من خلقني؟ ولماذا؟
المطوية تتناول مفهوم الخلق والغرض من الحياة، متسائلة عن منشأ الكون والإنسان والقوانين التي تحكمهما. تشرح وجود خالق واحد مستحق للعبادة، وتبرز الدلائل على عظمة الخالق من خلال الطبيعة وأحكام الكون. كما تستعرض المطوية صفات الله وأهمية الوحي في توجيه البشر لعبادة الله وحده واتباع شرعه. وتؤكد على أن الإسلام هو الدين الحق، وتحث على الدخول فيه واعتناقه للحصول على السعادة الحقيقية في الدنيا والآخرة.
Shay walba wuxuu ku tusinayaa inuu jiro cid Abuurtay.
Yaa i abuuray? Maxaase la ii abuuray ?
Yaa abuuray Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa ku dhex jira ee Makhluuqaad waaweyna ee aan la soo koobi karin.?
Yaa sameeyey nimaadkan hagaagsan ee sare ee samada iyo dhulka.?
Yaa abuuray insaanka/Aadamaha oo siiyey maqalka, aragga iyo caqliga oo ka dhigay mid awood u leh inuu barto aqoon oo xaqiiqada gaaro.?
Sideed u fasiraysaa farsamadan sare ee qalabka ku jira jirkaaga iyo jirka noolaha yaa ku fara yareystay oo sameyey?
Sidee buu u habeysan yahay oo u daggan yahay Aduunkan weyn oo qawaaniintiisu u habeysan tahay habeyn sare oo sugan sanooyin badan?
Yaa dajiyey nidaamka xukumaya aduunkan (nolosha iyo dhimashada, taranka noolaha, habeenka iyo maalinta, xiliyada isbedelaya, iwm)?
Aduunkaani ma isagaa is abuuray? mise meel cidla ah ayuu ka yimid? mise si lama filaana ayuu uu ku abuurmey?
Muxuu u rumeysan yahay insaanku/Aadamuhu iney jiraan wax yaabo uusan arkeyn? sida: (garashada, caqliga, ruuxda, dareenka, iyo jacaylka) miyaaney aheyn sababtu inuu arkaayo raadkeeda dareen? Sidee buu u dafiraya insaanku inuu jiro mid abuuray aduunkan weyn, isago arkaya jiritaanka kuwa uu abuuray, iyo farsamadiisa, iyo naxariistiisa?!
Ma jiro qof ogolaanaya in lagu yiraahdo gurigani wuu iska yimid! iyadoon cidna dhisin ama in lagu yiraahdo cidla ayaa gurigaan dhistay! hadaba sidee dadka qaarki u rumeeyeen in lagu yiraahdo aduunkaan weyn wuu iska yimid iyadoon cidna abuurin? sidee ayuu u ogolaanaya qof caaqil lihi in lagu yiraahdo habeytaan aadka u saraysa ee aduunku waxay ku timid si kadis ah?
Allaha koreeya waxa uu yiri: (Dadka ma waxaa laga abuuray cidlo (wax la'aan), mise iyagaa is abuuray, mise iyagaa abuuray samooyinka iyo dhulka balse ma aqoon sanayaan). [Alduur: 32 - 52].
Ilaahay isagaa xumaan ka hufan oo sarreeya
Waxaa jira Rabbi Khaaliq ah oo kaligii ah, wuxuu leeyahay magacyo iyo sifooyin badan oo waaweyn oo tusaya dhameys tir nimadiisa, magacyadiisa waxaa ka mida: Khaaliq, Raxmaan, Rasaaq, Kariim iyo "Allah" oo ah magaca ugu caansan magacyada Rabbi isagaa xumaanka hufan oo sarreeyee, macnihiisuna waa: waa kan kaligii mutaystay cibaadada ee cid la wadaagta aysan jirin.
Ilaahay wuxuu ku yiri Qur'aanka kariimka ah (1): (Ku dheh Ilaahay waa mid keli ah * Ilaahay waa kan makhluuqu u dan sheegto. *Ma dhalin lamana dhalin. *Mana jiro wax Ilaahay la mida oo u dhigma) [ 1-4: 112].
Ilaahay sarreeye wuxuu yiri: Allah waa Ilaaha uusan jirin cid xaq lagu caabudo Isaga mooyee, Ilaahey waa kii nool oo foojigan ma qabato lulmo iyo hurdo, Isagaa iska leh samooyinka iyo waxa dhulka jooga, waa kee kan cid u wax weydiin kara Ilaahey xagiisa ogolaantiisa Alle mooyee, wuxuu og yahay wax ka horeeya dadka iyo waxa ka danbeeya mana koobi karaan wax cilmigiisa ka mida wuxuu Isagu doono mooyee, Ilaahey kursigiisu wuu deeqaa samooyinka iyo dhulka labadaas xafididooduna Ilaahey kuma dhibtoodo waana Allaha sarreeya ee weynaanta badan. [255 : 2]
Sifooyinka (Tilmaamaha) Rabbi isagaa xumaan ka hufan oo sarreeyee
Rabbi wa kan abuuray dhulka oo laylyey, oo ka dhigay mid ku habboon kuwuu Isagu abuurey, waana kan abuuray Samooyinka iyo waxa ku dhex jira oo makhluuqaad waaweyn ah, oo u yeelay Qorraxda, Dayaxa, Habeenka iyo Maalinta nidaamkaan sare ee habeysan ee tusaaya weynaantiisa.
Rabbi waa kan innoo sakhiray hawada aynaan la`aanteed noolaan karin, Isagaa inoo soo dajiya roobka oo innoo sakhiray Baddaha iyo Wabiyada, Isagaa inna quudiya innagoo uur jiif ku ah caloolaha hooyooyinkeen oo aan tabar laheyn, Isagaana ku socodsiiya dhiigga xididadeena isagaana ka dhigay qalbigeena mid joogto u garaacma laga bilaabo maalintii aynu dhalano ilaa aynu ka dhimano.
Ilaahey sarreeye wuxuu yiri: (Ilaahey wuxuu idinka soo bixiyay caloosha hooyooyinkiin idinkoon waxba aqoon wuxuuna idiin yeelay Maqal iyo Arag iyo Quluub inaad ku Shukridaan Ilaahey ayaad mudan tihiin.) [78 : 16 ].
Rabbiga Macbuudka ahi waa inuu ku sifoobaa tilmaamo dhameystiran.
Allaha Khaaliqeena ahi wuxuu nagu Arsaaqay caqli aanu ku ogaanno weynaantiisa, wuxuuna nagu tallaalay Fidrada-Abuur- na tusaysa dhameystir naantiisa iyo ineysan suuragal aheyn inuu ku sifoobo nuqsaan (dhantaal naan).
Waxaa lama huraan ah in cibaadada Ilaahey kaligii la siiyo Isagaa dhammeys tiran oo mutaystay cibaadada, cid walba oo la caabudo oo aan Alle wayne aheyn waa gardarro, waana mid dhantaalan oo u dhow dhimasho iyo dhamaad.
Kan la caabudayo ma dhici karto inuu noqdo qof bashar ah ama sanam ama geed ama xayawaan!.
Kuma habboona qofka caaqilka ah inuu caabudo wax aan dhameys tirneyn, haddaba sidee ayuu u caabudayaa mid la abuurey oo isaga ka hooseeya!.
Suuragal maaha Rabbi inuu noqdo ilmo uur jiif ku ah caloosha qof dumara oo loo dhalo sida ilmaha loo dhalo!
Rabbi Isagaa abuuray wax kasta oo jira, khalqiguna Ilaahey qabashadiisa iyo awooddiisa ayey ku hoos jiraan, suuragal maaha in dadku ay dhibaan suuragalna maaha in Ilaahey cidi daldasho oo ciqaabto oo ay ihaanaysato.
Suuragal maaha in Rabbi dhinto!
Rabbi wax ma ilaawo mana seexdo waxna ma cuno waana Ilaah weyn suuragalna maaha inuu yeesho xaas iyo caruur, Khaaliqu wuxuu leeyahay tilmaamo waaweyn suuragalna maaha in lagu tilmaamo baahi ama dhantaal-naan, nusuusta (qoraalada aan is beddelin) ay ku soo aroortay wax ka duwan Khaaliqa weynidiisa oo loo nisbeynayo (loo aaneeyo) Ambiyada waa qoraallo la baddaley oo maaha waxyi sax ah oo uu la yimid Muuse ama Ciise ama Ambiyada kale -nabadi korkooga ha ahaatee-.
Ilaahey sarreeye wuxuu yiri: Dadoow waxaa la idiin keenay tusaale ee dhagaysta, kuwaad Baryeysaan Ilaahey ka sokow ma Abuuraan Diqsi haba isugu tegaane, hadduu wax ka qaato Diqsiguna kama ceshan karaan kan wax doonaya iyo kan laga doonayaaba waa tabar yar yihiin. Ilaahey Qadarintii uu mudnaa meysan qadarin Ilaahey waa Alle xoog badan oo arrinkiisu sarreeyo (74). [74, 73: 22 ].
Ma caqli galbaa in Ilaahey uusan noo soo dajin Waxyi?
Ma caqli galbaa in Ilaahey waxuu abuurey oo dhan u abuuray ujeedo la`aan, Miyuu u abuuray ciyaar isagoo ah Xikmad badane Cilmi badane ah?
Ma caqli galbaa Allaha innoo abuuray sidaan habeysan ee fiican oo inoo sakhiray waxa samooyinka iyo dhulka ku dhex jira, inuu inoo abuuray u jeedo la`aan, ama uu iska keen daayo inagoon jawaab u helin su`aalaha muhiimka ah ee ina mashquuliyey, sida: maxaan halkaan u joognaa? maxaa ka danbeeya dhimashada? maxay tahay ujeedada la inoo abuuray?
Balse Ilaahey wuxuu innoo soo diray Rusul si aynnu u ogaanno ujeedada aynnu u joogno, iyo waxa Ilaahey innaga rabo!
Ilaahey wuxuu innoo soo diray Rusul si ay innoogu sheegaan in Ilaahey kaligii xaq u leeyahay cibaadada, oo aynnu ogaanno sidaynu u caabudayno, oo ay inna soo gaarsiiyaan amarka Ilaahey iyo wuxuu innaga reebey oo ay inna baraan dhaqanka fiican kaasoo hadii aynnu qaadanno ay noqonayso nolosheenu mid fiican oo ay ka buuxdo kheyr iyo barako badan.
Ilaahey wuxuu soo diray Rusul badan sida ( Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise) wuxuuna siiyey Rusushaas Aayado iyo mucjisooyin tusaaya dadka runtooda iyo in laga soo diray xaga Allaha Khaaliqa ah.
Rususha kan u danbeeyey waa Maxamed-naxariis iyo nabadi korkiye- Ilaaheyna wuxuu ku soo dajiyey Quraanka Kariimka ah.
Rusushu waxay si cad noogu sheegeen in noloshani tahay imtixaan (tijaabo) oo nolosha dhabta ahna ay ahaan doonto dhimashada ka dib.
Aakhiro Janno ayey leeyihiin Mu'uminiinta Ilaahey keligii caabuday ee aan u shariig yeelin ee rumeeyey Rususha oo dhan waxa kale oo jira Aakhiro Naar Ilaahey u diyaariyey Gaalada Ilaahey la caabuday Ilaahyo kale ama ku kufriyey Rasuul kasta oo Alle soo diray.
Ilaahey sarreeye wuxuu yiri:
Bani Aadamoow hadيay idiin yimaadaan Rusul idinka mida oo idiin sheegaya Aayadahayga qofkii Ilaahey ka cabsada ee ku toosa xaqa ma baqayaan mana murugoonayaan. Kuwase beeniya Aayadahayga ee iska weynaysiiya kuwaasaa Naarta galaya kuna waaraya (36) [35, 36: 7].
Ilaahey isagaa xumaan ka hufane wuxuu yiri: (Ma waxaad u malayseen inaan idiin abuurnay ciyaar oo aydaan xagayaga u soo noqoneyn) [115 : 23].
Quraanka Kariimka ah
Quraanka Kariimka ahi waa hadalkii Ilaahey serreeye uu ku soo dajiyey Rasuulkii u danbeeyey ee Maxamed ahaa, waana mucjisada ugu weyn ee tusaysa iney run tahay Nabinimada Maxamed-naxariis iyo nabadi korkiiye-, Quraanka axkaanta uu sheegayaa waa xaq akhbaarta uu sheegayaana waa run, Ilaahey wuxuu taxadi (ku car cartan iyo loolantan) ahaan ugu sheegay kuwa beeniyey iney suurad qura oo Quraanka la mid ah keenaan weyna kari waayeen waayo usluubkiisu waa mid qurux badan erayadiisuna waa kuwo sare, waxaa ku jira in badan oo caddeymo caqli ah iyo xaqiiqo cilmi ah oo tusaysa ineysan suuragal aheyn in kitaabkaani yahay mid dad sameeyey balse uu yahay hadalkii Rabbiga dadka abuurey Isagaa xumaan ka hufan oo sarreeyee.
Maxay Rusushu u badan yihiih?
Ilaahey wuxuu soo diray Rusul ilaa bilowgii hore si ay dadka Rabbigood ugu yeeraan oo u gaarsiiyaan amarkiisa iyo wixii uu ka reebey, dhamaantoodna dacwaddoodu waxay aheyd in Ilaahey casa wajalla kaligii la caabudo umadd walba marka ay ka tagto ama fool xumayso towxiidkii Rasuulkeeda loogu soo dhiibay ayaa Ilaahey ku kallifaa Rasuul kale si uu jidka ugu saxo, oo dadka uu ugu soo celiyo Fidradii saliimka aheyd ee towxiidka Ilaahey iyo daacadiisa aheyd, ilaa Ilaahey uu ku khatimay Rususha Maxamed-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, isagoo la yimid shareecada baaqiga ah ee guud ahaan dadka oo dhami u siman yihiin oo loo soo dajiyey oo soconeysa ilaa maalinta Qiyaame, shareecadaas oo dhammaystir ah oo nasakhaysa wixii ka horreeyey ee shareecooyin ahaa, Ilaahey ayaana kafaala qaaday in shareecadan iyo diintani ay baaqi ahaato oo jirto ilaa maalinta Qiyaame.
Sidaa daraaddeed annaga Muslimiinta ahi waxaan rumaysannahay -sidii Ilaahey faray- Rususha oo dhan iyo Kutubtii hore.
Ilaahey sarreeye wuxuu yiri: (Rasuulku waa rumeeyey wixii Ilaahey xaggiisa looga soo dajiyey Muminiintuna waxay rumeeyeen Ilaahey dhammaan, iyo Malaa`igtiisa, Kutubtiisa iyo Rusushiisa, mana kala saarayno Rusushiisa waxayna yiraahdeen waannu maqalnay waana addeecnay ee noo danbi dhaaf Rabbiyoow xaggaagaa loo soo laaban.) [ 285: 2].
Qofku ma noqonaayo mu'umin ilaa uu rumeeyo Rususha oo dhan.
Rususha Cidda soo dirtay waa Ilaahey, qofkii hal diin beeniya wuxuu beeniyey diimaha oo dhan, danbi ka weyn ma jiro in in dadku beeniyo waxyiga Ilaahey, waxaa lama huraan ah si Jannada loo galo in la rumeeyo Rususha oo dhan.
Waxaa waajib ku ah qof walba oo waqtigan jooga inuu rumeeyo Rususha Ilaahey oo dhan, suuragalna ma noqonayso taasi inuu rumeeyo oo uu raaco kan u danbeeyey Rususha oo lagu khatimay oo ah Maxamed scw mooyee.
Ilaahay wuxuu Quraanka Kariimka ah ku sheegay: Cidda diida rummeynta Rasuul kamida Rususha ilaahay inuu yahay Gaal beeniyay waxyigiisa.
Akhri Aayadan kuxigta: "Kuwa beeniyey Ilaahey iyo Rusushiisa oo doonaaya iney kala saaraan Alle iyo Rususha, oo oranaaya qaar ayaanu rumeynaynaa qaarna waan beenineynaa oo doonaayaa iney halkaa ka samaystaan wado" "kuwaasi waa kuwa dhab ahaan gaaloobey waxaanan u diyaarinney gaalada cadaab ihaano leh." Al-Nisaa [150, 151: 4].
Waa maxay Islaamku?
Islaamku waa in Ilaahey sarreeye towxiidka la isugu dhiibo, oo daaco loogu hogaansamo oo shareecadiisa lagu guto ogolaan iyo raalli ahaansho.
Ilaahey Rususha wuxuu u soo diray hal risaalo/farriin oo ah: in dadka loogu yeero cibaadada Ilaahey kaligii oo aan cidna lala wadaajin.
Islaamku waa diinta Ambiyada oo dhan, dacwaddoodu waa mid, sharciyadooduna way kala duwan yihiin, Muslimiinta maanta joogtna kaligood ayaa haysta diinta saxda ah ee ay la yimaaddeen Ambiyada oo dhan, diinta Islaamku waqtigan iyadaa xaq ah, Rabbiga soo diray Ibraahiim, Muuse iyo Ciise waa kan soo diray kan lagu khatimay Rususha ee Maxamed-naxariis iyo nabadi korkiiye-, shareecada Islaamkuna markay timid waxay nasakhday-baddashay- wixii ka horreeyey ee sharciyo ahaa.
Diimaha dadku maanta ay wax ku caabudayaan dhammaantood - marka laga reebo Islaamka- waa diimo dad sameeyey, ama waa diimo Ilaahey soo dajiyey ka dibna gacan dad ku cayaartay oo noqotay wax la isku gee-geeyey oo isugu jira khuraafaat iyo been la kala dhaxlay iyo wax dad ku dadaaleen sameyntiisa, caqiidadase Muslimiintu waa caqiido mid qura ah oo iska cad oo aan isbadaleyn, bal eeg Quraanka Kariimka ah waa Kitaab kaliya oo yaalla waddama Islaamka oo dhan ee isku midka ah.
Ilaahey sarreeye wuxuu ku yiri Qur'aanka:
Dheh waxaan rumeyney Ilaahey iyo wuxuu nagu soo dajiyey iyo wixii lagu soo dajiyey Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Asbaad iyo wixii Rabbigood siiyey Muuse, Ciise iyo Nabiyadii ma kala saarayno Ambiyada annaguna Ilaahey ayaannu u hogaansannahay (84) (Ruuxa Islaamka waxaan ahayn diin ka dhigta laga aqbali maayo Aakhirona kuwa khasaaray ayuu ka mid yahay) 85. Al-Cimraan [ 84, 85: 3].
Muslimiintu maxay ka rumaysan yihiin nabi Ciise-nabadi korkiiye-.
Ma og tahay in Muslimiinta ay waajib ku tahay iney rumeeyaan Nabigii Ilaahey ee Ciise oo ay jeclaadaan oo xurmeeyaan oo ay rumeeyaan diintiisii aheyd in dadka loogu yeero cibaadada Ilaahey kaligii oo aan loo shariig yeelin! Muslimiintu waxay rumaysan yihiin in Nabigii Ilaahey ee Ciise iyo Nabi Maxamed -nabadgelyo iyo naxariis korkooda ha ahaatee- ay ahaayeen Nabiyo loo soo diray iney dadka tusaan dariiqa Ilaahey iyo dariiqa Jannada.
Waxaan rumaysan nahay in Ciise-nabadi korkiiye-uu ka mid ahaa Rususha ugu waaweyn ee Ilaahey uu soo diray, waxaan kaloo rumaysan nahay inuu ku dhashay qaab mucjiso ah, Ilaahey wuxuu Quraanka noogu sheegay inuu Ciise abuuray aabbe la`aan sida uu u abuuray Aadam Aabe iyo Hooyo la`aan, Ilaahey wax walba wuu awoodaa.
Waxaan rumaysannahay in Ciise uusan aheyn Ilaah iyo wiil Ilaahey midna, oo aan la daldalin balse uu nool yahay oo Ilaahey xagiisa u kor yeelay uuna soo dagidoono aakhiru samaanka isagoo xaakim caadil ah wuxuuna la jiridoonaa Muslimiinta waayo Muslimiintu waa kuwa rumaysan towxiidkii uu la yimid Ciise iyo Ambiyadii oo dhan.
Ilaahey wuxuu innoogu sheegay Qur,aanka Kariimka ah diinta Ciise Nasaaradu iney baddashay waxaana jiray kuwo qaloocan oo baadiyaysan oo badalay oo qayiray Kitaabkii Injiil oo ku daray nusuus uusan oran Ciise, sidaa awgeedna waxaa soo baxay dhowr koobi oo Injiil ah waxaana laga helay iska hor imaad badan.
Ilaahey wuxuu noo sheegay in Ciise caabudi jiray Rabbigiis oo uusan qofna ka codsan inuu caabudo balse uu fari jiray qoladiisii iney caabudaan Allahii Abuuray laakiin Shaydaanka ayaa Nasaarada ka dhigay iney caabudaan Ciise, Ilaahey wuxuu quraanka noogu sheegay inuusan u danbi dhaafay qof Ilaahey qayrki caabuday, oo Ciise wuxuu bari ka noqondoono maalinta Qiyaame dadkii caabuday wuxuun ku orandoonaa waxaan idin faray inaad caabudaan Allaha Khaaliqa ah ee idinkama dalbin inaad i caabudaan, taasna waxaa u daliil ah hadalkii Ilaahey:
(Reer Alhul Kitaaboow ha ku xad gudbina diintiina hana ku oranina Ilaahey wax aan xaq aheyn Masiixa Ciise ina Maryama ah waa Rasuul Ilaahey iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryam iyo ruux xagiisa ka ahaatay ee rumeeya Ilaahey iyo Rusushiisa hana dhihina waa saddex, ka jooga sidaasaa idiin kheyr badane ,Allaah waa Ilaaha kaligii ah wuuna ka nasahan yahay inuu yeesho caruur wuxuu iska leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan dhulka Illaahey ayaa ku filan talo saarasho [171 : 4].
Ilaahay sarreeye wuxuu yiri: "Xus waqti Ilaahay uu yiri Ciise ina Maryamoow, ma adigaa dadka ku yiri aniga iyo hooyaday naga dhigta Ilaahyo wuxuu yiri: Ilaahoow, adaa nasahane ma yeeli karo inaan iraahdo wax aana xaq u laheyn hadii aan irina waad og tahay, waad og tahay wixii naftayda ku saabsan ana ma ogi waxa naftaada ku saabsan adigu waxaad tahay kii qeybka og." [116 : 5]
Qofka doonaya inuu aakhiro nabad galo waa inuu soo galaa Islaamka oo uu raacaa Nabi Maxamed -naxariis iyo nabadi korkiiye-.
Xaqiiqooyinka ay isku raaceen Ambiyada iyo Rusushu waa in aysan badbaadayn Aakhiro Muslimiinta mooyee kuwaasoo Ilaahey rumeeyey oo aan cibaadadiisa cidna la wadaajin oo rumeeyey Ambiyada iyo Rususha oo dhan, dadkii noolaa waqtigii Muuse oo rumeeyey ee raacay wixii uu u sheegay kuwaasi waa Muslimiin muminiin ah oo saalixiin ah, laakiin markii Ilaahey soo diray Ciise waxaa ku waajiba dadkii raacsanaa Muuse iney rumeeyaan Ciise oo ay raacaan dadka rumeeya Ciise waa kuwo muslimiina oo saalixiina qofka diida inuu rumeeyo Ciise oo yiraahda waxaan baaqi ku ahaanayaa diintii Muuse kaasi Mumin maaha, waayo wuxuu diiday inuu rumeeyo Nabi Ilaahey soo diray, ka dibna markii Ilaahey soo diray Rasuulkii u danbeeyey Rususha oo Maxamed ah, qofka ku kufriya diinta Maxamed -naxariis iyo nabadi korkiiye-oo yiraahda waxaan baaqi ku ahaanayaa diintii Muuse ama Ciise kaasi Mumin maaha.
Qofka kuma filna inuu yiraahdo waan xurmaynayaa Muslimiinta, kumna filna si uu u badbaado Aakhiro inuu wax sadaqaysto oo Masaakiinta caawiyo, balse waa inuu rumeeyaa Ilaahey, Kutubtiisa, Rusushiisa iyo maalinta Qiyaame, si Ilaahey uga aqbalo, danbi ka weyn ma jiro shirkiga iyo Ilaahey oo lagu kufriyo iyo Waxyigii Ilaahey soo dajiyey oo la diido ama la diido Nabinimada Nabigii u danbeeyey Ambiyadiisa ee Maxamed ahaa scw. Yuhuuda iyo Nasaarada maqlay in la soo diray Maxamed scw oo diiday iney rumeeyaan oo diiday iney soo galaan diinta Islaamka waxay galidoonaan Naarta Jahanama iyagoo waligood ku waaraya sida Illaahey yiri:
{Kuwa Gaalada ah oo Ahlu Kitaabka ah iyo Mushrikiintu waxay galidoonaan Naarta Jahanama Iyagoo ku waaridoona, kuwaasina waa kuwa ugu sharbadan khalqiga} Al-bayina [6: 98].
Markii ay soo degtay Risaaladii ugu danbeysay ee Ilaahay u soo dajiyey dadka, waxaa waajib ku ah qof kasta oo maqla Islaamka oo maqla Risaalada u danbeysey ee Nabi Maxamed -naxariis iyo nabadi korkiiye- inuu rumeeyo oo raaco shareecadiisa oo amrkiisa qaato oo wuxuu ka reebana ka haro, sidaa awgeed qofkii maqla Risaaladaas u danbeysey oo diida, Ilaahey waxba ka aqbali maayo, Aakhirona wuu cadaabi doonaa. taas daliilkeeda waxaa ka mida hadalkii Ilaahey yiri:
"Qofkii ka doona diin waxaan Islaamka aheyn, marnaba laga aqbalimaayo, wuxuuna Aakhiro noqonayaa kuwa khasaaray". Al-buruuj [85: 3].
Ilaahey sarreeye wuxuu yiri: "Nabiyahaw waxaad dhahdaa Ehelu Kitaboow, u kaalaya weedh idinka iyo annagu aannu u simannahay taasoo ah ineynaan caabudin cid aan Ilaahay aheyn, oo aynaan cidna la wadaajin oo qaarkeen qaarka kale aysan ka dhigan Rabiyaal Ilaahey sokadi Haday jeedsadaan waxaad dhahdaan marag ka noqda inaan Muslimiin nahay." Al-luqmaan (64: 3).
Maxaa la iga rabaa si aan muslim u noqdo?
Si aad Islaamka u soo gasho waxaa waajib ah inaad rumayso tiirarkan lixda ah:
Rumeynta Ilaahay sarreeyee, iyo inuu yahay Khaaliq, Raasiq, Mudabbir(siduu doono kayeele koonkiisa) oo Maalik ah, oo wax la mida aysan jirin oo uusan laheyn xaas iyo caruur oo isaga kaligi mutaystay cibaadada.
