السؤال
س15: ما آداب الطريق؟
S15: Waa maxay aadaabta jidku?
الجواب
ج:1. أعتدل وأتواضع في مشيتي.
قال تعالى:
﴿وَلَا تَمۡشِ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَرَحًاۖ إِنَّكَ لَن تَخۡرِقَ ٱلۡأَرۡضَ وَلَن تَبۡلُغَ ٱلۡجِبَالَ طُولٗا﴾
[الإسراء: ٣٧].
- ألقي السلام على من ألقاه.
- سأل النبي صلى الله عليه وسلم: أي الإسلام خير؟ قال:
«تطعم الطعام، وتقرأ السلام على من عرفت ومن لم تعرف»
متفق عليه.
- أغض بصري، ولا أؤذي أحدًا.
- آمر بالمعروف، وأنهى عن المنكر.
في الحديث عن النبي صلى الله عليه وسلم، قوله:
«فأعطوا الطريق حقها». قالوا: وما حق الطريق؟ قال: «غض البصر، وكف الأذى، ورد السلام، وأمر بالمعروف، ونهي عن المنكر»
- أميط الأذى عن الطريق.
- في الحديث:
«ويميط الأذى عن الطريق صدقة»
J: 1. Waxaan u socon si miyir leh aan isla weyni ku jirin.
Alle wuxuu yidhi:
(Ha ku soconin dhulka kibir, waayo ma kartid inaad jeexdid (daloolisid) dhulka, kumana gaadheysid buuraha dherer).
[Suurada Al-israa: 57].
- Waxaan ku odhan assalaamu calayum ciddii aan la kulmoba.
Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam- waxaa la weydiiyey: Islaamka tilmaamahee baa u wanaagsan? Wuxuu yidhi:
(Inaad dadka marti soorto oo cunto siiso, oo aad salaanto qofkaad garaneyso iyo qofkaadan garaneynba).
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Waxaan ka laaban indhaha oo ka weecin waxaan ii bannaaneyn inaan eego, qofna uma geysanayo dhibaato.
- Waxaan amri wanaagga oo reebi xumaha.
Tixraac xadiiska Nabiga-Sallallaahu calayhi wasallam- uu yidhi:
(Siiya waddada xaqeeda). Waxay yidhaahdeen: Waa maxay xaqa waddadu? Waxuu yidhi: (Laabidda aragga, inaadan wax dhibaateyn, inaad qaaddo salaanta, inaad amarto wanaagga, oo reebto xumaha).
- Waxaan ka qaadi wixii waxyeello leh waddada.
Tixraac xadiiska:
"Inuu qofku ka qaado wixii waxyeello leh waddada waa Sadaqo".