Shaandhee natiijooyinka
279 kaadh
الموضوعات
التصنيف الشرعي
Filter ▾
حجم المحتوى4
J: Waajibyada salaaddu waa siddeed, sida soo socota ah:
- Takbiirooyinka marka laga reebo takbiirada ixraamka (Allahu akbarta lagu galo salaadda).
- Qowlka: "Samicallaahu liman xamidah" waxaa odhan iimaamka iyo qofka keligi tukan.
- Qowlka: "Rabbanaa walakal xamdu".
- Qowlka: "Subxaana Rabbiyal Cadiim: mar keliya rukuucda.
- Qowlka: "Subxaana Rabbiyal Aclaa" mar keliya sujuudda.
- Qowlka: "Rabbiqfir lii" lala yimaado fadhiga labada sujuudood dhexdooda.
- Tashahudka (Attaxiyaadka) hore.
- U fadhiisiga tashahudka hore.
J: Waa kow iyo toban sunne, sida soo socota ah:
- Odhaahdiisa takbiirada ixraamka kaddib ee ah: "Subxaanakal laahumma wabixamdika, watabaaraka Ismuka, watacaalaa jadduk, wa laa ilaaha qeyruk, waxaana la yidhaahdaa ducada istiftaaxa (lagu furto oo lagu billowdo salaadda).
- Cuudubilleysiga.
- Akhrinta bisinka.
- Odhaahda: Aamiin.
- Akhrinta suurad ama Aayado Faatixada kaddib.
- Kor u qaadidda akhrinta uu akhriyo Iimaamka.
- Odhaahda lala yimaado xamdi naqa kaddib: "Mil'a samaawati, wa mil'al ard, wa mil'a maa shi'ta min shay'in bacdu". "Mugga samooyinka iyo mugga dhulka iyo intaa kadib mugga waxaad doonto"
- Wixii ka badan hal mar tasbiixda rukuucda. Waa tasbiixda labaad iyo seddexaad iyo wixii ka badanba.
- Wixii ka badan hal mar tasbiixda sujuudda.
- Wixii ka badan hal mar odhaahda qofka labada sujuud dhexdooda: "Rabbiqfir lii".
- Ku sallinta Nabiga sallallaahu calayhi wasallam. tashahudka dambe iyo ehelkiisa iyo u weydiinta in la barakeeyo isaga iyo iyagaba, iyo ducada ka dambeysa.
Sunanka falalka ah, waxaa sidoo kale la yidhaahdaa qaababka salaadda:
- Kor u qaadidda labada gacmood markaad ku dhawaaqayso takbiirada ixraamka.
- Iyo markaad rukuuceyso.
- Iyo markaad ka soo kaceyso rukuucda.
- Iyo dhigiddoda intaa kaddib.
- Gacanta midig oo la kor saaro gacanta bidix.
- Eegidda halka aad ku sujuudi.
- Inuu kala saaro labadiisa cagood isagoo taagan.
- Inuu ku qabto jilbihiisa labadiisa gacmood iyagoo ay fidsan yihiin farahiisa markuu rukuucayo, oo fidiyo dhabarkiisa madaxiisana la simo.
- Inuu ku xasiliyo xubnaha sujuuda dhulka, oo ay taabtaan halka uu ku sujuudayo.
- Ka fogeynta cuddadiisa labadiisa dhinac, calooshiisana bowdadiisa, iy bowdooyinkiisana labadiisa lugood, iyo kala fogeynta labadiisa jilib, iyo toosinta cagihiisa, oo farahiisa dhulka ku taago iyagoo kala baxsan, oo gacmihiisa ku aaddiyo garbihiisa iyagoo farahiisu fidsan yihiin oo isku dhegsan yihiin.
- Goglashada (ku fadhiisiga lugta bidix iyo midigta oo loo dhigo si toosan fadhiga labada sujuudood dhexdooda ah, iyo tashahudka hore, iyo tawaruka tashahudka (Attaxiyaadka) dambe.
- Saaridda labada gacmood bowdada iyagoo fidsan oo faruhu isku qabsan yihiin fadhiga labada sujuudood dhexdooda, waana sidaa oo kale tashahudka hase ahaatee wuxuu isku qaban midigta far yarada, tan xigta oo suulka saari far dhexeda oo ku tilmaami waxdaaniyada Alle farta murugsatada (murdiso) markuu Alle xusayo.
- U jeesiga midigta iyo bidixda markuu salaama naqsanayo.
J: 1. Ka tegitaanka tiir ama shardi ka mid ah shuruudda salaadda.
- Hadalka kaska ah iyo ku talo galka.
- Cunidda ama Cabidda salaadda dhexdeeda.
- Dhaqdhaqaaqa badan ee is xiga.
- Ka tegitaanka waajib ka mid ah waajibyada salaadda si kas ah iyo ula kac.
J: Sida loo tukado:
- Inuu u jeesto qibladda oo ku qaabilo oogadiisa (jidhkiisa) oo dhan, weecasho iyo milicsi la'aan.
- Kaddib wuxuu ka niyeysan salaadda uu dooni inuu tukado qalbigiisa isagoon ku dhawaaqeyn niyadda.
- Kaddib wuxuu la iman takbiirada lagu galo salaadda (takbiirada ixraamka) oo odhan: (Allaahu akbar), wuxuuna kor u qaadi labadiisa gacmood oo uu la simi garbahiisa markuu takbiiran.
- Kaddib wuxuu saari sacabka gacantiisa midig dhabarka sacabka gacantiisa bidix oo saari laabtiisa.
- Kaddib wuxuu ku furan salaadda ducadan, oo dhihi:
"Allaahumma baacid baynii wa bayna khadaayaaya kamaa baacadta baynal mashriqi wal-maqrib, Allaahumma iqsilnii min khadaayaaya bi-thalji wal-maa'i, wal-barad". "Allow na kala fogee aniga iyo gafafkayga sida aad u kala fogaysay qorrax ka soo baxa iyo qorrax u dhaca, Allow iga daahiri (sifee) gafafkayga sida looga sifeeyo marada cad wasakhda, Allow igaga dhaq denbiyadayda baraf, biyo, iyo dhedo".
Ama wuxuu odhan:
"Subxaanakallaahumma wa bixamdika, wa tabaarakasmuka, wa tacaalaa jadduka, walaa ilaaha qeyruka" "Allow adigaa ka hufan xumaan, ammaan oo idil iyo mahadna leh, Magacaaguna barako badnaaday, sharaftaaduna (awooddaada) kor ahaatay, ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan Adiga aheyn".
- Kaddibna wuu cuudubilleysan oo odhan:
"Acuudu billaahi minashaydaanir rajiim". "Waxaan Alle ka magan gali shaydaanka deyrada ah ee naxariista Alle laga fogeeyey".
- Kaddibna bisinkuu qabsan oo akhrin Faatixada wuxuuna odhan:
- "Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Naxariistaha, Naxariista Badan".
"Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uunka".
- Naxariistaha Naxariista guud iyo ta gaar ahaaneedba Naxariista.
- Boqorka Maalinta abaal marinta (Qiyaamada) ee leh wax walba.
- Adigoo Keliya beynu (Alloow)ku caabudi, oo Adigoo Keliya beynu ku weydiisan kaalmo.
- Ee nagu hanuuni (oo nagu sug) Jidka Toosan.
- Jidka kuwaad u Nicmeysay, ee aadan u cadhoonin, ee aan lumin .
[Suuradda Al-Faatixah: 2].
Kaddib waxuu odhan: "Aamiin" macnaha: Allow naga aqbal.
- Kaddibna wuxuu akhrin wixii u fududaada oo Qur’aan ah, wuxuuna dheereyn akhrinta salaadda subax.
- Kaddib wuu rukuuci, macnaha soo godi dhabarkiisa weyneyn Alle, wuuna takbiiran markuu rukuucayo, oo kor u qaadi gacmahiisa oo geyn meel la siman garbahiisa. Sunnadana waa inuu simo dhabarkiisa, oo uu la simo madaxiisa, oo saaro sacabbaddiisa farahiisa oo furan labadiisa jilbood dushooda.