In la rumeeyo Malaa`igtu iney yihiin addoommo Ilaahay, oo Ilaahay uu ka abuuray nuur, oo shaqadooda ay ka mid tahay iney waxyiga u soo dajiyaan Ambiyada Ilaahay
In la rumeeyo kutubtii Ilaahay ku soo dajiyey Ambiyadiisa oo dhan (sida Tawraad iyo Injiil ) iyo Kitaabka ugu danbeeyey oo Qur'aanka Kariimka ah.
In la rumeeyo Rusushii oo dhan sida Nuux, Ibraahiim, muuse, Ciise iyo Maxamd oo ugu danbeeyey oo Rusushaasii ay ka mid yihiin dadka, oo Ilaahay ku ayiday waxyi oo uu siiyey, Aayado iyo Mucjisooyin tusinaaya iney run sheegayaan.
In la rumeeyo maalinta qiyaame in Ilaahay soo saari doono dadkii hore iyo dadkii danbe oo Ilaahay kala xukumidoono khalqigiisa oo mu'uminiintu jannada galayaan gaaladuna naarta.
In la rumeeyo Qaddarka Alle, in Ilaahey og yahay wax walba oo horay u dhacay iyo wax walba oo dhicidoona, oo Ilaahey og yahay oo uu qoray Arrinkaas oo isagu doonay oo uu wax walba isagu abuuray.
ISLAAMKU WAA DARIIQA LIIBAANTA
Islaamku waa diinta Ambiyada oo dhan ee maaha diin khaas u ah Carabta.
Islaamku waa dariiqa liibaanta xaqiiqada ah aduunka aakhirana waa nicmo joogto ah.
Islaamku waa diinta qura ee awoodda u leh iney daboosho baahida Ruuxda iyo Jirka, oo ay xalliso dhammaan mashaakilka aadamaha.
Ilaahay sarreeye wuxuu yiri:
"Wuxuu yiri Ilaahay ka hoobta/kabaxa Jannada dhammaantiin qaarkiinba qaarka kale col ayey u yihiine, hadduu xaggayga idiinka yimaado hanoon ruuxii raaca hanoonkayga ma dhumayo mana halaagsamayo." "Qofkii ka jeesta Quraankayga iyo xuskayga waxaa u sugnaaday nolol ciriiri ah, waxaana la keenayaa maalinta qiyaame isagoo indho la`." Daa Haa[124: 20]
Maxaan ka faa`iidayaa soo galidda Islaamka?
Islaamka soo galiddiisa waxaa ku jira faa`iidooyin waaweyn oo ay ka mid tahay:
- inuu guulaysto qofku oo sharaf ku yeesho Aduunka waa inuu noqdaa insaanku adoon Illaahey, hadii kale wuxuu adoon u ahaanayaa hawadiisa iyo shaydaan iyo shahwaat.
Liinbaanta ugu weyn Aakhiro waa in qofku ka bad-baado cadaabta Naarta oo uu Jannada galo oo ku guulaysto raalli ahaanta Ilaahay iyo Jannada oo uu ku waaro
- Dadka uu Ilaahey Jannada galinaayo, waxay ku noolaan doonaan nicmo joogto ah iyagoon dhimanayn ama uusan ku dhacayn wax jiro ah ama xanuun ah ama murugo ah, ama gabow ah waxayna heli doonaan wax walba oo ay rabaan.
Jannada waxaa jira raaxo aan ili arag, dhegi maqlin, qalbiga aadamahana kusoo dhicin.
caddeymaha ku tusaya arintaas waxaa ka mida hadalkii Illaahey sareeye yiri: (Qofkii camal saalixa sameeya oo rag ah ama dumar ah isagoo Mumina waxaan ku noolayn doonaa nolol fiican waxaanan ku abaal marineynaa camalkii ugu fiicnaa ee ay sameeyeen). Al-Naxal [ 97:16].
Haddaan Islaamka diido maxaan khasaarayaa?
Wuxuu khasaarayaa Aadamuhu aqoonta iyo garashada ugu weyn taaso ah aqoonta iyo garashada Ilaahey, wuxuu kaloo khasaarayaa Illaahey rumayntiisa taasoo qofka siineysa amaan iyo xasilooni aduunka Aakhirona nicmo joogto ah.
Wuxuu khasaarayaa Aadamuhu inuu akhristo kitaabka ugu weyn ee Ilaahey dadka u soo dajiyey, iyo inuu rumeeyo kitaabkaas weyn.
Wuxuu khasaarayaa Aadamuhu rumeynta Ambiyadii waa weyneyd iyo inuu iyaga janada la galo maalinta qimaaye, wuxuuna la jirayaa shayaadiinta, mujrimiinta iyo kuwa kibray oo uu la gelaayo naarta jahanama, waxaa baas leh guriga ay degaayaan iyo cida ay la darsayaan
Ilaahay sarreeye wuxuu yiri:
"Ku dheh kuwa dhab u khasaaray waa kuwa khasaaray naftoodii iyo ehelkoodii maalinta qiyaame, kaasaana ah khasaare iska cad (15) Gaaladu waxay leeyihiin lakabyo Naar ah oo ka korreeya, iyo lakabyo Naar ah oo ka hooseeya, kaasina waa waxa Ilaahay ku cabsi geliyaayo Addoomadiisa ee Adoomadaydoow iga cabsada. [16, 15 : 39].
Dib ha u dhigan go`aanka!
Adduunyadu maaha Guri lagu waarayo ...
Adduunyadu way ka qarsoomi doontaa qurux walba, weyna dami doontaa wax walba oo naftu jeceshahay...
Waxaana iman doonta maalinta lagu xisaabin doono wax walba ee aad soo qabatay, taasoo ah maalinta Qiyaame, Ilaahey wuxuu yiri: {Waxaa la keenay Kitaabkii camalkoodu ku qornaa waxaadna arkaysaa dambilayaashii oo ka baqaya waxaa ku yaal waxayna oran halaagayee muxuu yahay kitaabkan aan ka tageyn wax yar iyo wax weyn midna ee wada koobaya, weyna heli waxay camal faleen oo diyaarsan, Ilaahey ma dulmiyo qofna}. [ 49 : 18 ].
Ilaahay casa wajalle wuxuu sheegay in dadka aan soo Islaamin iney ku danbeyn doonaan naarta jahannama waligoodna ku waaridoonaan.
Khasaaruhu mid sahlan maaha balse waa mid weyn, Ilaahay sarreeye wuxuu yiri: {Ruxii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray}. [85: 3]
Isalaamku waa diinta iyada mooyee uusan Ilaahay aqbalayn diin kale.
Ilaahay isagaa inna abuuray oo isagaan u laabanaynaa adduunyadanna imtaxaan ayaa la innoo keenay.
Yaqiinsanaw: in noloshani gaaban tahay oo ay tahay sida riyada ... qofna ma oga goortuu dhimanayo!
Maxaad ugu jawaabeysaa Ilaahii ku abuuray hadduu ku weydiiyo maalinta Qiyaame: maxaad u raaci weyday xaqa? maxaad u raaci weyday Nabiga lagu khatimay Ambiyada.
Maxaad ugu jawaabi Rabbigaa maalinta Qiyaame, Isagoo kaaga digay wax yaabaha ka dhalan kara Islaamka oo lagu kufriyo, uuna kuu sheegay in gaaladu ku halaagsami doonaan naarta waligood?
Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri: Kuwa gaalada ah ee ku kufriyey oo beeniyey Aayaadkayga, kuwaasi waa Ehelu naar ku waaraya naarta. [ 39: 2 ].
Cudurdaar malaha qofka xaqa ka taga oo ku dayda aabeyaashi iyo awoowayaashi.
Ilaahay casa wajalla wuxuu innoo sheegay iney dad badani diidi doonaan iney Islaamka soo galaan iyagoo ka baqaya deegaanka iyo dadka ay la nool yihiin.
Kuwo badanina waxay u diidayaan iney Islaamka soo galaan iyagoon dooneyn iney beddalaan caqiidadooda ay ka dhaxleen Aabbayaashood ama ay ka qaateen deegaankooda iyo bulshadooda ayna iska caadeysteen, kuwo badanna waxay u diidayaan iney Islaamaan ku adkeysi iyo xamaasadda ay u hayaan baadilka ay dhaxleen.
Kuwaas dhammaantood wax cudur daar ah uma haystaan arrinkaas, waxayna istaagi doonaan Ilaahay hortiisa iyagoon xujo haysan.
Qofka Mulxidka ah/diimaha dafiray cudurdaar uma haysto inuu yiraahdo waxaan baaqi ku ahaanayaa Mulxidnimadayda waayo waxaan ka dhashay reer Mulxid ah! balse waxaa waajib ku ah inuu isticmaalo caqliga Ilaahey siiyey, oo uu eego samooyinka iyo dhulka weynankooda, oo uu ku fikiro caqligiisa Ilaahii abuuray uu siiyey si uu ugu garto in aduunkaani leeyahay cid abuurtay, waxaa la mid ah kan caabudaya dhagxaanta iyo sanamyada cudurdaar uma haysto inuu ku daydo Aabeyaashi, balse waxaa ku waajiba inuu xaqa baaro oo uu naftiisa weydiiyo sidee ayaan u caabudayaa dhagxaan ama asnaam aan wax maqlayn oo aan wax arkayn oo aan waxba i tarayn?!
Kaas waxaa la mid ah kirshtaanka rumeysan arrimo khilaafsan fidrada/abuurka toosan iyo caqliga waxaa waajib ku ah inuu naftiisa weydiiyo: sidee u dhici kartaa in Rabi wiilkiisa dilo isagoo aan wax danbi ah gelin oo loo dilo dunuub dadyow kale galeen?! taasi waa dulmi! sidee u dhici kartaa in dad bashar ahi ay daldalaan oo ay dilaan wiilka Ilaahay?! Ilaahay miyaanu awoodin inuu dhaafo dunuubta dadka Isagoon u ogolaan iney dilaan wiilkiisa? miyaan Ilaahay awoodin inuu difaaco wiilkiisa?
Qofka caaqilka ah waxaa ku waajib ah inuu xaqa raaco oo uusan ku dayan Aabayaal iyo awoowoyaal baadil ku sugnaa.
Ilaahay sarreeye wuxuu yiri: (Haddii lagu yiraahdo u kaalaya Waxyiga Ilaahay soo dajiyey iyo Rasuulka waxay oran waxaa nagu filan wixii aan ka soo gaarney Aabbayaashayo, haddii Aabbayaashood aaney waxba ogeyn (aqoon) oo wax hanoon ahna aysan haysan ma raacayaan) [ 104 : 5 ].
Muxuu sameynayaa qofka doonaya inuu Islaamo una baqaya naftiisa in qaraabadiisu dhib u gaysato?
Qofkii doonaya inuu Islaamo kana baqaya bulshada ku xeeran, waxaa suuro gal u ah inuu Islaamo oo uu qariyo Islaamkiisa inta Ilaahay u sahlayo dariiq kheyr leh oo uu ka faa`iidaysto oo uu muujiyo Islaamkiisa.
Waxaa waajib kugu ah inaad si dhakhso ah u aqbasho Islaamka, lkn waajib kuguma aha inaad u sheegto dadka kugu xeeran Islaanimadaada ama aad sheegto, haddii taasi dhib ku soo gaar siinayso.
Ogowna haddii aad Islaamto waxaad walaal la noqonaysaa malaayiin Muslimiina, waxaadna la xiriiri kartaa Masjidka ama Xarunta Islaamiga ah ee ku taalla Magaaladaada, waxaad waydiisan kartaa iney kula taliyaan, oo ku caawiyaan weyna ku farxayaan arrinkaas.
Ilaahay sarreeye wuxuu yiri:
{Ciddii Ilaahay ka baqda wuxuu siiyaa waxay dhibka kaga baxaan wuxuuna ka Arsaaqaa meel aysan filanayn} [ 3, 2 : 65 ]
Akhristaha qiimaha badanoow
Miyaanay ahayn raalli gelinta Ilaahii ku abuuray, ee kuugu nicmeeyey nicmooyinkiisa oo dhan, ee ku quudin jiray adigoo caloosha hooyadaa uur jiif ku ah ee kugu Arsaaqay hawadaan aad ku neefsanayso hadda, midka ugu muhiimsan inaad isaga kahorraysiiso raalli gelinta dadka?
Miyaanay mudneyn guusha adduun iyo midda aakhiro inaan dhaafsanno wax walba oo ka sokeeya ee ah macaanka aduunka ee tagaya? bal walaaahi way mudan tahay!
Ha u ogolaan waxaad soo martay inuu kuu diido inaad saxdo dariiqaaga qaldan oo aad wax saxa samayso.
Maanta noqo Mu'umin dhab ah! oo ha u ogolaan shaydaanku inuu kaa joojiyo inaad xaqa raacdo!
Ilaahay sarreeye wuxuu yiri:
{Dadow waxa Rabbigiin idiinka yimid xujo waxaanan idiin soo Dejiney Nuur Cad. (174) (Kuwa Ilaahay rumeeyey ee Isaga cuskaday wuxuu siin doonaa naxariistiisa iyo Fadli wuxuuna ku Hanoonin Jidka Toosan) (175). [175, 174 : 4 ].
Diyaar ma u tahay inaad qaadato go`aankii ugu weynaa noloshaada?
Haddii wixii aynu soo marnay oo dhan ay kuula muuqdaan wax suuragal ah, oo aad qalbigaaga ka ogaatay xaqiiqada, waxaa waajib kugu ah inaad talaabadii u horaysay u qaaddo inaad noqotid Muslim. ma iga doonaysaa inaan kugu caawiyo inaad gaadhid go`aankii ugu fiicnaa intii aad noolayd oo aan ku tuso sidii aad u noqon lahayd Muslim?
Ha ka dhigin danbigaaga mid kuu diida inaad Islaamka gasho, Ilaahay wuxuu quraanka noogu sheegay inuu dadka u dhaafo dunuubta oo dhan haddii uu qofku soo Islaamo oo uu u toobad keeno Ilaahii abuuray, xataa marka aad Islaamka aqbasho ka dib waa dabiici in dambi kaa dhoco waayo innagu waxaan nahay bashar/Aadamo, ee ma nihin Malaa`ig Ilaahay dhowray, lkn waxaa la innaga rabaa inaan Ilaahay weydiisanno danbi dhaaf oo aynnu u toobad keenno, haddii Ilaahay kaa arko inaad u degdegtay inaad xaqa aqbashay oo aad Islaamka gashay oo aad ku dhawaaqday labada Shahaado Ilaahay wuxuu kuugu kaalmaynayaa inaad ka tagto dunuubta kale qofkii Ilaahay u soo noqda oo xaqa raaca wuxuu waafajineyaa kheyr badan ee ha ka laba labeyn inaad Islaamka gasho hadda.
Arrinkaas daliilkiisa waxaa ka mid ah hadalka Ilaahay sarreeye yiri: ( ku dhe nabi yahaw kuwa gaalada ah: haddii ay ka joogsadaan gaalnimada waa loo dhaafayaa danbigoodii hore) [ 38 : 8 ].
Maxaan sameeyaa si aan u noqdo Muslim?
Islaamka soo galidiisu waa arrin sahlan umana baahna caado la raaco ama arrimo la sameeyo, ama in qof goob joog u ahaado, kaliya qofka waxaa ku waajiba inuu ku dhawaaqo labada shahaado oo uu yaqaan macnahooda oo rumeysan yahay, taasina waa inuu yiraahdo: ( Ashhadu an laa Ilaaha Ilallaah wa ashhadu anna Maxammada Rasuulullaah), haddey kuu fududdahay inaad ku tiraahdo luqadda carabiga way fiican tahay haddii ay kugu culus taheyna waxaa kugu filan inaan ku tiraahdo luqaddaada sidaas ayaad ku noqonaysaa Muslim, ka dib waa inaad barato diintaada taasoo kuu ahaan doonta sal dhigga liibaantaada adduun iyo inaad bad-baaddo aakhiro.
Si aad diinta Islaamka uga hesho macluumaad dheeri ah waxaan kuu dardaarmayaa inaad eegto Bogga:
Dallada/linkiga Tarjammadda macnaha Qur,aanka Kariimka ah ee Luqada Soomaaliga:
Si aad u baratid sidii aad u gudan laheyd Islaamka, waxaan kuu dardaarmaynaa inaad gashid Bogga: