17 : 44
تُسَبِّحُ لَهُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ ٱلسَّبۡعُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمۡدِهِۦ وَلَٰكِن لَّا تَفۡقَهُونَ تَسۡبِيحَهُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حَلِيمًا غَفُورٗا
Toddobada samo baa muujiya xurmaddiisa oo (xumaan ka) hufa iyo arlada iyo waxaa ku sugan. Ma jiraan wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa, waydaanse garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Alle waa Dulqaad Badane, Denbi Dhaaf Badan.