السؤال
س 13: ما آداب اللباس؟
S13: Waa maxay aadaabta labbisku?
الجواب
ج:1. أبدأ بلبس ثوبي باليمين، وأحمد الله على ذلك.
- لحديث أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إذا لبستم وإذا توضأتم فابدءوا بأيامنكم»
رواه أبو داود وأحمد.
- لا أطيل الثوب تحت الكعبين.
- في الحديث:
«ما أسفل من الكعبين من الإزار ففي النار»
رواه البخاري.
والكعبان العظمان الناتئان على جانبي القدم.
- لا يلبس الأولاد لبس البنات، ولا البنات لبس الأولاد.
«لعن رسول الله صلى الله عليه وسلم الرجل يلبس لبسة المرأة، والمرأة تلبس لبسة الرجل»
- عدم التشبه بلباس الكافرين أو الفاسقين.
- لحديث:
«من تشبه بقوم فهو منهم»
رواه أبو داود.
- التسمية عند خلع الملابس.
«ستر ما بين عورات بني آدم والجن إذا وضع أحدكم ثوبه أن يقول بسم الله»
رواه الطبراني وابن أبي شيبة.
- لبس النعال في اليمنى أولاً، والخلع من اليسرى.
- لحديث أم المؤمنين عائشة رضي الله عنها قالت:
«كان النبي صلى الله عليه وسلم يعجبه التيمن في تنعله، وترجله، وطهوره وفي شأنه كله»
J: 1. Waxaan ka billaabi xirashada dharka dhanka midigta, waxaana uga xamdi iyo mahad naqi arrinkaa Alle.
Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah- Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi: Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi:
Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah a.k.r. wuxuu yidhi: Rasuulka Alle s.c.w. wuxuu yidhi: (Markaad gashaneysaan dharka iyo markaad weysaysanaysaanba ka billaaba dhinacyadiinna midig).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo Axmad.
- Ma dheereynayo toobka (khamiiska) oo ma dhaafineyo labada anqow.
Tixraac xadiiska:
(Wixii ka hoos mara aanqowga ee - dharka ay raggu xidhaan ah- naartuu ku sugan yahay- macnaha waa lagu naar galaa dharka raggu xidhaan oo ilaa dhulka sii daayo).
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
Labada aanqow waa labada lafood ee soo buuran labada dhinac ee cagta.
Waa inayan xidhan wiilashu dharka gabdhaha, gabdhuhuna xidhan dharka wiilasha.
(Rasuulka -Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuu nacladay ninka xidha labbiska dumarka, iyo haweeneyda xirata labbiska ninka).
- Waa inaan la xidhan wax u eg oo shabbaha labbiska gaalada ama ehlu fusuqa.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
(Qofkii isu ekeysiiya cid kale iyaguu ka mid yahay).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
- Waa inaad tidhaahdo Bismillaah markaad iska siibeyso dharka.
(Waxaa kala astura cowradaha dadka iyo jinka markuu midkiin iska bixinayo dharka inuu yidhaahdo 'Bismillaah'.
Waxaa soo weriyey Ad-Dabaraani iyo ibnu abuu Shaybah.
- Inaad kabaha hor galiso midigta, markaad iska siibeysana kabaha aad hormariso bidixda.
Tixraac xadiiska: Hooyadii mu'miniinta Caa'ishah a.k.r. waxay tidhi:
"Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu jeclaa oo cajabin jirey inuu hormariyo dhanka midig markuu gashanayo kabaha, markuu shanleysanayo, markuu weysay- sanayo iyo arrimihiisa oo dhan".