Waa maxay Adkaarta aad la imanayso marka laga baxo salaadda salaama naqsiga kaddib?
- الباب / الفصل
- قسم الفقه
السؤال
س27: ما تقول من الأذكار بعد السلام من الصلاة؟
S27: Waa maxay Adkaarta aad la imanayso marka laga baxo salaadda salaama naqsiga kaddib?
الجواب
ج:«أَسْـتَغْفِرُ الله» ثلاث مرات.
«اللّهُـمَّ أَنْـتَ السَّلامُ، وَمِـنْكَ السَّلام، تَبارَكْتَ يا ذا الجَـلالِ وَالإِكْـرام».
«لا إلهَ إلاّ اللّهُ وحدَهُ لا شريكَ لهُ، لهُ المُـلْكُ ولهُ الحَمْد، وهوَ على كلّ شَيءٍ قَدير، اللّهُـمَّ لا مانِعَ لِما أَعْطَـيْت، وَلا مُعْطِـيَ لِما مَنَـعْت، وَلا يَنْفَـعُ ذا الجَـدِّ مِنْـكَ الجَـد».
«لا إلهَ إلاّ الله، وحدَهُ لا شريكَ لهُ، لهُ الملكُ ولهُ الحَمد، وهوَ على كلّ شيءٍ قدير، لا حَـوْلَ وَلا قـوَّةَ إِلاّ بِاللهِ، لا إلهَ إلاّ الله، وَلا نَعْـبُـدُ إِلاّ إيّـاه، لَهُ النِّعْـمَةُ وَلَهُ الفَضْل وَلَهُ الثَّـناءُ الحَـسَن، لا إلهَ إلاّ الله مخْلِصـينَ لَـهُ الدِّينَ وَلَوْ كَـرِهَ الكـافِرون».
«سُـبْحانَ اللهِ» ثلاثا وثلاثین مرة.
«الحَمْـدُ لله» ثلاثا وثلاثین مرة.
«اللهُ أكْـبَر» ثلاثاً وثلاثين مرة.
ثم يقول تمام المائة:
«لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد، وهو على كل شيء قدير».
- ويقرأ سورة الإخلاص والمعوذات. ثلاث مرات بعد صلاتي الفجر والمغرب، ومرة بعد الصلوات الأخرى.
- ويقرأ آية الكرسي، مرة واحدة.
J: "Astaqfirullaah" "Alle ayaan denbi dhaaf weydiisan" waxaad dhihi seddex jeer.
"Allaahumma anta salaam wa minka salaam tabaarakta yaa dal jalaali wal-ikraam". "Allow Adigaa nabad ah, xaggaagana weeye nabaddu, waad barako badan tahay, Weynaan iyo maamuusna Adigaa leh".
"Laa ilaaha illal Laahu waxdahuu laa shariika lahu, lahul mulku wa lahul xamdu, wa huwa calaa kulli shay-in qadiir, Allaahumma laa maanica limaa acdayta, walaa mucdiya limaa manacta, walaa yanfacu dal jaddu minkal-jad" . Ma jiro ilaah xaq lagu caabudo Alle keligii mooyee, ma laha cid wax la wadaagta, waxaa u sugnaaday boqortooyada runta ah iyo ammaan iyo mahad idilkeed, isagaa wax walba Awooda, Allow lama diidi karo waxaad bixiso, lamana bixin karo waxaad diido, mana anfacayso ka deeqda lihi deeqdiisu agtaada, Adigaa leh Deeq oo idil".
"Laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir. Laa xawla walaa quwwata illaa billaahi,laa ilaaha illallaahu, walaa nacbudu illaa iyyaahu, lahunnicmatu wa lahul-fadlu wa lahuthanaa'ul xasan, laa ilaaha illallaahu mukhlisiina lahuddiina wa law karihal kaafiruun". Ma jiro ilaah xaq lagu caabudo Alle keligii mooyee, ma laha cid wax la wadaagta, wuxuu leeyahay boqortooyada runta ah iyo ammaan iyo mahad idilkeed, wax walbana wuu karaa, ma jiraan xeelad iyo awood ta laga helo ilaahay mooyee, ilaah ma jiro xaq lagu caabudo Alle mooyee, mana caabudayno isaga mooyee, waxaa u sugan nimcadda, fadliga (dheeraadka) iyo ammaanta fiican, ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Alle mooyee, annagoo uu gaar yeeleyna Ilaahay diinta, haba diideen oo ha dhibsadeen gaaladuye.
"Subxaanallaah" waxaad odhan soddon iyo seddex jeer.
"Alxamdu lillaah" soddon iyo seddex jeer.
"Allaahu Akbar" soddon iyo seddex jeer.
Kaddibna wuxuu kaga dhigi boqol inuu yidhaahdo:
"Laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir".
Waxaad akhrisaa salaad walba kaddib suuradahan:(qul-huwwallaahu) (qul acuudu birabbil falaq) (qul acuudu birabbinnaas) Akhri mid walbaa seddex jeer salaadaha maghribka iyo subaxa kaddib, iyo mar keliya salaadaha kale.
Waxaad sidoo kale akhrisaa Aayatul- kursi hal mar salaad walba oo faral ah kaddib.