Skip to content

السؤال

س٣: اقرأ سورة العاديات وفسرها.

S3: Akhri Suuradda Al-Caadiyaat oo fasir.

الجواب

ج:سورة العاديات وتفسيرها:

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

﴿وَٱلۡعَٰدِيَٰتِ ضَبۡحٗا 1

فَٱلۡمُورِيَٰتِ قَدۡحٗا 2

فَٱلۡمُغِيرَٰتِ صُبۡحٗا 3

فَأَثَرۡنَ بِهِۦ نَقۡعٗا 4

فَوَسَطۡنَ بِهِۦ جَمۡعًا 5

إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٞ 6

وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٞ 7

وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلۡخَيۡرِ لَشَدِيدٌ 8

۞ أَفَلَا يَعۡلَمُ إِذَا بُعۡثِرَ مَا فِي ٱلۡقُبُورِ 9

وَحُصِّلَ مَا فِي ٱلصُّدُورِ 10

إِنَّ رَبَّهُم بِهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّخَبِيرُۢ 11﴾

[العاديات: ١-١١].

التفسير:

  1. ﴿وَٱلۡعَٰدِيَٰتِ ضَبۡحٗا1﴾:

أقسم الله بالخيل التي تجري حتى يُسْمَع لنَفَسِها صوتٌ من شدة الجري.

  1. ﴿فَٱلۡمُورِيَٰتِ قَدۡحٗا2﴾:

وأقسم بالخيل التي تُوقِد النار بحوافرها إذا لامست بها الصخور لشدة وقعها عليها.

  1. ﴿فَٱلۡمُغِيرَٰتِ صُبۡحٗا3﴾:

وأقسم بالخيل التي تُغِير على الأعداء وقت الصباح.

  1. ﴿فَأَثَرۡنَ بِهِۦ نَقۡعٗا4﴾:

فحركن بجريهنّ غبارًا.

  1. ﴿فَوَسَطۡنَ بِهِۦ جَمۡعًا5﴾:

فتوسّطن بفوارسهنّ جَمْعًا من الأعداء.

  1. ﴿إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٞ6﴾:

إن الإنسان لمَنُوع للخير الذي يريده منه ربه.

  1. ﴿وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٞ7﴾:

وإنه على منعه للخير لشاهد، لا يستطيع إنكار ذلك لوضوحه.

  1. ﴿وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلۡخَيۡرِ لَشَدِيدٌ8﴾:

وإنه لفرط حبه للمال يبخل به.

  1. ﴿۞ أَفَلَا يَعۡلَمُ إِذَا بُعۡثِرَ مَا فِي ٱلۡقُبُورِ9﴾:

أفلا يعلم هذا الإنسان المغترّ بالحياة الدنيا إذا بعث الله ما في القبور من الأموات وأخرجهم من الأرض للحساب والجزاء أن الأمر لم يكن كما كان يتوهم؟!

  1. ﴿وَحُصِّلَ مَا فِي ٱلصُّدُورِ10﴾:

وأُبْرِز وبُيِّن ما في القلوب من النيات والاعتقادات وغيرها.

  1. ﴿إِنَّ رَبَّهُم بِهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّخَبِيرُۢ11﴾:

إن ربهم بهم في ذلك اليوم لخبير، لا يخفى عليه من أمر عباده شيء، وسيجازيهم على ذلك.

J: Suuradda Al-Caadiyaat iyo tafsiirkeeda:

  1. "Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Naxariistaha, Naxariista Badan".
  2. Wuxuu ku dhaartay Alle fardaha orodka dheereeya iyagoo hiinraagi (fardaha dagaalka, iwm).
  3. Iyo fardaha kiciya dhimbilaha dabka markay qoobkooda dhagaxa la dhacayaan xilliga ay weerarka ku yihiin cadowga.
  4. Iyo fardaha cadowga weerara subaxa hore,
  5. Markaas boorka kiciya,
  6. fardaha badhtanka u gala guutooyinka cadowga marka dagaalka lagula jiro cadowga.
  7. Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah) kuna keni adag yahay.
  8. Isagaana taasi ka markhaati ah.
  9. Oo waa ku daran yahay Jaceylka maalka.
  10. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo.
  11. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo(bannaanka la keeno).
  12. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan).

[Suuradda Al-Caadiyaat: 1-11].

Tafsiirka:

Alle wuxuu ku dhaartay fardaha orda ee laga maqlo hiinraagga xoogga leh orod badni darteed.

Alle Wuxuu kaloo ku dhaartay fardaha ku shida qoobabkooda dab sida madagta oo kale uga dhalanaaya ciddida ku dhacaysa dhagaxa darteed.

Wuxuu kaloo ku dhaartay fardaha ku duula cadowga waaberiga.

Kuwaasoo kicinaaya siigo xawliga ay ku socdaan dartii.

Ee cadowga badhtamaha u gala iyagoo raggu saaran yahay fardahaa.

Aadmigu waa mid diida kheyrka Rabbigii uu ka rabo.

kheyr diid nimadiisana marag buu ka yahay, ma inkiri karo waayo wey iska caddahay.

Jaceyl dartii uu u qabo maalka ayuu ka bakheylaa bixintiisa.

Miyuusan ogeyn qofkan ku kadsoon noloshan adduunka hadduu Alle soo saaro waxa ku jira qubuuraha oo kuwii dhintay ah oo ka soo bixiyo dhulka si loo xisaabiyo oo loo abaal mariyo in arrinku aheyn sidii uu moodayey?!

Oo la soo bixiyo oo muujiyo waxa ku jira laabaha ee ah niyooyin iyo caqiidooyin iyo wax ka duwanba.

Rabbigood baa maalinkaa u xog ogaal ah, kama qarsoona wax ka mid ah arrinka addoomahiisa wuuna ka jaasayn (abaal marin).