Skip to content
الإسرَاء /

Aayad 11

17 : 11

Aayad 11 of الإسرَاء (17 : 11). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

الإسرَاء Aayadaha 111
Suurad · الإسرَاء
Soomaaliga · Yacob
17 : 11

وَيَدۡعُ ٱلۡإِنسَٰنُ بِٱلشَّرِّ دُعَآءَهُۥ بِٱلۡخَيۡرِۖ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ عَجُولٗا

Wuxuu aadmigu u yeedhaa (baryaa) shar siduu ugu yeedho (baryo) khayr. Aadmiguna mar walba waa degdegaa .

Explanation & meanings · 1
  1. Macnaha waxaa dhacda marmar inuu habaaro naftiisa ama ilmahaiisa ama dadka aad ugu dhow oo xigaaladiisa ah, sidoo kale waxaa la yidhi macnaha waa wuxuu Alle ka baryaa wuxuu moodo inuu khayr u yahay, ha yeeshee Alle og yahay inuu shar u yahay, sidaas awgeed uusan ka ajibiin ducada oo ka aqbalin baryadaa. Aadmiguna wuu degdeg badan yahay, macnaha waa samir yar yahay, laab kac badan yahay, oo wax ku dhaqaaqaa ka fiirsi la’aan qof uu Alle u naxariistay maahee. Aadmiga, si kasta uu isu kibriyo, weli waa daciif iyo abuurane yar.