Skip to content

Dhammeystir xadiiska "Annagoo la fadhinna Rasuulka Alle-sallallaahu calayhi wasallam.....", oo sheeg wax ka mid ah  faa’idooyinkiisa ?

الباب / الفصل
قسم الحديث

السؤال

س3: أكمل حديث «بينما نحن جلوس عند رسول الله صلى الله عليه وسلم ...»، واذكر بعض فوائده.

S3: Dhammeystir xadiiska "Annagoo la fadhinna Rasuulka Alle-sallallaahu calayhi wasallam.....", oo sheeg wax ka mid ah faa’idooyinkiisa ?

الجواب

ج:عن عمر بن الخطاب رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قال:

«بينما نحن جلوس عند رسول الله صلى الله عليه وسلم ذات يوم، إذ طلع علينا رجل شديد بياض الثياب، شديد سواد الشعر، لا يرى عليه أثر السفر، ولا يعرفه منا أحد، حتى جلس إلى النبي صلى الله عليه وسلم، فأسند ركبته إلى ركبتيه، ووضع كفيه على فخذيه، وقال: «يا محمد أخبرني عن الإسلام»، فقال له: «الإسلام: أن تشهد أن لا إله إلا الله، وأن محمدًا رسول الله، وتقيم الصلاة، وتؤتي الزكاة، وتصوم رمضان، وتحج البيت إن استطعت إليه سبيلًا»، قال: «صدقت»، فعجبنا له يسأله ويصدقه، قال: «أخبرني عن الإيمان» قال: «أن تؤمن بالله، وملائكته، وكتبه، ورسله، واليوم الآخر، وتؤمن بالقدر؛ خيره وشره»، قال: «صدقت»، قال: «فأخبرني عن الإحسان»، قال: «أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه، فإنه يراك»، قال: «فأخبرني عن الساعة»، قال: «ما المسؤول بأعلم من السائل»، قال: «فأخبرني عن أماراتها»، قال: «أن تلد الأمة ربتها، وأن ترى الحفاة العراة العالة رعاء الشاء، يتطاولون في البنيان» ثم انطلق فلبث مليًّا، ثم قال: «يا عمر! أتدري من السائل؟»، قلت: "الله ورسوله أعلم"، قال: «فإنه جبريل، أتاكم يعلمكم دينكم»

رواه مسلم.

فوائد من الحديث:

  1. ذكر أركان الإسلام الخمسة؛ وهي:
  • شهادة أن لا إله إلا الله، وأن محمدا رسول الله.
  • وإقام الصلاة.
  • وإيتاء الزكاة.
  • وصوم رمضان.
  • وحج بيت الله الحرام.
  1. ذكر أركان الإيمان، وهي ستة:
  • الإيمان بالله.
  • وملائكته.
  • وكتبه.
  • ورسله.
  • واليوم الآخر.
  • والقدر خيره وشره.
  1. ذكر ركن الإحسان، وهو ركن واحد، وهو أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه، فإنه يراك.
  2. وقت قيام الساعة، لا يعلمه إلا الله تَعَالَى.

Jawaab: Waxaa laga soo weriyey Cumar ibnu Al-Khaddaab -Alle ha ka raalli noqdee- inuu yidhi:

Maalin annaga oo Nebiga-sallallaahu calayhi wasallam- la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u timo madow oo aaney ka muuqan astaan safar (socdaal) nin aqoon u lihina nagu jirin, ilaa uu Nabiga ag-fadhiistay, markaasuu jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyinkiisana kor saaray bowdada Nabiga-sallallaahu calayhi wasallam-markaasuu ku yidhi: Muxammadoow wax iiga sheeg lslaamka. Markaasuu Rasuulku yidhi: lslaamku waa inaad qirto inuu ilaah jirin xaq lagu caabudo Alle ma’ahee, Nabi Muxammadna Rasuulkii Alle yahay, inaad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha Ramadaan iyo u xajinta Baytka Alle haddii aad awooddid. Markaasuu yidhi: Run baad sheegtay, markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh run baad sheegtay. Haddana wuxuu ku yidhi: Ii sheeg Iimaanka. Markaasuu yidhi: Iimaanku waa inaad rumeysid Alle iyo malaa’ig- tiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Qiyaamaha iyo Qaddarka Alle shar iyo kheyrba. Wuxuu yidhi: Run baad sheegtay. Wuxuu yidhi: Haddana ii sheeg Ixsaanka. Wuxuu yidhi: Ixsaanku waa inaad Alle u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isaga ayaa ku arkaya. Wuxuu yidhi: iiga warran saacaddu markay dhacayso. Wuxuu Nabigu yidhi: Ma aha midka la weydiin mid uga aqoon badan kan weydiinaya (Kaagama war rooni). Wuxuu yidhi: iiga warran calaamadaha lagu garto markay soo dhowaato. Wuxuu ku jawaabay: In addoontu dhasho sayidkeeda iyo in dadka kabaha la’a ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ahaa ku tartamaan sara/dabaqyada dhismahooda, Markaasuu iska tegey. Markuu Nabigu cabbaar aamusnaa ayuu yidhi: Cumarow, ma garanaysay ninkii wax warsanayey? Markaasaan idhi; Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa og. Wuxuu Nabigu-sallallaahu calayhi wasallam-yidhi: Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu idin baro diintiinna).

Waxaa soo weriyey Muslim.

Faa’idooyinka laga qaadan xadiiskan:

1-Xusidda tiirarka Islaamka ee shanta ah; oo ah:

  • Qiritaanka in ilaah xaq lagu caabudaa jirin Alle maahee, Muxammadna yahay Rasuulkii Alle.
  • Oogidda salaadda.
  • Bixinta Sakada.
  • Soomidda Bisha Ramadaan.
  • U xajinta Beytka Alle ee xurmadda gaarka ah leh (Kacbada).
  1. Xusidda tiirarka Iimaanka, waana lix:
  • Rumeynta Alle.
  1. Malaa’igtiisa.
  2. Kutubtiisa.
  3. Rusushiisa.
  4. Maalinta Aakhiro (Qiyaamaha).
  5. Qaddarka Alle kheyrkiisa iyo sharkiisaba.
  6. Xusidda tiirka ixsaanka, waana tiir keliya, waana inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isaga ayaa ku arkaya.
  7. Waqtiga Qiyaamuhu dhacayo, ma jiro axad ogsoon oo aan aheyn Allaah kor ahaaye.