Shaandhee natiijooyinka
279 kaadh
الموضوعات
التصنيف الشرعي
Filter ▾
حجم المحتوى4
J: 1. Markaan dareemo xanuun, waxaan saarayaa gacantayda midig meesha layga hayo waxaan odhan: "Bismillaah" seddex jeer, waxaana odhan "Acuudu bicizzatillaahi wa qudratihii min sharri ma ajidu wa ‘uxaadir"oo macnaheedu yahay: “Magaca Alle. waxaan uga magan galayaa Alle, iyo Awooddiisa waxa i haya ee aan dareemayo sharkiisa iyo waxa aan ka digtoonahayba”. waxaad odhan toddobo jeer.
- Waxaan ku raalli ahaan waxa uu Alle qaddaray oo samri.
Xadiiska Ummul-Calaa waxay tidhi: Waxaa i soo booqday Rasuulka Alle -sallallaahu calayhi wasallam- anigoo buka, markaasuu wuxuu yidhi:
(Bishaareyso Ummul- Calaayeey, waayo jirrada qofka Muslimka wuxuu Alle kaga saaraa denbiyadiisa sida uu dabku kaga saaro qashinka dahabka iyo fiddada).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
- Waxaan u deg-degi booqashada walaalkeyga buka, oo u duceyn, mana ag fadhineyo muddo dheer.
- Waxaan ku tufi oo ku akhriyi ruqyad (Qur'aan dawo ahaan) isagoon iga dalbin.
- Waxaan kula dardaarmi samirka iyo ducada, iyo salaadda iyo dahaarada intii awooddiisa ah.
- U duceynta qofka buka:
- U duceynta qofka buka: As-alullaahal Cadiim Rabbal Carshil-Cadiim an yashfiyaka (Toddobo jeer) Waxaan weydiisanayaa Alle Weyne oo ah Rabbiga Carshiga Weyn in uu ku bogsiiyo. (Toddobo jeer)
J: 1. Niyadda oo loo gaar iyo gooni yeelo Alle Weyne.
Tixraac xadiiska:
(Qofkii cilmi u barta inuu ugu faano culimada oo kula doodo makasta, oo dadka wejiyadiisa xaggiisa u soo jeediyo wuxuu Alle gelin Jahannama).
Waxaa soo weriyey ibnu Maajah.
- Waxaan ku camal fali cilmigaan bartay.
(Qofku kama dhaqaaqayo meesha cagtiisu saaran tahay Maalinta Qiyaamaha ilaa la weydiiyo afar-su'aalood-: wuxuuna sheegay oo ka mid ahaa cilmigiisa muxuu ka yeelay oo ma ku camal falay). Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Ad-Daarami.
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Ad-Daarami.
- Waan ixtiraami macallinka oo qaddarin markuu joogo iyo markuu maqan yahayba.
- Waxaan u fariisan hortiisa si edeb leh.
5. Waxaan u dhageysan si fiican mana ka kala goynayo darsigiisa. 6. Si edeb leh baan wax u su'aali
- Si edeb leh baan wax u weydiin.
- Uguma yeerayo magaciisa.
(Waxaa ka mid ah weyneynta Alle sharfidda Muslimka cirrada leh (qofka weyn) iyo qofka Qur’aanka yaqaan ee ku camal fala).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
J: 1. Waxaan salaami dadka fadhiga ku sugan.
- Waxaan fadhiisan halkuu fadhiga i geeyo oo bannaan, qofna kama kicineyo fadhigiisa mana fadhiisanayo labo qof dhexdooda inay ii oggolaadaan maahee.
- Waxaan balaadhin goobta fadhiga si uu u fadhiisto qof kale.
- Ma ka kala goynayo hadalka fadhiga.
- Waxaan weydiisan idan oo salaami dadka intaan ka tegin fadhiga.
Waxaa laga soo weriyey Ibnu Cumar -Allaha ka raalli noqdee- in Nabigu- sallallaahu calayhi wasallam-
"Wuxuu reebay in qof laga kiciyo fadhigiisa, oo qof kale fadhiisto, laakiin ballaadhiya oo isu banneeya fadhiga."
