السؤال
س٢٦: ما آداب الدعاء؟
S26: Waa maxay aadaabta ducada?
الجواب
ج:١. البدء بحمد الله والثناء عليه.
- الصلاة على النبي صلى الله عليه وسلم.
- في الحديث عن النبي صلى الله عليه وسلم:
«إذا صليت، فقعدت، فاحمد الله بما هو أهله، وصل عليَّ ثم ادعه»
رواه الترمذي.
- رفع اليدين أثناء الدعاء.
- قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إن ربكم تبارك وتعالى حيي كريم يستحيي من عبده إذا رفع يديه إليه أن يردهما صفرًا»
رواه الترمذي وأبو داود.
- التوبة والاعتراف بالذنب.
- في دعاء موسى عليه السلام:
﴿قَالَ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي فَٱغۡفِرۡ لِي فَغَفَرَ لَهُۥٓۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ﴾
[القصص ١٦].
- الإلحاح في الدعاء، يعني إكثاره وتكراره.
- عدم استعجال الإجابة.
- لا تدع بإثم أو قطيعة رحم.
- في الحديث:
«لا يزال يستجاب للعبد ما لم يدع بإثم أو قطيعة رحم، ما لم يستعجل. قيل: يا رسول الله، ما الاستعجال؟ قال: يقول: قد دعوت، وقد دعوت، فلم أر يستجيب لي. فيستحسر عند ذلك، ويدع الدعاء»
رواه البخاري ومسلم.
- خفض الصوت في الدعاء.
- قال تعالى:
﴿ٱدۡعُواْ رَبَّكُمۡ تَضَرُّعٗا وَخُفۡيَةًۚ﴾
[الأعراف: ٥٥].
- حضور القلب أثناء الدعاء.
«ادعوا الله وأنتم موقنون بالإجابة، واعلموا أن الله لا يستجيب دعاء من قلب غافل لاه»
- الإخلاص لله تعالى، وسؤال الله وحده في الشدّة والرخاء.
﴿وَأَنَّ ٱلۡمَسَٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدۡعُواْ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدٗا﴾
[الجن: ١٨].
- التوسّل إلى الله بأسمائه الحسنى وصفاته.
﴿وَلِلَّهِ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ فَٱدۡعُوهُ بِهَاۖ﴾
[الأعراف: ١٨٠].
- استقبال القبلة.
في الحديث:
«فما زال يهتف بربه مادًّا يديه مستقبل القبلة، حتى سقط رداؤه عن منكبيه»
رواه مسلم.
- إطابة المأكل والملبس.
«ثم ذكر الرجل يطيل السفر أشعث أغبر يمد يديه إلى السماء: يا رب يا رب، ومطعمه حرام، ومشربه حرام، وملبسه حرام، وغذي بالحرام، فأنى يستجاب لذلك»
J: 1. Waxaan ku billaabi ducada xamdiga Alle, inaan ammaano oo ku mahadiyo.
- Ku salliga Nabiga Sallallaahu calayhi wasallam.
Iyo tixraac xadiiska laga soo weriyey Nabiga sallallaahu calayhi wasallam-:
"Markaad tukato, oo fadhiisato, ku xamdi Alle oo ammaan waxa uu mudan yahay, oo igu salli markaas duceyso oo Alle bari".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.
- Kor u qaadista labada gacmood markaad duceysaneyso oo aad Alle baryi.
Rasuulkii Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi:
"Rabbigiin Barakada badan kor ahaaye waa Xishood badane Deeqsi ah ka xishooda addoonkiisa markuu gacmaha kor u taago isagoo baryaya inuu soo celiyo iyagoo madhan".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Abuu Daawuud.
- Tawbada iyo qirashada denbiga
- Sida ku soo arooray ducada Nabi Muuse calayhi salaam:
(Muuse wuxuu yidhi: Rabbiyoow, Waxaan dulmiyey naftayda ee ii denbi dhaaf, wuuna u denbi dhaafay. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan).
Suuradda Al-Qasas 16).
- Ku cel-celinta ducada iyo in la badsado.
- Inaan la deg-degsan aqbalaadda ducada oo loo samir yeesho.
- Ha ku duceysanina denbi falitaankii ama qaraabo goyn.
Tixraac xadiiska:
"Waa laga aqbalaa addoonka ducada hadduusan ku duceysan wax denbi ah ama qaraabo goynteed, iyo hadduusan deg-degsan. Waxaa la yidhi: Waa maxay deg-degsigu? Wuxuu yidhi: Wuxuu odhan: Waan baryey Alle oo baryey, laygamase oggolaan, markaasuu quusan oo iska deyn ducada iyo Alle bariga".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Hoos u dhigidda codka marka la duceysanayo ee Alle la baryi.
Alle wuxuu yidhi:
(U barya Rabbigiin si khushuuc leh iyo qarsoodiba).
[Suuradda Al-Acraaf: 31].
- Waa inuu qalbigaaga joogo oo aadan maahsaneyn markaad duceysaneyso oo aad Alle baryi.
" Barya Alle idinkoo yaqiinsan aqbalidda ducada, ogaadana inuusan Alle aqbalin ducada qalbi dhoohan oo maahsan".
- Inaad u gaar iyo gooni yeeshid cibaadada Alle Kor ahaaye oo wax weydiisato Keligii waqtiga lurnaanta iyo ladnaantaba /shiddada iyo barwaaqada.
(Masaajidda -iyo dhulkoo dhan- waxaa leh Allaah keliya, ee ha kula baryina (caabudina) Alle cid kale).
[Suuradda Al-Jin : 18].
- Inaad ugu dhowaato Alle oo ku barido Magacyadiisa Wanaagga iyo Quruxda badan iyo Tilmaamihiisa.
(Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya).
- U jeesiga qibladda.
"Intaa wuxuu baryey Rabbigii isagoo gacmahiisa kor u taagaya u jeeda qibladda ilaa uu ka dhacay go'iisii garbahiisa".
Waxaa soo weriyey Muslim.
- Inaad tahay xalaal quute dhar xalaal ah xidha aan la soo xadin ama lacag xaaraan kugu soo galay ku soo iibsan.
"Markaasuu sheegay nin meel dheer u socdaalay oo timihii basaaseen, boodh badan, oo gacmaha kor u taagaya, isagoo Alle baryaya oo leh: "Rabbigayoow, Rabbigayoow, isla markaa wuxuu quutaa waa xaaraan, wuxuu cabbaana waa xaaraan, wuxuu xidhaana waa xaaraan, xaaraana lagu soo Anqariyey, sidee baa looga aqbalayaa ducada".