Waa maxay aadaabta dan gudashadu (isticmaalka suuliga/musqulaha)?
- الباب / الفصل
- قسم الآداب الإسلامية
السؤال
س17: ما آداب قضاء الحاجة؟
S17: Waa maxay aadaabta dan gudashadu (isticmaalka suuliga/musqulaha)?
الجواب
ج:1. أدخل بقدمي اليسرى.
- وأقول قبل الدخول:
«بسم الله، اللهم إني أعوذ بك من الخبث والخبائث».
- لا أدخل شيئًا فيه ذِكر الله.
- عن أنس رضي الله عنه قال:
«كان النبي صلى الله عليه وسلم إذا دخل الخلاء وضع خاتمه»
رواه أبو داود وابن ماجه.
- أستتر حال قضاء الحاجة.
- في الحديث:
«وكان أحب ما استتر به رسول الله صلى الله عليه وسلم لحاجته هدف أو حائش نخل»
رواه مسلم.
- لا أتكلم في مكان قضاء الحاجة.
- لا أستقبل القبلة، ولا أستدبرها أثناء البول أو الغائط.
- لقول النبي صلى الله عليه وسلم:
«لا تستقبلوا القبلة بغائط، أو بول، ولكن شرقوا أو غربوا»
متفق عليه.
- أستعمل يدي اليسرى في إزالة النجاسة، ولا أستعمل اليمنى.
- لحديث:
«لقد نهانا… أن نستنجي باليمين»
- لا أقضي حاجتي في طريق الناس أو ظلهم.
- لحديث أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«اتقوا اللعانين» قالوا: وما اللعانان يا رسول الله؟ قال: «الذي يتخلى في طريق الناس، أو في ظلهم»
- أغسل يدي بعد قضاء الحاجة.
لحديث جرير رضي الله عنه كنت مع النبي صلى الله عليه وسلم، فأتى الخلاء، فقضى الحاجة، ثم قال:
«يا جرير هات طهورًا» فأتيته بالماء، فاستنجى بالماء، وقال بيده، فدلك بها الأرض.
رواه النسائي.
- أخرج بقدمي اليسرى، وأقول: «غفرانك».
J: 1. Waxaan ku gali oo aan horreysiin lugteyda bidix.
- Waxaan odhan ka hor gelitaanka:
"Bismillaah Allaahumma innii acuudu bika minal khubthi wal-khabaaith". Magaca Alle ayaan ku galayaa, Allow waxaan kaa magan galayaa shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dheddigba".
- Lama galayo musqusha wax uu ku xusan yahay Magaca Alle.
Anas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yidhi:
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- markuu galayo musqusha wuxuu dhigi jirey debedda farraantigiisa oo lama geli jirin suuliga).
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo ibnu Maajah.
- Waan iska astutri dadka markaan dan gudanaayo (kaadi ama saxaro).
Tixraac xadiiska:
"Wuxuu u jeclaa wax uu isku asturo Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- markuu dan gudanayo daah ama deyr ka sameysan caleenta geed timir".
Waxaa soo weriyey Muslim.
- Kuma hadlayo musqusha gudaheeda markaan saxroon ama kaadshi.
- Ma qaabilayo qibladda mana u jeedineyo dabada markaan ku dan gudanayo (kaadi ama saxaro) meel bannaan ah
Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam:
(Ha ula jeesanina qibladda saxaro, ama kaadi, laakiinse u jeesta meel aanay qibladu idinka jirin bari ama galbeed).
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Waxaan isticmaali -istijada-gacanteyda bidix si aan Isaga daahiriyo nijaasta, mana isticmaalayo midigta.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
(Wuu naga reebay Nabiga inaan ku istijoonno midigta).
- Kuma kaadshayo ama saxaroonayo dariiqa dadka ama hooskooda (hadhka).
- Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah -Allaha ka raalli noqdee- in Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- yidhi:
"Iska jira labada lagu muto lacnadda". Waxay yidhaahdeen: Waa maxay labada lagu muto lacnadda Rasuul Alloow? Wuxuu yidhi: "Waa qofka ku saxarooda waddada dadku maro, ama halka ay harsadaan".
- Waxaan dhaqi labadeyda gacmood kaadi ama saxaro kaddib.
Tixraac Xadiiska Jariir Allaha ka raalli noqdee: Waxaan la socday Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam- markaasuu yimid meel cidla' ah oo ku dan gutay, markaasuu yidhi:
"Jariirow ii keen waxaan ku dahaaro qaato". Markaasaan u keenay biyo oo ku istinjooday biyihii, oo dhulka ku xoqay gacmihiisa.
Waxaa soo weriyey An-Nisaa'i.
- Waxaan soo hor bixin lugteyda bidix waxaana odhan: " Ghufraanaka". (Allow denbi dhaafkaaga ayaan ku waydiisanayaa).