asxaabtiisu Ilaahay ha ka raali noqdee aysan ku dhawaaqin. Wuxuu samaysan Sutro uu u tukado haduu Imaam ama keligi yahay. Qiblada in loo jeensado waa shardi ka mid ah shuruuda Salaada, marka laga reebo Masaa'il gaar ah oo la yaqaan oo lagu cadeeyey kutubta Culumada.

3- Wuxuu ku takbiirsan takbiirta ixraamka isagoo dhahaya: Allaahu Akbar, aragiisana ku eegaya meesha uu ku sujuudayo.

4- Gacmahiisa ayuu kor u qaadin markuu takbiirsanayo ilaa meel la siman Garbahiisa ama ku beegan Dhagahiisa.

5- Gacmihiisa wuxuu saarayaa Laabtiisa, Gacanta Midig wuxuu kor saarin Cur-Curka, iyo Dhu-Dhunka Gacantiisa bidix, waayo sidaas ayaa ka sugn Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

6- Waxaa Sune ah in la akhriyo ducada istiftaaxa, waana: (Allahayow, kala fogee aniga iyo dambiyadayda, sidaad u kala fogeysey Bari iyo Galbeed, Allahayow iiga nadiifi dambiyadayda sida Marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda Biyo, Baraf iyo Biyo qabow) [4]. Bukhaari ayaa ku wariyey, tirada ( 744), iyo Muslim, tirada (598).

Haduu doono wuxuu oran taas bedelkeeda: (Allahayow adigaa ka hufan xumaan, amaan oo idil iyo mahadna adigaa leh, Magacaaguna barako badan yahay, sharaftaaduna saraysaa, ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Adiga ahayn) [5], Haduu la yimaado ducooyin kale oo ka mid ah ducooyinka Salaada lagu bilaabo ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka sugan, dhib ah ma leh, sida ugu fadliga badanse waa inuu midba mar la yimaado; waayo taas ayey ku dhan tahay raacida Nabigu. Ka dib wuxuu oran: Ilaahay ayaan ka magan gelayaa sheydaanka la fogeeyey, Bismillaahi Raxmaani Raxiim, wuuna akhrinayaa Suurada Faataxada, waayo Nabigu wuxuu yiri: (U ma jirto Salaadi Qofkaan ku akhrin Faatixada Kitaabka) [6]. Ka dib wuxuu oran, Aamiin, isagoo codka kor ugu qaadaya Salaada Jahriga ah, oo siraysanaya Salaada Sirta ah. Ka dibna wuxuu akhrinayaa wixii u fududaada ee Qur’aan ah, waxaana ugu fadli badan inuu Faatixada ka dib ku akhriyo Salaadaha Duhurka, Casarka iyo Cishaha Suuradaha dhex dhexaadka ah, Salaada Fajarkana Suuradaha dhaadheer, Maqribkana marna Suuradaha dhaadheer marna Suuradaha Gaagaaban, isagoo ku camal falaya Axaadist ku soo aroortay arrinkaas. [5] Muslim ayaa ku wariyey tirada: (399). [6] Bukhaari ayaa ku wariyey, tirada ( 756).

7- Wuu rukuucayaa isaga oo takbiirsanaya, korna u qaadaya Gacmihiisa meel la siman Garbahiisa ama Dhegihiisa, Madaxiisana la simaya Dhabarkiisa, Gacmihiisana saaraya Jilbihiisa isagoo farahiisa fidinaaya. Wuuna ku xasilin rukuuciisa, wuxuuna oran: Subxaana Rabiyal Cadiim. Waxaana fadli badan inuu ku celceliyo seddex jeer ama ka badan, waana Sune inuu intaas ku daro: (Ilaahayow adaa xumaan ka hufane, iyo mahad naqaagee, Ilaahayow ii denbi dhaaf) [7]. [7] Bukhaari ayaa ku wariyey, tirada( 817) iyo Muslimna, tirada (484).

8- Wuxuu ka soo kacayaa rukuucda, kor buuna u qaadayaa Gacmihiisa ilaa meel la siman Garbihiisa ama Dhegihiisa, isagoo dhahaya: Samica Allaahu liman Xamidah haduu yahay imaam ama Qof keligi ah, wuxuuna oran markuu taagan yahay: "Rabanaa walakal xamdu, xamdan kasiiran, dayiban, mubaarakan fiihi, mil'as-samaawaati wa mil'al-ardi, wa mil'a maa shi'ta min shey'in bacdu." "Rabiyow, adigaa iska leh mahad badan oo wanaagsan oo barakaysan, in dhan muga Samooyinka iyo Dhulka, iyo muga waxaad doonto intaas ka dib." [8] Bukhaari ayaa ku wariyey, tirada( 711), Muslimna, tirada (598).

Haduuse Ma'muum yahay wuxuu oran markuu kor u kacayo: Rabanaa walakal xamdu ilaa dhamaadka wixii horay u soo maray, hadiise labadooda mid walba wax ku daro, waxaan u la jeedaa imaamka, iyo Ma'muumka iyo Qofka keligi tukanaya. (Ilaahow Adigaa iska leh amaanta iyo sharafta, waana hadalka ugu xaqsan ee uu Adoonku yiraahdo, dhammaan-na Adoon ayaanu kuu nahay: Allahayow ma jiro Qof diidi kara waxaad bixisay, mana jiro Qof bixin kara waxaad diiday, waxna ka ma anfacdo kan deeqda lehi deeqdiisu agtaada) [9]. Xadiisku waa Xasan, waayo arinkaasi wuu ka sugnaaday Nabiga. [9] Muslim ayaa ku wariyey, tirada: (477).

Waxaa Sune ah in mid walboo iyaga ka mida waxaan u la jeedaa Imaamka, Ma’muumka iyo kan keligi tukanaya uu Gacmihiisa saaro Laabtiisa, siduu sameeyey markuu taagnaa Rukuuca ka hor, waayo waxaa Nabiga ka sugan wax arintaa tilmaamaya oo ah xadiiskii Waa`il Binu Xujar iyo Sahal Binu Sacad, Ilaahay labadaba ha ka raali noqdee.

9- Wuu Sujuudin isagoo takbiirsanaya, oo dhigaya labadiisa Jilib Gacmihiisa ka hor haday u fududaato, hadiise ay ku adkaato wuxuu ka hor marin Gacmihiisa Jilbihiisa, isagoo u jeedinaya Faraha Cagahiisa iyo kuwa Gacmihiisaba Qiblada, oo isku dhajinaya faraha Gacmihiisa oo fidinaya, wuxuuna ku Sujuudayaa todobadiisa xubnood: Wajiga iyo Sanka, labada Sacab, labada Jilib, iyo Fooda Faraha Cagaha, wuxuuna oran: Subxaana Rabiyal Aclaa, waxaana Sune ah inuu yiraahdo seddex jeer ama ka badan, waana Sune inuu intaa dhoho oo raaciyo: (Subxaanaka Allaahuma Rabanaa Wa bixamdika Allaahuma iqfir lii), Wuuna badinayaa ducada, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Rukuucda ku weyneeya Rabi, Sujuudana ku dadaala ducada, waayo waxay u dhowdahay in la idinka aqbalee [10]. [10] Muslim ayaa ku wariyey, tirada: (479).

Rabigina ha waydiisto Khayrka Aduun iyo Aakhiraba, Waa isku mid in Salaadu tahay Faral ama Sune, Cududihiisa wuxuu ka fogeyn dhinacyadiisa, Caloshiisana Bowdooyinkiisa, Bowdooyinkiisana Kubabkiisa, wuxuuna DhuDhumadiisa kor uga qaadin Dhulka, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: (Sujuuda ku toosnaada, oo yuusan midkiin labadiisa Dhudhun Dhulka u dhigin sida Eyga oo kale) [11]. [11] Bukhaari ayaa ku wariyey, tirada ( 788), iyo Muslim, tirada (493).

10- Wuxuu kor u qaadin Madaxiisa isagoo takbiirsanaya, wuxuuna firaashin oo ku fariisan Cagtiisa Bidix, wuxuuna taagin Lugtiisa Midig, Gacmihiisana wuxuu kor saarin Bowdooyinkiisa iyo Jilbihiisa, wuxuuna oran: (Rabigayoow ii denbi dhaaf, oo ii naxariiso, oo i hanuuni, oo i irsaaq, oo i caafi, oo i kab) [12]. Wuxuuna ku xasilin fadhigaan. [12] Tirmidi ayaa ku wariyey, tirada (284) iyo Abu Daa`uud, tirada (850) iyo Ibnu Maajah, tirada (898).

11- Wuxuu Sujuudin Sujuuda labaad isagoo takbiirsanaya, wuuna ku samayn sida tii hore oo kale.

12- Madaxiisa ayuu kor u qaadin isagoo takbiirsanaya, wuxuuna fariisan Fadhi gaaban oo la mida Fadhigii labada Sujuudood u dhexeeyey, waxaana loo yaqaan Fadhiga nasashada, waana sune. Haduu ka tagana dhib ma leh, ku mana jiro dikri iyo duco midna. Ka dibna wuxuu u istaagayaa Rakcada labaad isagoo ku taagsanaya labadiisa Jilib haday u fududaato, hadayse ku adkaato dhulkuu ku taagsan. Ka dibna wuxuu akhrinayaa Faatixada iyo inta u fududaata oo Qur'aanka ah Faatixada ka dib, ka dibna wuxuu samayn siduu ku sameeyey Rakcadii koowaad.

13- Haday Salaadu tahay laba Rakcadood sida Salaada Fajarka, Jimcaha iyo Ciidaha, Qofku wuxuu fariisan markuu ka soo kaco Sujuuda labaad, isagoo qotominaya Lugtiisa Midig, oo goglaya Lugtiisa Bidix. Gacantiisa Midig wuxuu saarayaa Bowdadiisa Midig, isagoo isku laabaya Farahiisa oo dhan marka laga reebo Murugsatada oo uu ku tilmaamayo Tawxiidka. Haduu isku qabto Faryareyda iyo farta ka horaysa ee Gacantiisa Midig, oo uu isku keeno Suulkiisa iyo Far dhexadiisa, lagu tilmaamo Murugsatada sidoo kale waa wanaagsan tahay; waayo labada sifo-ba way ka sugnaadeen Nebiga ﷺ. Waxaana fiican inuu marba mid sameeyo. Gacantiisa Bidixna wuxuu saarayaa Bowdadiisa Bidix iyo Jilibkiisa. ka dibna wuxuu fadhiga ku akhrin Ataxyaadka, waana kan: (Atixiyaatu lillaahi wasalawaatu wadayibaatu, Asalaamu calayka ayuha Nabiyu wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuhu, Asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi Allaahi asaalixiin, Ash-hadu an laa Ilaaha ilaa Allaah wa Ash-hadu ana Maxamed cabduhuu wa Rasuuluhu), Ka dib wuxuu oran yiri: (Allaahuma sali calaa Maxamedin wa calaa aali Maxamed, kamaa salayta calaa Ibraahiim wa calaa aali Ibraahiim; inaka Xamiidun Majiid. Wa baarik calaa Maxamedin wa calaa aali Maxamed, kamaa baarakta calaa Ibraahiim wa calaa aali Ibraahiim; inaka Xamiidun Majiid). Oo macneheedu yahay: (Allow ku salli Maxamed, iyo reer Maxamed, sidaad ugu salliday Ibraahiim, iyo reer Ibraahiim; Adigaa Mahad Badan oo Sharaf Badane. Oo barakee Maxamed, iyo reer Maxamed, sidaad u barakeysay Ibraahiim, iyo reer Ibraahiim; Adigaa Mahad Badan oo Sharaf Badane) [13]. (13) Bukhaari ayaa ku wariyey, tirada (797) iyo Muslim, tirada (402).

Wuxuun Ilaahay ka magan gelayaa afar, wuxuuna oran: (Allahayoow waxaan kaa magan galayaa cadaabta Jahanama, iyo cadaabta Qabriga, iyo fitnada Nolosha iyo Dhimashada, iyo sharka fitnada Masiixu Dajaal) [14]. (14) Bukhaari ayaa ku wariyey, tirada (1311), iyo Muslim, tirada (588).

Ka dib wuxuu ku ducaysanayaa wuxuu doono oo khayrka Aduunka iyo Aakhiro ah, dhibna ma leh inuu u duceeyo Waalidki ama Muslimiinta kale, waa isku mid in Salaadu tahay mid faral ah ama sune ah; taasoo salka ku haysa hadalkii guud ee Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ee ku yimid Xadiiskii Ibnu Mascuud Allaha ka raali noqdee markuu barayey Ataxyaadka: Ka dib ha doorto ducada uu jecel yahay, ka dibna ha ku duceysto. Oraah kale ayaa ahayd: (Ka dib ha ka doorto Ducada tii uu rabo) (16). [15] Nasaa`i ayaa ku wariyey, tirada (1298). [16] Muslim ayaa ku wariyey, tirada (402).

Tani waxay wada koobaysaa waxa Adoonka anfacaya Aduunka iyo Aakhiroba. Ka dibna wuxuu u salaama naqsan xaga Midigtiisa iyo bidixdiisa isagoo oranaya: "Asalaamu caleykum wa Raxmatu Allaah, Asalaamu caleykum wa Raxmatu Allaah."

14- Hadii Salaadu tahay seddex Rakcadood sida Maqribka, ama afar Rakcadood sida Duhurka, Casarka iyo Cishaha, wuxuu akhrinayaa Ataxyaadka horay loo soo sheegay isagoo ku salinaya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis allaha siiyee, ka dibna wuu kacayaa isagoo ku taagsanaya Jilbihiisa, Gacmihiisana kor u qaadaya ilaa meel la siman Garbihiisa ama Dhegihiisa, isagoo oranaya: Allaahu Akbar. Wuxuuna saarayaa Gacmihiisa Laabtiisa sidii aan horay u soo sheegnay, wuxuuna akhrinayaa Faatixada oo kaliya. Haduu Rakcada seddexaad iyo tan afraad ee Duhurka ku daro wax ka badan Faatixada mararka qaarkood dhib ma leh; waayo waxaa jira wax arintaas cadeynaya oo ka sugnaaday Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, sida ku cad Xadiiskii Abuu Saciid Allaha ka raali noqdee. Haduu ka tago Saliga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Ataxyaadka hore ka dibna dhib ma leh; maxaa yeelay waa Sune ee waajib maaha Ataxyaadka hore. Ka dib wuu Ataxyaadsan Rakcada seddexaad ee Maqribka ka dib, iyo tan afraad ee Duhurka, Casarka iyo Cishaha ka dib, sidaan ku soo sheegnay Salaadii labada Rakco ahayd. ka dibna Midig iyo Bidix ayuu u salaama naqsan, Ilaahayna wuxuu weydiisan dambi dhaaf seddex jeer, ka dibna wuxuu oran: (Allahayow Adigaa nabad ah, xagaaga ayey ka timid nabadu, waad barako badan tahay, Weynaan iyo Maamuusna Adigaa leh) [17]. ka hor inta aanu dadka u soo jeensan haduu Imaam yahay, ka dibna wuxuu oran: Ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay keligi mooyee, Ilaahay ma laha cid wax la wadaagta, wuxuu leeyahay Boqortooyada runta ah iyo Amaan iyo mahad idilkeed, wax walbana wuu karaa, ma jirto xeelad iyo awood Ilaahay kaalmadiisa mooyee, Allahayow lama diidi karo waxaad bixisay, lamana bixin karo waxaad diidey, waxna ku ma tarto kan hantida lihi hantidiisu agtaada, ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, mana caabudayno isaga mooyee, waxaa u sugan nimcda, fadliga iyo amaanta fiican, Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Ilaahay mooyee, anagoo u gaar yeeleyna Ilaahay Diinta, haba diideen oo ha dhibsadeen Gaaladuye. [17] Muslim ayaa ku wariyey, tirada: (591). [18] Muslim ayaa ku wariyey, tirada: (402)

Wuxuu Ilaahay u tasbiixsanayaa 33 jeer, kuna xamdinayaa intaas oo kale, kuna takbiirsanayaa intaas oo kale, wuxuuna boqolka ku dhamaystirayaa: laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, wuxuuna akhrinayaa Aayad Kursiga, iyo Qul Huwa Allaahu Axad, iyo Qul Acuudu birabil Falaq, iyo Qul Acuudu birabin Naas Salaad kasta gadaasheed, waxaana Sune ah in lagu celceliyo seddexdan Suuradood seddex jeer Salaada Fajarka iyo Salaada Maqribka ka dib; waayo waxaa ku soo arooray Axaadiista Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee sugan, dhamaan Adkaartan waa Sune, ee ma ahan waajib.

Waxaa loo jideeyey Muslim kasta oo Rag iyo Dumar ah inuu tukado afar Rakcadood oo Salaada Duhurka ka horeeya iyo labo ka danbeeya, labo Rakcadood oo Salaada Maqrib ka danbeeya, labo Rakcadood oo Salaada Cishaha ka danbeeya, iyo labo Rakcadood oo Salaada Fajarka ka horeeya, wadartoodu waa laba iyo toban Rakco, Rakcadahaana waxaa la yiraahdaa Rawaatib; maxaa yeelay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ilaalin jiray markuu degan yahay. Marka uu safar ku jiro wuu ka tagi jiray, Salaadaha Raatibada ah, marka laga reebo Sunada Fajarka iyo Witirka, maxaa yeelay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ilaalin jiray labadoodaba haduu nagi yahay iyo haduu safar yahayba. Waxaa fadli badan in Salaadahan Raatibada ah iyo Witirka lagu tukado Guriga, hadiise lagu tukado Masaajidka dhib ah ma leh; waana hadalkii Nebiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: (Salaada uu Qofku Gurigiisa ku tukado ayaa ugu fadli badan, marka laga reebo Salaadaha waajibka ah) [19]. [19] Bukhaari ayaa ku wariyey (6860).

Ilaalinta Rakcadahaan waxay ka mid tahay asbaabta lagu galo Janada, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: (Qofkii tukada labo iyo toban Rakcadood Maalintii iyo habeenkii, Janada waxaa looga dhisaa Guri ) [20]. [20] Muslim ayaa ku wariyey, tirada (728).

Haduu tukado afar Rakcadood oo Casarka ka horeeya, iyo labo Rakcadood oo Maqribka ka horeeya, iyo labo Rakcadood oo Cishaha ka horeeya waa wanaagsan tahay; maxaa yeelay waxaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka sugnaatay wax arintaas tilmaamaya, sidoo kalena haduu tukado afar Rakcadood oo Duhurka ka dambeeya iyo afar ka horeeyaba waa wanaagsan tahay; waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: (Qofkii ilaaliya afarta Rakcadood ee Duhurka ka horeeya iyo afar ka dambaysa Ilaahay Naartuu ka xarimaa) [21]. Macnuhu waa inuu Sunada Raatibada ah ku darayo labo Rakcadood oo Duhurka ka danbeeya; maxaa yeelay Sunada Raatibada ahi waa afar Rakco oo ka horeeya iyo labo ka danbaysa. Markuu ku daro labo kale oo ka danbeeya wuxuu helayaa wixii lagu sheegay xadiiska Umu Xabiiba Allaha ka raali noqdee. [21] Axmed ayaa ku wariyey, tirada (25547), iyo Tirmidi, tirada (393), iyo Abuu Daa`uud, tirada (1077).

Waafajintana Ilaahay ayaa leh, naxariis iyo nabadgelyo Allaha siiyo Nabigeena Maxamed Binu Cabdullahi iyo Ehelkiisii iyo Asxaabtiisii iyo intii ku raacday wanaag ilaa Maalinta Qiyaame.