- Wuxuuna ku odhan rukuuciisa: "Subxaana Rabbiyal Cadiim" seddex jeer, hadduu ku darana: "Subxaanakalaahumma wa bixamdika, Allaahumaqfir lii" "Allow Adigaa ka hufan xumaan, oo ammaan oo idil iyo mahadna leh, Allow ii denbi dhaaf". Waa hagaag.
- Kaddib wuxuu ka soo qaadi madaxiisa rukuuca isagoo leh: "Samicallaahu liman xamidah" "Alle wuu maqlaa qofkii ku mahdiya", wuxuuna kor u soo qaadi markaa gacmahiisa oo uu la simi garbahiisa. Qofkase ma'muumka ah ma odhanayo: "Samicallaahu liman xamidah", wuxuuse odhanayaa beddelkeed: "Rabbanaa walakal xamdu" Rabbigayagoow waxaa kuu sugan ammaan iyo mahad oo dhan".
- Kaddib wuxuu odhan markuu ka soo kaco rukuuca: "Rabbanaa walakal xamd, Mil'a samaawaati wal ardi, wa mil'a maa shi'ta min shay-in bacd". "Allow waxaan ku mahdineyaa in dhan mugga cirarka iyo dhulka, iyo waxa u dhaxeeya iyo mugga waxaad doonto kaddib".
13 Kaddib wuu sujuudi sujuudda koowaad, wuxuuna odhan markuu sujuudayo: "Allaahu akbar" wuxuuna ku sujuudi toddobadiisa xubnood: foolka (wejiga), sanka, labada sacabbo, labada jilbood, foodaha cagaha farahooda, wuxuuna ka fogeyn cuddadiisa dhinacyadiisa, mana ku fidinayo dhudhumahiisa dhulka, wuxuuna u jeedin foodaha farahiisa qibladda.
- Wuxuuna ku odhan sujuuddiisa: "Subxaana Rabbiyal Aclaa" seddex jeer, hadduu ku darana: "Subxaanaka Allaahumma Rabbanaa wa bixamdika, Allaahum maqfir lii" "Allow adigaa ka hufan xumaan, Rabbigayagow ammaan oo idil iyo mahadna leh, Allow ii denbi dhaaf" waa hagaag.
- Kaddib wuxuu ka soo qaadi madaxiisa sujuudda isagoo leh: "Allaahu akbar".
- Kaddib wuxuu fariisan labada sajdadood dhexdooda isagoo ku fariisan cagtiisa bidix, wuxuuna toosin cagtiisa midig, wuxuuna saari gacmahiisa bowdyadiisa dushood iyo jilbahiisa.
- Wuxuuna ku odhan Fadhigiisa labada sajdadood dhexdooda:
"Rabbigayoow ii denbi dhaaf,oo ii naxariiso, oo i hanuuni, oo i arsaaq, oo i kab, oo i caafi".
- Kaddib wuxuu sujuudi sajdada labaad sida tii hore oo odhan wuxuu yidhi oo kale oo sameyn wuxuu tii hore sameeyey, wuuna takbiiran markuu sujuudayo.
19 Kaddib wuxuu ka kici sajdada labaad isagoo leh: (Allaahu akbar" wuxuuna tukan rakcadda labaad sidii middii koowaad odhanna waxa lagu yidhaahdo oo la falo, mase la imanayo ducada lagu furto salaadda.
- Kaddib wuu fadhiisan markuu bogo (dhammeeyo) rakcadda labaad isagoo odhan: "Allaahu akbar" wuxuuna u fariisan si la mid ah fadhgii labada sajdadood dhexdooda.
- Wuxuuna ku akhrin tashahudka (attaxiyaadka) fadhigan oo odhan:"
"Attaxiyyaatu lillaahi, wassalawaatu, waddayibaatu, assalaamu calayka ayyuhan Nabiyyu, wa raxmatullaahi wabarakaatuh, assalaamu calaynaa wa calaa cibaadil laahi saalixiina. Ash-hadu al laa ilaaha Illallaahu wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu Allaahumma salli calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammadin, kamaa sallayta calaa ibraahiima, wacalaa aali Ibraahiima, wa baarik calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammadin, kamaa baarakta calaa Ibraahiima wa calaa aali ibraahiima, innaka Xamiidun Majiid. Acuudu Billaahi min cadaabi jahannama, wa min cadaabil-qabri, wa min fitnati al-maxyaa wal mamaati, wa min fitnatil masiixiddajaal". Macnaha: Salaam, salaad iyo wanaag oo dhan Alle ayey u sugnaadeen, nabad galyo korkaaga ha ahaato Nabiyahow, naxariista Alle iyo barakooyinkiisa, ha ahaadeen korkaaga. salaan korkayaga ha ahaato iyo korka adoomaha Alle ee wanaagsan, waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, waxaan kaloo qirayaa in Muxammad yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa. Allow ku salli Muxammad, iyo reer Muxammad, sidaad ugu salliday ibraahiim, iyo reer ibraahiim, adigu waxaad tahay (Allow) ammaan Badane Sharaf Badan. Allow barakee Muxammad Iyo reer Muxammad sidaad u barakeysay Ibraahiim iyo reer ibraahiim, waxaad Adigu tahay ammaan Badane Sharaf Badan. Allow anigu waxaan kaa magan galayaa cadaabka Jahannama iyo cadaabka qabriga iyo fitnada nolosha iyo ta geerida iyo fidnada masiixid dajaal (dajaal cawar)".
Kaddib wuxuu ku duceysan oo Alle ka baryi wuxuu doono oo khayr adduunyo iyo Aakhiro ah.
- Kaddib wuxuu u jeesan midigtiisa waxaanu odhan "As-salaamu caleykum waraxmatullaah", sidoo kale bidixda ayuu u jeesan oo odhan sidaa so kale.
- Hadday salaaddu ka kooban tahay seddex rakcadood ama afar rakcadood wuu istaagi markuu gaaro weedha tashahudka oo ah: "Ash-hadu an laa ilaaha illalaahu wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu".
- Kaddibna wuu kici isagoo leh: "Allaahu akbar" wuxuuna kor u qaadi markaas labadiisa gacmood oo la simi garbahiisa.
- Kaddibna wuxuu u tukan inta ka hartay salaaddiisa sidii rakcadda labaad, wuxuuse ku gaabsan akhrinta Faatixada.
- Kaddibna wuxuu u fariisan hab fadhi sugan ah, isagoo toosin cagtiisa midig, oo ka soo saari cagtiisa bidix jeenigiisa midig hoostiisa, wuxuuna salka dhigan dhulka, wuxuuna saari labadiisa gacmood bowdadiisa dushooda sidii tashahudka oo kale.
- Wuxuuna ku akhrin fadhigan tashahudka oo dhan.
J: "Astaqfirullaah" "Alle ayaan denbi dhaaf weydiisan" waxaad dhihi seddex jeer.
"Allaahumma anta salaam wa minka salaam tabaarakta yaa dal jalaali wal-ikraam". "Allow Adigaa nabad ah, xaggaagana weeye nabaddu, waad barako badan tahay, Weynaan iyo maamuusna Adigaa leh".
"Laa ilaaha illal Laahu waxdahuu laa shariika lahu, lahul mulku wa lahul xamdu, wa huwa calaa kulli shay-in qadiir, Allaahumma laa maanica limaa acdayta, walaa mucdiya limaa manacta, walaa yanfacu dal jaddu minkal-jad" . Ma jiro ilaah xaq lagu caabudo Alle keligii mooyee, ma laha cid wax la wadaagta, waxaa u sugnaaday boqortooyada runta ah iyo ammaan iyo mahad idilkeed, isagaa wax walba Awooda, Allow lama diidi karo waxaad bixiso, lamana bixin karo waxaad diido, mana anfacayso ka deeqda lihi deeqdiisu agtaada, Adigaa leh Deeq oo idil".
"Laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir. Laa xawla walaa quwwata illaa billaahi,laa ilaaha illallaahu, walaa nacbudu illaa iyyaahu, lahunnicmatu wa lahul-fadlu wa lahuthanaa'ul xasan, laa ilaaha illallaahu mukhlisiina lahuddiina wa law karihal kaafiruun". Ma jiro ilaah xaq lagu caabudo Alle keligii mooyee, ma laha cid wax la wadaagta, wuxuu leeyahay boqortooyada runta ah iyo ammaan iyo mahad idilkeed, wax walbana wuu karaa, ma jiraan xeelad iyo awood ta laga helo ilaahay mooyee, ilaah ma jiro xaq lagu caabudo Alle mooyee, mana caabudayno isaga mooyee, waxaa u sugan nimcadda, fadliga (dheeraadka) iyo ammaanta fiican, ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Alle mooyee, annagoo uu gaar yeeleyna Ilaahay diinta, haba diideen oo ha dhibsadeen gaaladuye.
"Subxaanallaah" waxaad odhan soddon iyo seddex jeer.
"Alxamdu lillaah" soddon iyo seddex jeer.
"Allaahu Akbar" soddon iyo seddex jeer.
Kaddibna wuxuu kaga dhigi boqol inuu yidhaahdo:
"Laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir".
Waxaad akhrisaa salaad walba kaddib suuradahan:(qul-huwwallaahu) (qul acuudu birabbil falaq) (qul acuudu birabbinnaas) Akhri mid walbaa seddex jeer salaadaha maghribka iyo subaxa kaddib, iyo mar keliya salaadaha kale.
Waxaad sidoo kale akhrisaa Aayatul- kursi hal mar salaad walba oo faral ah kaddib.
J: Waa labo rakcadood fajarka ka hor.
- Afar rakcadood duhurka ka hor.
- Labo rakcadood duhurka kaddib.
- Labo rakcadood maqribka kaddib.
- Labo rakcadood cishaha kaddib.
Fadligeeda: Nabigu salla llaahu calayhi wasallam. wuxuu yidhi:
"Qofkii tukada maalin iyo habeen walba labo iyo toban rakcadood oo sunne ah waxaa looga dhisaa guri Jannada".
Waxaa soo weriyey Muslim iyo Axmad iyo kuwo kale.
Maalinta Jumcaha, Nabigu salla llaahu calayhi wasallam. wuxuu yidhi:
"Waxaa maalmahiinna ugu fiican Maalinta Jumcaha, maalintaa baa la abuuray Aadam oo la oofsaday oo afuufka buunka dhici oo dadku argagax la dhici suuxdin oo dhiman, ee badiya salligeyga aniga maalintaa, waayo salligaad igu salliyeysaan waa la ii soo bandhigi.
Waxay yidhaahdeen: Rasuul Alloow, sidee baa laguugu soo bandhigi salligaan kugu sallineyno adigoo lafo noqday ama baaliyoobay -wuxuu yidhi:
"Alle Weyne Kor ahaaye wuu ka xaaraanshay dhulku inuu cuno jidhka anbiyada".
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo kuwo kale.
J: Waa faral ku waajib ah Muslim kasta lab ah qaan gaar ah caaqil ah, ku sugan degaankiisa.
Alle wuxuu yidhi:
"Kuwa (Xaqa) rumeeyow, marka la isugu yeedho salaadda maalinta Jimcaha, aada xusidda Alle oo ka taga ganacsiga, (arrin)kani baa idiin kheyr badan, haddaad ogtihiin”.
[Suuradda Al-Jumca: 9].
J: Ma bannaana in laga haro oo dib looga dhaco salaadda Jumcaha cudur daar sharci ah la'aan, waxaana ka sugnaaday Nabiga sallallaahu calayhi wasallam inuu yidhi:
"Qofkii ka taga seddex salaadood oo Jumca ah dhayalsi darteed wuxuu Alle ka daboolaa qalbigiisa (kheyrka iyo hanuunka".
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo kuwo kale.
J:1. Qubeyska.
Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam:
"Qubeyska Maalinta Jumcaha waa waajib saaran nin walboo qaan gaar ah".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
- Barafuun marsiga.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
" Waa xaq iyo xil saaran muslimiinta inay meyrtaan Maalinta Jumcaha, oo soo marsadaan midkood walba barafuunka (udug, cadar) reerkiisa".
Waxaa soo weriyey Axmad iyo At-TirmidI.
- Xirashada dharka midka u fiican.
" Muxuusan u yeelin midkiin hadduu Alle deeqtoonsiiyo inuu yeesho labo joog oo dhar ah oo ugu tala galay Jumcadiisa aan aheyn dharka shaqadiisa".
Waxaa soo weriyey ibnu Maajah iyo Maalik oo ku sheegay kitaabka Muwadda'a.
- Horay u aadista Masjidka.
- Ku aadista Masjidka lug.
"Qofkii qubeysta Maalinta Jumcaha oo dhaqa madaxiisa iyo oogadiisa oo dhan oo u kallaha horayna u aada Masjidka oo xaadira khudbadda billowgeeda oo ka ag dhowaada Iimaamka oo dhageysta khudbadda oo dhegta u raariciya isagoo aamusan, waxaa loogu qoraa tallaabo kasta uu qaado ajar sano soonkeed iyo salaatu leylkeed".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo An-Nisaa'i.
- Badinta ku sallinta Nabiga salla llaahu calayhi wasallam.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:
"Badiya igu sallinteyda Maalinta Jumcaha waa maalin la soo xaadiro ay soo xaadiraan malaa’igta, mana jiro cid igu sallida aan la ii soo bandhigin salligooda ilaa uu ka bogo".
Waxaa soo weriyey ibnu Maajah.
- Akhrinta Suuradda Al-Kahaf.
"Qofkii akhriya Suuradda Al-Kahaf Maalinta Jumcaha waxaa loo ifiyaa nuur labada jimco dhexdooda".
Waxaa soo weriyey Al-Xaakim iyo qeyrki.
- Doonista saacadda ijaabada ducada.
Tixraac xadiiska Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee. waxaa laga soo weriyey in Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam xusay Maalinta Jumcaha, wuxuuna yidhi:
"Waxaa ku jirta Jumcaha saacad hadduu waafaqo qof Muslim ah isagoo taagan oo tukan Alle wax ka baryi waa la siiyaa waxa uu dooni oo uu ka baryi Alle".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
J: Cabdullaah ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyey in Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam yidhi: Salaadda jamaacada waxay ka fadli iyo ajar badan tahay salaadda uu qofku keligii tukado todoobo iyo labaatan darajo". Waxaa soo weriyey Muslim. S34: Waa maxay ku khushuuca salaaddu? J- Waa qalbiga oo jooga xaadir ah iyo xubnaha oo ku xasila salaadda. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: ﴿قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ١ ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ ٢﴾ [المؤمنون: 1-2] “Waxaa liibaanay mu'miniinta ee ah kuwa salaaddooda ku khushuuca”, (Suuradda Al-mu'minuun: 1,2).
"Salaadda jamaacada waxay ka fadli iyo ajar badan tahay salaadda uu qofku keligii tukado toddobo iyo labaatan darajo".
Waxaa soo weriyey Muslim.
S35: Waa maxay sakadu? J: Waa xaq ku waajib ah maal gaar ah ay leeyihiin qolo gaar ah waqti gaar ah. - Waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka, iyo sadaqo waajib ah laga qaado hodanka la siiyo faqiirka. Alle kor ahaaye wixuu yidhi: ﴿وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ ٤٣﴾ [البقرة: 43] (Oo bixiya Sakada).
Waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka, iyo sadaqo waajib ah in laga qaado hodanka oo la siiyo faqiirka.
Alle wuxuu yidhi:
(Bixiya Sakada).
[Suuradda Al-Baqarah: 50].
J: Waa cibaadeysi dar Ilaahay ah lagaga joogayo waxyaabaha lagu afuro laga billaabo waaberiga ilaa gabbal dhaca ay niyeysi kuu wehliso, waana labo nooc:
S35: Waa maxay sakadu? 1. Soon waajib ah: Sida soonka bisha Ramadaan, waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka.
Alle wuxuu yidhi:
{kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka bisha Ramadaan sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhowrsataan}.
[Suuradda Al-Baqarah: 50].
2. Iyo soon aan waajib aheyn: sida soonka maalmaha isniinta iyo khamiista asbuuc kasta, iyo ka soomidda seddex maalmood bil walba, waxaana u fiican ayaamaha caddaanka (13, 14, 15) bil dayaxeed walba.