السؤال
س33: أذكر سنن يوم الجمعة.
S32: Sheeg sunnaha Maalinta Jumcaha
الجواب
ج:١. الاغتسال.
لقوله عليه الصلاة والسلام:
«غسل يوم الجمعة واجب على كل محتلم»
رواه البخاري.
- التطيب.
لحديث:
«حق على المسلمين أن يغتسلوا يوم الجمعة، وليمس أحدهم من طيب أهله»
رواه أحمد والترمذي.
- لبس أحسن الثياب.
«ما على أحدكم إن وجد سعة أن يتخذ ثوبين لجمعته، سوى ثوبي مهنته»
رواه ابن ماجة ومالك في الموطأ.
- التبكير إلى المسجد.
- الذهاب إلى المسجد ماشيًا.
«من اغتسل يوم الجمعة، وغسل، وبكر، وابتكر، ودنا، واستمع، وأنصت كان له بكل خطوة يخطوها أجر سنة، صيامها وقيامها»
رواه الترمذي والنسائي.
- الإكثار من الصلاة على النبي صلى الله عليه وسلم.
قال عليه الصلاة والسلام:
«أكثروا الصلاة علي يوم الجمعة فإنه مشهود تشهده الملائكة، وإن أحدًا لن يصلي علي إلا عرضت علي صلاته حتى يفرغ منها»
رواه ابن ماجة.
۷. قراءة سورة الكهف.
«من قرأ سورة الكهف يوم الجمعة، أضاء له من النور ما بين الجمعتين»
رواه الحاكم وغيره.
۸. تحري ساعة إجابة الدعاء.
للحديث عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم ذكر يوم الجمعة، فقال:
«فيه ساعة لا يوافقها عبد مسلم، وهو قائم يصلي يسأل الله تعالى شيئًا، إلا أعطاه إياه»
متفق عليه.
J:1. Qubeyska.
Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam:
"Qubeyska Maalinta Jumcaha waa waajib saaran nin walboo qaan gaar ah".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
- Barafuun marsiga.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
" Waa xaq iyo xil saaran muslimiinta inay meyrtaan Maalinta Jumcaha, oo soo marsadaan midkood walba barafuunka (udug, cadar) reerkiisa".
Waxaa soo weriyey Axmad iyo At-TirmidI.
- Xirashada dharka midka u fiican.
" Muxuusan u yeelin midkiin hadduu Alle deeqtoonsiiyo inuu yeesho labo joog oo dhar ah oo ugu tala galay Jumcadiisa aan aheyn dharka shaqadiisa".
Waxaa soo weriyey ibnu Maajah iyo Maalik oo ku sheegay kitaabka Muwadda'a.
- Horay u aadista Masjidka.
- Ku aadista Masjidka lug.
"Qofkii qubeysta Maalinta Jumcaha oo dhaqa madaxiisa iyo oogadiisa oo dhan oo u kallaha horayna u aada Masjidka oo xaadira khudbadda billowgeeda oo ka ag dhowaada Iimaamka oo dhageysta khudbadda oo dhegta u raariciya isagoo aamusan, waxaa loogu qoraa tallaabo kasta uu qaado ajar sano soonkeed iyo salaatu leylkeed".
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo An-Nisaa'i.
- Badinta ku sallinta Nabiga salla llaahu calayhi wasallam.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:
"Badiya igu sallinteyda Maalinta Jumcaha waa maalin la soo xaadiro ay soo xaadiraan malaa’igta, mana jiro cid igu sallida aan la ii soo bandhigin salligooda ilaa uu ka bogo".
Waxaa soo weriyey ibnu Maajah.
- Akhrinta Suuradda Al-Kahaf.
"Qofkii akhriya Suuradda Al-Kahaf Maalinta Jumcaha waxaa loo ifiyaa nuur labada jimco dhexdooda".
Waxaa soo weriyey Al-Xaakim iyo qeyrki.
- Doonista saacadda ijaabada ducada.
Tixraac xadiiska Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee. waxaa laga soo weriyey in Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam xusay Maalinta Jumcaha, wuxuuna yidhi:
"Waxaa ku jirta Jumcaha saacad hadduu waafaqo qof Muslim ah isagoo taagan oo tukan Alle wax ka baryi waa la siiyaa waxa uu dooni oo uu ka baryi Alle".
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.