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
Tixraac xadiiska:
Tixraac xadiiska: (Markuu midkiin soo galo fadhi waa inuu dadka salaamo, markuu doono inuu kaco oo tago waa inuu salaamo sidoo kale, midda hore kama xaq badna midda dambe).
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Abuu Daawuud.
- Markuu dhammaado fadhigu oo la kala tagayo waxaan ku duceysan ducada kafaarada (dembi dhaafka) fadhiga oo ah:
Subxaanakallaahumma wa bixamdika ash-hadu an laa ilaaha illaa anta astaqfiruka wa atuubu ilayk. Allow waad ka hufan tahay xumaan, Ammaan iyo Mahadna Adaa leh, waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Adiga mooyee, denbi dhaaf ayaan ku weydiisanayaa, waana kuu toobad keenayaa".
J- 1- Horay baan u seexan.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
Abuu Barzah waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- uu necbaa seexashada salaadda Cishaha ka hor iyo sheekada Cishaha kadib.
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
- Waxaan seexan anigoo weysa qaba oo daahir ah.
- Ma seexanayo anigoo caloosha u hurda (beerka u jiifa).
- Waxaan u seexan dhinaceyga midig, waxaana dhigi gacantayda midig dhabankeyga midig hoostiisa.
- Waxaan jafi /gacanta marin firaashkeyga.
Tixraac xadiiska:
Waxaa laga soo weriyey Al-Baraa bin Caazib inuu yidhi: Nabigu s.c.w wuxuu yidhi:
Waxaa laga soo weriyey Al-Baraa bin Caazib a.k r. Inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Markaad dooni inaad seexato weysyso sida u weeso qaadashada salaadda, kaddib u jiifso dhankaaga midig.
Abuu Hurayra -Allaha ka raalli noqdee- wuxuu yidhi: Wuxuu arkay Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- nin u jiifa caloosha markaasuu wuxuu yidhi:
(Jiifka sidan ah Alle ma jecla).
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Axmad.
Nabigu sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:
(Markuu qofku u hoyanayo firaashkiisa ha ku jafo (hurgufo) firaashkiisa cidhifka go'iisa, waayo ma oga waxa u daba maray (sida cayayaan, iwm).
- Waxaan akhrin adkaarta hurdada, sida Aayatul Kursiga, Suuradda Al-Ikhlaas, iyo labada Mucawadateyn seddex jeer. Waxaana odhan:
"Bismika Allaahumma amuutu wa axyaa" . "Magacaaga ayaan Allow ku dhiman kuna noolaan"
- Waxaan u soo kici salaadda Subax.
- Waxaana odhan markaan ka soo kaco hurdada:"
"Al-xamdu lillaahi alladii axyaanaa bacda maa amaatanaa, wa ilayhinnushuur". "Ammaan iyo Mahad idilkeed waxaa iska leh Alle ee na nooleeyay intuu na oofsaday kaddib, Xaggiisuuna ahaaday soo bixitaanku (Maalinta Qiyaamaha".
J: 1. Waxaan u niyoon cuniddeyda iyo cabbitaan- kaygaba inaan daacada Alle ugu xoogaysto.
- Dhaqidda labada gacmood ka hor cunista.
Tixraac xadiiska Caa'ishah- Allaha ka raalli noqdee- in Rasuulka Alle - Sallallaahu calayhi wasallam:
(Markuu doono inuu wax cuno oo cabbo wuxuu meyri jirey gacmihiisa markaasuu wax cunayey oo cabbayey).
Waxaa soo weriyey Axmad.
- Waxaan odhan: "Bismillaah", oo wax ku cuni gacanteyda midig oo cuni waxa soo xiga xaggeyga, waxna kama cunayo weelka bartankiisa ama qof kale dhinaciisa.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
(Maandhow, dheh Bismillaah, oo ku cun midigtaada, oo cun waxa ku soo xiga).
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Haddaan illaawo bisinka waxaan odhan: Bismillaah awaluhu wa'akhiruhu".
Tixraac xadiiska Caa'ishah -Allaha ka raalli noqdee-. waxay tidhi: Rasuulka Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi:
"Markuu cunayo midkiin cunto, waa inuu yidhaahdo Bismillaah, hadduu illaawo billowga, ha yidhaahdo Bismillaah fii awalihi wa'akhirihi".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Axmad.
- Waxaan ku raalli ahaan wixii la heli karo cunto, wax ceeb ahna kama sheegayo cunto, haddaan u bogo waan cuni, haddaan u boginna waa iska dayn.
- Tixraac xadiiska Abuu Hurayra-Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi:
Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- kama sheegin ceeb cunto waligii, hadduu jecleysto wuu cunayey, haddii kale wuu iska dayn jiray.
- Waxaan cuni dhowr luqmadood/qaadasho, mana cunayo in badan.
Tixraac xadiiska:
(Ma buuxiyo qof aadmi ah weel ka shar badan calooshiisa, waxaa ku filan aadmiga dhowr luqmadood oo toosiya dhabarkiisa, hadday naftiisa ka xoog badiso, seddex meelood meel ha u daayo cuntadiisa, seddex meelood meel cabbiddiisa, iyo seddex meelood meel neefsashadiisa)
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.
- Ma afuufayo cuntada ama cabbitaanka waana sugi ilaa uu qaboobo.
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuu naga reebey afuufidda cuntada iyo cabbitaanka).
Waxaa soo weriyey Axmad iyo ibnu Maajah.
- Waxaan la wadaagi cuntada dadka sida ehelkeyga ama marti.
Tixraac xadiiska in nin ku yidhi Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam-: Wax baan cunnaa mana dheregno, wuxuu yidhi:
(Waa intaasoo aad cuntada cuntaan kala jir (keli keli), ee ku cuna wadajir oo ku xusa Magaca Alle kor ahaaye si la idiinku barakeeyo).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo ibnu Maajah.
- Ma billaabayo cunidda ka hor dadka ay ka mid yihiin dadka kuwa iga da' weyn.
- Waxaan odhan Bismillaah markaan doono inaan wax cabbo, waxaana wax cabbi anigoo fadhiya, waxaan cabbidda u kala qeybin seddex mar oo mar keliya wada cabbi maayo, mana ku neefsanayo weelka aan ka cabbayo.
(Markuu doono midkiin inuu wax cabbo waa inuusan ku neefsan weelka uu wax ka cabbayo).
Iyo xadiiska Anas Allaha ka raalli noqdee,
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuu u diiday dadka inay taagni wax ku cabbaan).
Waxaa soo weriyey Muslim.
Iyo xadiiska:
(Rasuulka- Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu u neefsan jiray (nasan) jirey cabbitaanka seddex jeer).
- Waxaan ku xamdin oo mahadin Alle markaan bogo/dhammeysto cunidda cuntada ama cabbitaanka.
(Alle wuu kaga raalli noqdaa qofka markuu cuno cunto oo ku xamdiya ama cabbo cabbitaan oo ku xamdiya -oo yidhaahda Al-Xamdulillaah).
J: 1. Waxaan ka billaabi xirashada dharka dhanka midigta, waxaana uga xamdi iyo mahad naqi arrinkaa Alle.
Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah- Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi: Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi:
Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah a.k.r. wuxuu yidhi: Rasuulka Alle s.c.w. wuxuu yidhi: (Markaad gashaneysaan dharka iyo markaad weysaysanaysaanba ka billaaba dhinacyadiinna midig).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo Axmad.
- Ma dheereynayo toobka (khamiiska) oo ma dhaafineyo labada anqow.
Tixraac xadiiska:
(Wixii ka hoos mara aanqowga ee - dharka ay raggu xidhaan ah- naartuu ku sugan yahay- macnaha waa lagu naar galaa dharka raggu xidhaan oo ilaa dhulka sii daayo).
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
Labada aanqow waa labada lafood ee soo buuran labada dhinac ee cagta.
Waa inayan xidhan wiilashu dharka gabdhaha, gabdhuhuna xidhan dharka wiilasha.
(Rasuulka -Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuu nacladay ninka xidha labbiska dumarka, iyo haweeneyda xirata labbiska ninka).
- Waa inaan la xidhan wax u eg oo shabbaha labbiska gaalada ama ehlu fusuqa.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
(Qofkii isu ekeysiiya cid kale iyaguu ka mid yahay).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
- Waa inaad tidhaahdo Bismillaah markaad iska siibeyso dharka.
(Waxaa kala astura cowradaha dadka iyo jinka markuu midkiin iska bixinayo dharka inuu yidhaahdo 'Bismillaah'.
Waxaa soo weriyey Ad-Dabaraani iyo ibnu abuu Shaybah.
- Inaad kabaha hor galiso midigta, markaad iska siibeysana kabaha aad hormariso bidixda.
Tixraac xadiiska: Hooyadii mu'miniinta Caa'ishah a.k.r. waxay tidhi:
"Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu jeclaa oo cajabin jirey inuu hormariyo dhanka midig markuu gashanayo kabaha, markuu shanleysanayo, markuu weysay- sanayo iyo arrimihiisa oo dhan".
J: 1. Waxaan odhan: "Bismillaah, alxamdu lillaah", (Magaca Alle ayaan ku fuulayaa, Ammaan iyo Mahadna Alle ayaa leh",
"Subxaanalladii sakhkhara lanaa haadaa, wa maa kunnaa lahu muqriniin", (Waxaa xumaan ka hufan Alle ee noo sahley kan, mana ahaaneen kuwo kara leyligiisa,
Wa innaa ilaa rabbinaa la munqalibuun", (Annaguna xagga Rabbigeen ayaan u gaddoomeynaa (noqoneynaa).
(Suuradda Az-Zukhruf: 13, 14).
- Markaan soo ag maro qof Muslim ah; waxaan ku odhan As-Salaamu caleykum.
J: 1. Waxaan u socon si miyir leh aan isla weyni ku jirin.
Alle wuxuu yidhi:
(Ha ku soconin dhulka kibir, waayo ma kartid inaad jeexdid (daloolisid) dhulka, kumana gaadheysid buuraha dherer).
[Suurada Al-israa: 57].
- Waxaan ku odhan assalaamu calayum ciddii aan la kulmoba.
Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam- waxaa la weydiiyey: Islaamka tilmaamahee baa u wanaagsan? Wuxuu yidhi:
(Inaad dadka marti soorto oo cunto siiso, oo aad salaanto qofkaad garaneyso iyo qofkaadan garaneynba).
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Waxaan ka laaban indhaha oo ka weecin waxaan ii bannaaneyn inaan eego, qofna uma geysanayo dhibaato.
- Waxaan amri wanaagga oo reebi xumaha.
Tixraac xadiiska Nabiga-Sallallaahu calayhi wasallam- uu yidhi:
(Siiya waddada xaqeeda). Waxay yidhaahdeen: Waa maxay xaqa waddadu? Waxuu yidhi: (Laabidda aragga, inaadan wax dhibaateyn, inaad qaaddo salaanta, inaad amarto wanaagga, oo reebto xumaha).
- Waxaan ka qaadi wixii waxyeello leh waddada.
Tixraac xadiiska:
"Inuu qofku ka qaado wixii waxyeello leh waddada waa Sadaqo".
J: 1. Waxaan bixi anigoo hormarin cagteyda bidix waxaana odhan:
"Bismillaah tawakaltu calal Laah, walaa xawla walaa quwwata illaa billaah Allaahumma innii acuudu bika min an adilla aw udalla aw azilla aw uzalla aw adlima aw udlama aw ajhala aw yujhala calayya". Magaca Alle yaan ku bixi, waxaan tala saartay Alle, Xeelad iyo Xoog oo dhan Alle ayey u sugnaadeen. Allow waxaan kaa magan galayaa, inaan lumo ama la i lumiyo, ama aan marin habaabo ama lay marin habaabiyo, ama aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo ama aan gafo ama la igu gafo."
- Waxaan hor gelin guriga lugtayda midig, waxaana odhan:
"Bismillaahi walajnaa wa bismillaahi kharajnaa wa calaa Rabbinaa tawakalnaa" (Magaca Alle ayaan ku galnay, magaca Allena waan ku baxnay Rabbigayana waan tala saarannay".
- Waxaan ku billaabi cadayasho, kaddib waxaan salaami reerka.
Tixraac xadiiska:
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- markuu guriga soo galo wuxuu ku billaabi jirey cadayasho).
Waxaa soo weriyey ibnu Maajah.
J: 1. Waxaan ku gali oo aan horreysiin lugteyda bidix.
- Waxaan odhan ka hor gelitaanka:
"Bismillaah Allaahumma innii acuudu bika minal khubthi wal-khabaaith". Magaca Alle ayaan ku galayaa, Allow waxaan kaa magan galayaa shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dheddigba".
- Lama galayo musqusha wax uu ku xusan yahay Magaca Alle.
Anas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yidhi:
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- markuu galayo musqusha wuxuu dhigi jirey debedda farraantigiisa oo lama geli jirin suuliga).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo ibnu Maajah.
- Waan iska astutri dadka markaan dan gudanaayo (kaadi ama saxaro).
Tixraac xadiiska:
"Wuxuu u jeclaa wax uu isku asturo Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- markuu dan gudanayo daah ama deyr ka sameysan caleenta geed timir".
Waxaa soo weriyey Muslim.
- Kuma hadlayo musqusha gudaheeda markaan saxroon ama kaadshi.
- Ma qaabilayo qibladda mana u jeedineyo dabada markaan ku dan gudanayo (kaadi ama saxaro) meel bannaan ah
Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam:
(Ha ula jeesanina qibladda saxaro, ama kaadi, laakiinse u jeesta meel aanay qibladu idinka jirin bari ama galbeed).
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Waxaan isticmaali -istijada-gacanteyda bidix si aan Isaga daahiriyo nijaasta, mana isticmaalayo midigta.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
(Wuu naga reebay Nabiga inaan ku istijoonno midigta).
- Kuma kaadshayo ama saxaroonayo dariiqa dadka ama hooskooda (hadhka).
- Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah -Allaha ka raalli noqdee- in Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- yidhi:
"Iska jira labada lagu muto lacnadda". Waxay yidhaahdeen: Waa maxay labada lagu muto lacnadda Rasuul Alloow? Wuxuu yidhi: "Waa qofka ku saxarooda waddada dadku maro, ama halka ay harsadaan".
- Waxaan dhaqi labadeyda gacmood kaadi ama saxaro kaddib.
Tixraac Xadiiska Jariir Allaha ka raalli noqdee: Waxaan la socday Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam- markaasuu yimid meel cidla' ah oo ku dan gutay, markaasuu yidhi:
"Jariirow ii keen waxaan ku dahaaro qaato". Markaasaan u keenay biyo oo ku istinjooday biyihii, oo dhulka ku xoqay gacmihiisa.
Waxaa soo weriyey An-Nisaa'i.
- Waxaan soo hor bixin lugteyda bidix waxaana odhan: " Ghufraanaka". (Allow denbi dhaafkaaga ayaan ku waydiisanayaa).
J: 1. Waxaan gali Masjidka anigoo hormarin lugtayda midig waxaana odhan:
"Bismillaah, wassalaatu wassalaamu calaa Rasuulillaah, Allaahumma iftax lii abwaaba raxmatika". "Magaca Alle ayaan ku galayaa: Allow ii fur albaabbada Naxariistaada”
- Ma fadhiisanayo jeer aan tukado labo rakcadood.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
"Markuu midkiin soo galo Masjidka waa inuusan fadhiisan jeer uu tukado labo rakcadood".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Ma hor marayo qof tukanaya, wax dhumayna ma ka naadineyo/baafineyo baadigoobkood Masjid, mana ku sameynayo wax kala iibsi masjid gudahiisa, waxaana ku dadaali nadaafadda Masjidka.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:
"Hadduu ogaan lahaa qofka hormari qof tukanaya waxaa ka soo gaari denbi inuu joogsado afartan- sugo baa uga roonaan laheyd inuu hormaro".
Iyo odhaahdii Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam-:
"Qofkii maqla nin wax dhumay ka dhex baafineya Masjid ha yidhaahdo Alle kuuma soo celiyo, waayo masaajidda looma dhisin arrinkaa".
Waxaa soo weriyey Muslim.
Iyo tixraac xadiiska:
"Haddaad aragtaan qof wax ku gadi/iibin ama gadan Masjid ku dhaha ha ka faa'idin oo Alle kuuma barakeeyo ganacsigaaga".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Ad-Daarami.
- Waxaan ku dadaali nadaafadda Masjidka.
Tixraac xadiiska hooyadii mu'miniinta Caa'ishah -Allaha ka raalli noqdee- waxay tidhi:
"Rasuulkii Alle wuxuu amray in laga dhiso masaajiddo meelaha dadku degan yihiin, oo la nadiifiyo oo la udgiyo".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Abuu Daawuud.
- Markaan ka soo baxayo Masjidka waxaan hormarin cagteyda bidix waxaana odhan:
Allaahumma innii as'aluka min fadlika : "Allow waxaan ku waydiisanayaa fadligaaga".
J: 1. Markaan la kulmo qof Muslim ah waxaan ku billaabi salaan, waxaana odhan : As-Salaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuh, kuma salaamayo wax kale, gacanta oo keliyana kuma tilmaamayo salaan.
- Waan u dhoolla caddeyn qofkaan salaamayo.
Tixraac xadiiska:
"Ha yareysan wax wanaag ah, haba ahaatee inaad ku qaabisho walaalkaa-muslimka-wejin fur furan oo muusoonaya".
Waxaa soo weriyey Muslim.
- Waxaan ku salaami oo ku gacan qaadi gacanteyda midig.
- Markuu qof i salaamo waxaan ugu jawaabi mid ka fiican salaantaa ama mid la mid ah.
Tixraac qowlka Alle kor ahaaye:
(Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa/celiya salaan (la mid ah). Alle waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).
[Suuradda An-Nisaa: 80].
- Kuma billaabayo gaal salaan, hadduu i salaamana waxaan ugu jawaabi "wacalaykum".
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
"Ha ku billaabina Yuhuudda iyo Nasaarada salaan".
- Wuxuu salaami kan yari kan weyn, kan gaadiidka fuushanina kan lugaynaya, kan socdana kan fadhiya, inta yarna inta badan.
Rasuulkii Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi:
"Wuxuu salaami kan gaadiidka fuushani kan soconaya, kan soconayana kan fadhiya, kuwa tiro yarina kuwa tirada badan ayey salaami".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Waa inaadan ku gacan qaadin salaan haweeney aan kuu bannaaneyn oo aan ka mid aheyn maxaarimtaada (kuwa qaraabada dhow kuu ah ee aan guur koogu bannaaneyn),
Tixraac xadiiska hooyadii mu'miniinta Caa'ishah -Allaha ka raalli noqdee- waxay tidhi:
"Maya wallaahi, ma taaban gacanta Rasuulka Alle -Sallallaahu calahi wasallam- gacan haweeney aan u bannaaneyn waligii".
J: 1. Waxaan weydiisan idan ka hor gelitaanka meeshaasi.
- Waxaan idan weydiisan seddex jeer mana ka badinayo, intaa kaddib waan iska tegi.
Tixraac xadiiska:
"Markuu weydiisto midkiin idan/oggolaasho seddex jeer oo aan loo idmin inuu soo galo, ha laabto".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Waxaan u garaaci albaabka aayar, mana istaagayo abbaarta (ku toosan) albaabka, waxaanse istaagi albaabka midigtiisa ama bidixdiisa. waxaana odhan: As-Salaamu caleykum.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
"Rasuulka Alle -Sallallaahu calahi wasallam- hadduu yimaado albaab cid leeyihiin ma istaagi jirin abbaarta (ku toosan) albaabka, wuxuuse istaagi jirey geestiisa midigta ama bidixda isagoo leh: As-Salaamu caleykum, As-Salaamu caleykum".
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
- Uma soo galayo aabbahay iyo hooyaday ama qof qolka ka hor idan qaadasho, gaar ahaan salaadda subax ka hor iyo waqtiga qeyluulada (seexashada qadada kadib) ee duhurka ama salaadda Cishaha kaddib.
Tixraac qowlka Alle kor ahaaye:
(Kuwa (Xaqa) rumeeyoow Waa inay idin weydiistaan fasax (oggolaansho) kuwaa ay gacmihiinna midig hantaan iyo kuwa aan weli qaan gaarin ee idinka midka ah saddex waqti; ka hor salaadda subax, iyo markaad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa seddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna denbi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale iyagoon idan qaadan. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadaha. Alle waa wax kasta oge, Xakiim ah).
[Suuradda An-Nuur :27].
- Waan geli karaa meelaha aanay cidi degganeyn, sida isbitaal ama dukaan anigoon idan weydiisan.
Alle wuxuu yidhi:
(Ma aha korkiinna denbi inaad gashaan (idan la’aan) guryo aan la degganayn alaab aad leedihiinna dhex-taallo. Alle wuu Ogsoon yahay waxaad si cad u fashaan iyo waxaad qarisaanba).
J: 1. Waan quudin xayawaanka oo waraabin.
Tixraac xadiiska:
Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow, ma waxaa noogu jira daryeelka xayawaanka ajar? Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Daryeelka nafley kasta waxaa ku sugan ajar".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Wuxuu soo ag maray Rasuulku awr dhabarkiisa iyo calooshiisu isku dhegeen macaluul darteed, markaasuu yidhi:
"Ilaahay ka cabsada oo daryeela xoolahan".
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
- U Naxariisashada iyo u roonaanshada xoolaha, iyo inaan la saarin wuxuusan qaadi karin.
Tixraac xadiiska: Wuxuu yidhi -Sallallaahu calayhi wasallam:
"Yaa leh awrkan? Yaa leh awrkan? Markaasaa waxaa yimid wiil yar oo reer Ansaar ah oo yidhi: Anaa leh Rasuul Allow. Markaasuu Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu ku yidhi: Miyaadan Alle uga cabsaneyn neefkan uu Alle ku mulkisiiyey oo aad hantiday. Waayo wuu iiga kaa soo dacwooday inaad gaajo ku dishay oo dhibtay".
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo Axmad.
Macnaha waa dhibtay oo daalisay.
- Ma cadaabayo xayawaanka noocuu doonaba ha ahaado cadaabka iyo dhibkaa.
- Tixraac xadiiska Jaabir -Allaha ka raalli noqdee- in Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- soo ag maray dameer laga summadeeyey wejiga, markaasuu wuxuu Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- yidhi:
"Miyeyna idin soo gaadhin inaan nacdalay qofkii ka summadeeya neef wejigiisa ama ka garaaca wejigiisa?)" markaasuu ka reebay dadka arrinkaa sameyntiisa.
Waxaa soo weriyey Muslim iyo Abuu Daawuud oo weedhahan iska leh.
J: 1. Waxaan u niyeysan jimicsiga inaan xoog ugu yeesho cibaadada Alle iyo raalli gelintiisa.
- Ma ciyaarayno waqtiga salaadda.
Alle wuxuu yidhi:
- Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),
- Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).
[Suuradda Al-Maacuun: 4-5].
- Ma aha inay wiilal la ciyaaraan gabdho.
- Waxaan ilaalin oo aan joogtayn dharka ciyaarta ee asturi cawradeyda.
- Waan ka fogaan ciyaaraha reebban ee xaaraanta ah, sida ciyaaraha la iska garaaco wejiga, ama la feydo cawrada.
Tixraac xadiiska:
"Hadduu la dagaallamo midkiin walaalkii ha ka fogaado wejiga".
Waxaa soo weriyey Muslim.
J: 1. Inaad run ku kaftanto oo aadan been sheegin.
Tixraac xadiiska:
"Hoog baa u sugnaaday qofka hadla oo been sheega si uu uga qosliyo dadka, hoog buu leeyahay, hoog buu leeyahay".
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, Axmad iyo At-Tirmidi.
- Waa inuu kaftanku ka maran yahay ku digasho iyo jeesjees iyo dhibaateyn iyo cabsi gelin.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:
"Uma bannaana qof Muslim ah inuu cabsi geliyo Muslim kale".
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo Axmad.
- Ma wanaagsana kaftanka badani.
"Ha badsan qosolka, waayo qosolka badani wuxuu dilaa qalbiga".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.