Skip to content
Liiska Suuradaha /

الإسرَاء

الإسرَاء is chapter 17 of the Quran and has 111 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

111 Aayadaha Lambarka Suuradda 17
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

سُبۡحَٰنَ ٱلَّذِيٓ أَسۡرَىٰ بِعَبۡدِهِۦ لَيۡلٗا مِّنَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ إِلَى ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡأَقۡصَا ٱلَّذِي بَٰرَكۡنَا حَوۡلَهُۥ لِنُرِيَهُۥ مِنۡ ءَايَٰتِنَآۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ

Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Kan (waa Alle'e) ka guureysiiyey addoonkiisa (Nabi Muxammad) goor habeen ah Masjidka Xaramka (Kacbada) xagga Masjidka shishe, ee aan barakaynay hareerahiisa , si aan wax uga tusno Calaamooyinkayaga. Hubaal (Alle) Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.

Explanation & meanings · 1
  1. Masjidka Al-Aqsaa ee ku yaal Qudus iyo degaannada hareerahiisa ah uu Alle ku barakeeyey inuu ka soo bixiyey anbiyada badankood, deggaannadaas oo ah dhul wanaagsan oo khayr badan.

وَءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلۡنَٰهُ هُدٗى لِّبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ أَلَّا تَتَّخِذُواْ مِن دُونِي وَكِيلٗا

Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo aan uga yeelnay hanuun Ilmahii Israa’iil (Annagoo leh): Ha ka yeelannina cidaan Aniga (Alle) aheyn wakiil aad tala saarataan .

Explanation & meanings · 1
  1. Waa inaad ku kalsoonaataan oo isku halleysaan Alle oo tala saarataan idinkoo yaqiinsan inuu Alle subxaanahu wa tacaalaa yahay Kan haya wax iyo arrin walba xilkood oo idin xafida.

ذُرِّيَّةَ مَنۡ حَمَلۡنَا مَعَ نُوحٍۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَبۡدٗا شَكُورٗا

Ubadka kuwa aan la qaadnayow Nuux! Hubaal (Nuux) wuxuu ahaa addoon aad u mahad naqid badan.

وَقَضَيۡنَآ إِلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ لَتُفۡسِدُنَّ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَرَّتَيۡنِ وَلَتَعۡلُنَّ عُلُوّٗا كَبِيرٗا

Waxaan ugu sheegnay Ilmahii Israa'iil Kitaabka : Waxaad fasahaadin arlada labo jeer oo isku kibrin iskibrin weyn.

Explanation & meanings · 1
  1. Horay ugu sheegnay waxyi ahaan Kitaabka Towraadda waxay falayaan.

فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ أُولَىٰهُمَا بَعَثۡنَا عَلَيۡكُمۡ عِبَادٗا لَّنَآ أُوْلِي بَأۡسٖ شَدِيدٖ فَجَاسُواْ خِلَٰلَ ٱلدِّيَارِۚ وَكَانَ وَعۡدٗا مَّفۡعُولٗا

Markuu yimid wacadkii hore (kii koowaad), waxaan idinku soo dirnay addoomo aan leennahay oo xoog badan oo ku daran dagaalka. Markaasay galoo baxeen oo xuleen guryihiinna dhexdooda, wuxuuna ahaa wacad la fuliyey .

Explanation & meanings · 2
  1. Jaaluut iyo ciidankiisa.
  2. Cadaabka loogu gooddiyey midka hore labadoodii caasiyoobid, Iyagoo ku xadgudbaya xurmadda guryahooda, inay baaraan, wax dilaan oo baabbi’yiaan.