Skip to content
Liiska Suuradaha /

الكَهف

الكَهف is chapter 18 of the Quran and has 110 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

110 Aayadaha Lambarka Suuradda 18
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبۡدِهِ ٱلۡكِتَٰبَ وَلَمۡ يَجۡعَل لَّهُۥ عِوَجَاۜ

Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah ee ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka) oo aan u yeelin wax qallooc ah .

Explanation & meanings · 1
  1. Waa kitaab toosan Qur’aanka oo qofkii raacaa uusan lahaaneyn qallooc iyo leexleexasho. Wuxuuna Alle ku soo dejiyey addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w.

قَيِّمٗا لِّيُنذِرَ بَأۡسٗا شَدِيدٗا مِّن لَّدُنۡهُ وَيُبَشِّرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ أَجۡرًا حَسَنٗا

Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno).

مَّٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدٗا

Ay ku negaadi weligood.

وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗا

Oo uu digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay ilmo.

مَّا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٖ وَلَا لِأٓبَآئِهِمۡۚ كَبُرَتۡ كَلِمَةٗ تَخۡرُجُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبٗا

Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn.