Skip to content
Liiska Suuradaha /

النَّحل

النَّحل is chapter 16 of the Quran and has 128 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

128 Aayadaha Lambarka Suuradda 16
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

أَتَىٰٓ أَمۡرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسۡتَعۡجِلُوهُۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Amarka Alle (Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada) waa wax iman (oo dhow) ee waxba ha doonina in la soo dedejiyo. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo ka hufan (xumaan iyo iin), waana ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

Explanation & meanings · 1
  1. Ataa Luqad ahaan macnaheedu waxaa weeye waa yimid waxaana loola jeedaa muujin in la hubo oo yaqiin tahay oo ay aad u soo dhowdahay Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada iyo guusha ay heli doonaan Muslimiinta. Ataa Waa ficil maadi (fal tagey) laakiin loogala jeedo mudaaric fal markaa lagu gudo jiro ama soo socda oo imanaya. Sideedana waxaa jira sagaal meelood oo falka tagey loogala jeedo fal soo socda ama markaa ah, waxaa ka mid ah hadalkii lagu billaabo fal tagey, falka tagey ee soo aroora kaddib mid ka mid ah xuruurfta sharadka sida idaa jaa’a, in makkaannaahum, ama kaddib mowsuul sidaa alladiina aamanuu, iwm falalka tagey halkan waxaa loola jeedi karaa fal jooga ama soo socda.

يُنَزِّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ بِٱلرُّوحِ مِنۡ أَمۡرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦٓ أَنۡ أَنذِرُوٓاْ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱتَّقُونِ

Wuxuu (Alle) la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh): U diga (dadka) inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah), ee Aniga uun iga cabsada 'oo iska jira shirkiga iyo xumaha kale."

خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ تَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

(Alle) wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ

Wuxuu ka abuuray aadmiga dhibic mino nool ah, mise, waa dood badane col cad ah .

Explanation & meanings · 1
  1. Durba markuu xoog yeesho oo madax bannaanaado.

وَٱلۡأَنۡعَٰمَ خَلَقَهَاۖ لَكُمۡ فِيهَا دِفۡءٞ وَمَنَٰفِعُ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ

Xoolaha wuu idiin abuuray; waxaad ka heshaan dhar dugaal leh iyo manaafacaad kale , xaggeedana wax ka cuntaan.

Explanation & meanings · 1
  1. Dhar ahaan loo xidho, teendhooyin, alaabooyin, iwm.