السؤال
س12: ما هي آداب الطعام؟
S13: Waa maxay aadaabta cuntadu?
الجواب
ج:1. أنوي بأكلي وشربي التقوِّي على طاعة الله عَزَّ وَجَلَّ.
- غسل اليدين قبل الأكل.
- لحديث أم المؤمنين عائشة رضي الله عنها كان رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إذا أراد أن يأكل ويشرب يغسل يديه ثم يأكل ويشرب»
رواه أحمد.
- أقول: "بسم الله"، وآكل بيدي اليمنى ومما يليني، ولا آكل من وسط الأطباق، أو من أمام غيري.
- لحديث:
«يا غلام، سم الله، وكل بيمينك، وكل مما يليك»
متفق عليه.
- إذا نسيت التسمية أقول: " بسم الله أوله وآخره ".
- لحديث أم المؤمنين عائشة رضي الله عنها، قالت: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إذا أكل أحدكم طعامًا، فليقل باسم الله، فإن نسي في أوله، فليقل باسم الله في أوله وآخره»
رواه الترمذي وأحمد.
- أرضى بالموجود من الطعام، ولا أعيب الطعام، إن أعجبني أكلته، وإن لم يعجبني تركته.
- لحديث أبي هريرة رضي الله عنه، قال:
«ما عاب النبي صلى الله عليه وسلم طعامًا قط، إن اشتهاه أكله وإلا تركه»
- آكل بضع لقيمات، ولا آكل كثيرًا.
- في الحديث:
«ما ملأ آدمي وعاءً شرًّا من بطن، حسب الآدمي لقيمات يقمن صلبه، فإن غلبت الآدمي نفسه، فثلث للطعام، وثلث للشراب، وثلث للنفس»
رواه الترمذي وابن ماجه.
- لا أنفخ في الطعام أو الشراب وأتركه حتى يبرد.
«نهى رسول الله صلى الله عليه وسلم عن النفخ في الطعام والشراب»
رواه أحمد وابن ماجه.
- أجتمع مع غيري في الطعام مع الأهل أو الضيف.
- حديث أن رجلًا قال للنبي صلى الله عليه وسلم: إنا نأكل وما نشبع، قال:
«فلعلكم تأكلون مفترقين، اجتمعوا على طعامكم واذكروا اسم الله تعالى عليه يبارك لكم فيه»
رواه أبو داود وابن ماجه.
- لا أبدأ بالطعام قبل غيري ممن هو أكبر مني.
- أسمي الله عندما أشرب، وأشرب جالسًا وعلى ثلاث دفعات، ولا أتنفس في الإناء.
«إذا شرب أحدكم فلا يتنفس في الإناء»
- ولحديث أنس رضي الله عنه،
«أن النبي صلى الله عليه وسلم زجر عن الشرب قائمًا»
رواه مسلم.
- ولحديث:
«كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يتنفس في الشراب ثلاثًا»
- أحمد الله عندما أنتهي من الطعام أو الشراب.
«إن الله ليرضى عن العبد أن يأكل الأكلة فيحمده عليها، أو يشرب الشربة فيحمده عليها»
J: 1. Waxaan u niyoon cuniddeyda iyo cabbitaan- kaygaba inaan daacada Alle ugu xoogaysto.
- Dhaqidda labada gacmood ka hor cunista.
Tixraac xadiiska Caa'ishah- Allaha ka raalli noqdee- in Rasuulka Alle - Sallallaahu calayhi wasallam:
(Markuu doono inuu wax cuno oo cabbo wuxuu meyri jirey gacmihiisa markaasuu wax cunayey oo cabbayey).
Waxaa soo weriyey Axmad.
- Waxaan odhan: "Bismillaah", oo wax ku cuni gacanteyda midig oo cuni waxa soo xiga xaggeyga, waxna kama cunayo weelka bartankiisa ama qof kale dhinaciisa.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
(Maandhow, dheh Bismillaah, oo ku cun midigtaada, oo cun waxa ku soo xiga).
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Haddaan illaawo bisinka waxaan odhan: Bismillaah awaluhu wa'akhiruhu".
Tixraac xadiiska Caa'ishah -Allaha ka raalli noqdee-. waxay tidhi: Rasuulka Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi:
"Markuu cunayo midkiin cunto, waa inuu yidhaahdo Bismillaah, hadduu illaawo billowga, ha yidhaahdo Bismillaah fii awalihi wa'akhirihi".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Axmad.
- Waxaan ku raalli ahaan wixii la heli karo cunto, wax ceeb ahna kama sheegayo cunto, haddaan u bogo waan cuni, haddaan u boginna waa iska dayn.
- Tixraac xadiiska Abuu Hurayra-Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi:
Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- kama sheegin ceeb cunto waligii, hadduu jecleysto wuu cunayey, haddii kale wuu iska dayn jiray.
- Waxaan cuni dhowr luqmadood/qaadasho, mana cunayo in badan.
Tixraac xadiiska:
(Ma buuxiyo qof aadmi ah weel ka shar badan calooshiisa, waxaa ku filan aadmiga dhowr luqmadood oo toosiya dhabarkiisa, hadday naftiisa ka xoog badiso, seddex meelood meel ha u daayo cuntadiisa, seddex meelood meel cabbiddiisa, iyo seddex meelood meel neefsashadiisa)
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.
- Ma afuufayo cuntada ama cabbitaanka waana sugi ilaa uu qaboobo.
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuu naga reebey afuufidda cuntada iyo cabbitaanka).
Waxaa soo weriyey Axmad iyo ibnu Maajah.
- Waxaan la wadaagi cuntada dadka sida ehelkeyga ama marti.
Tixraac xadiiska in nin ku yidhi Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam-: Wax baan cunnaa mana dheregno, wuxuu yidhi:
(Waa intaasoo aad cuntada cuntaan kala jir (keli keli), ee ku cuna wadajir oo ku xusa Magaca Alle kor ahaaye si la idiinku barakeeyo).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo ibnu Maajah.
- Ma billaabayo cunidda ka hor dadka ay ka mid yihiin dadka kuwa iga da' weyn.
- Waxaan odhan Bismillaah markaan doono inaan wax cabbo, waxaana wax cabbi anigoo fadhiya, waxaan cabbidda u kala qeybin seddex mar oo mar keliya wada cabbi maayo, mana ku neefsanayo weelka aan ka cabbayo.
(Markuu doono midkiin inuu wax cabbo waa inuusan ku neefsan weelka uu wax ka cabbayo).
Iyo xadiiska Anas Allaha ka raalli noqdee,
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuu u diiday dadka inay taagni wax ku cabbaan).
Waxaa soo weriyey Muslim.
Iyo xadiiska:
(Rasuulka- Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu u neefsan jiray (nasan) jirey cabbitaanka seddex jeer).
- Waxaan ku xamdin oo mahadin Alle markaan bogo/dhammeysto cunidda cuntada ama cabbitaanka.
(Alle wuu kaga raalli noqdaa qofka markuu cuno cunto oo ku xamdiya ama cabbo cabbitaan oo ku xamdiya -oo yidhaahda Al-Xamdulillaah).