المختصر المفيد للمسلم الجديد
الكتاب يعرض مبادئ الدين الإسلامي بشكل مختصر وواضح، يتناول أساسيات العقيدة الإسلامية، وأركان الإسلام والإيمان، والعبادات المفروضة والمنفولة كالصلاة والصيام والزكاة والحج. مع التأكيد على أهمية القرآن الكريم كمصدر إرشادي أساسي، ويوضح دور النبي محمد ﷺ كرسول الرحمة والهداية للعالمين.
Kitaab gaaban oo faa'iida u leh Muslimka diinta ku cusub
waxaa diyaariyey:
Maxamed Al-shihri
1441 / 2020
Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro)
HORDHAC
mahad oo dhan waxaa leh ilaahay, waanu ku mahdinaynaa, waanu ka kaalma iyo danbi dhaaf dalbaynaa, waxaanu ka magan gali sharta naftayna iyo falalkeeda xun xun, qof ilaahay hanuuniyo cid lumin kartaa ma jirto, midka uu lumiyana cid hanuunin kartaa ma jirto, Anigu waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Allaah mooyee kaligii, cid wax la wadaagtaana majirto, waxaa kaloon qirayaa in nabi Muxammad yahay adoonkiisa iyo Rasuulkiisii.
intaa kadib:
Ilaahay wuxuu karaameeyay bani aadamka wuuna ka koryeelay in badan oo kamida uunkiisa, isaga oo ilaahay cadaynaya midaas wuxuu yiri: {Waxaa xaqiiq ah inaanu sharrafnay Binii Aadamka} (suurada al-israa 70) Karaamadda ay umaddani lasii dheer tahayna waa Ilaahay-koreey- usoo diray Nabigii ugu fadliga badnaa anbiyada oo Muxamed ah-sallallaahu calayhi wasalam-, wuxuuna kusoo dajiyey kutubta kan ugu fadliga badan, wuxuuna raali ugala noqday shariicada islaamka, ilaahay -koreeye- wuxuu yiri: {Waxaad tihiin Ummadda ugu Khayr badan ee loo soo saaray Dadka, waxaad fartaan Wanaagga waxaadna ka reebtaan Xumaha, waad rumeysaan Allaah, hadday rumeyn lahaayeen Allaah kuwa Kitaabka lasiiyay saasaa u khayr badnaan lahayd, iyaga waxaa ka mid ahMu'miniin(rumaysay), badankooduse waa Faasiqiin}. [suurada aali-cimraan 110]. Nicmada ugu wayn ee insaanku helo waa in ilaahay-koreeye- ku hanuuniyay islaamnimo kuna sugnaado, oo uu ku camal falo Axkaamteeda iyo sharuucdeedaba. Kitaabkaana waa mid yar, laakiin macnaha uu xambaarsan yahay waa wax wayn, qofka ku cusub islaanimada wuxuu kabaranayaa inta uu jahliga kaga baxi karo, oo qaab kooban loo qoray, isagoo u cadeynaya arimaha ugu wayn xaga diinta, fahanka uu intaas fahmo waxay u noqonaynsaa bar bilow uu ka bilaabo barashada cilmiga, iyo badsashadiisaba, si ay kor ugu kacdo aqoonta uu u leeyahay rabigiisa koreeye, iyo nabigiisa sallallaahu calayhi wasalam, iyo diintiisa islaamkaba, taasi waxa suurto gal uga dhigaysaa inuu ilaahay-koreeye- ku caabudo aqoon iyo garasho isaga oo leh, qalbigiisuna midaas ku xasiloon yahay, iimaankiisuna kor ugu kacayo, maadaada cibaadadiisu ku dhisan tahay aqoontaas iyo raacida sunadan Nabi Muxamed- sallallaahu calayhi wasalam.
ilaahay ayaan waydiisanayaa inuu barakeeyo odhaah kasta oo kitaabkan ku sugan kuna anfaco islaamka iyo muslimiinta, uuna kadhigo mid ilaahay wajigiisa sharafta leh loola jeedo, kana abaal mariyo muslimiinta oo dhan mid nool iyo mid dhintayba.
ilaahay ha u naxariisto nabi Muxamed iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa oo dhamaantood.
Muxamed ibnu Sheybah Al-shihri
2/11/1441 H.
Rabigaygu waa allaah
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Dadow caabuda Rabigiinna idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horeeyey, waxaadna mudantihiin inaad dhowrsataan}. [Suurada Al-baqarah 21]
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Ilaahay waa Allaah, kaasoo uusan jirin Ilaah kale- oo si xaq ah lagu caabudo- isaga mooyee} [Suurada Al-xashar 22]
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {ma jirto shay ilaahay la mid ah waana maqle arke ah} [Suuraa Ash-shuuraa aayada 11]
Rabigaygu waa Allaha rabbigayga ah waana Rabbiga wax walba, Boqorka ah, Abuuraha ah, Raasiqa ah, wax wabana maamula.
waana Allaha mutay in keligii loo cibaadaysto, mana jiro Rabbi iyo ilaah aan isaga ahayn.
wuxuu leeyahay magacyo Suuban, iyo tilmaamo ama sifaad koreeya, taasoo uu u sugay naftiisa, Nabiguna-sallallaahu calayhi wasalam- u sugay, waxayna gaartay halka ugu sareysa ee dhamaystir iyo wanaaga ah, Mana jiro wax lamid ahi, waana maqal badane arkana wax walba.
MAGACYADIISA SUUBAN waxaa kamida:
ِAr-rasaaq, Ar-raxmaan, Alqadiir, Almalik, As-samiic, As-salaam, Albasiir, Alwakiil, Alkhaaliq, Al-ladiif, Alkaafii, Alqafuur. intaa macnahooduna waa sidan soo socota:
Al-RRazzaaq: Waa Allaha damaanad qaaday Quudka adoomadda, taasoo garab gal u ah qalbigooda iyo jidhkooda.
Ar-Raxmaan: Waa Allaha u saaxiibka ah naxariista ballaaran, ee deeqday wax walba.
Al-Qadiir: Waa Allaha leh awood dhammaystiran, oo aanay haleelin caajis iyo daal midna.
Al-Malik: Waa midka lagu tilmaamo sifooyinka weynaanta, qasbida, iyo maaraynta, ee hanta wax kasta, sida u doonana u maamula.
Al-samiic: Waa Allaha leh maqal uu ku koobo wax walba oo la maqlo, hoos ha loo qarsado ama ha lagu dhawaaqee.
As-salaam: waa kan ka nabad galay wax kasta oo nuqsaan ah, dhaawac iyo ceeb ah.
Al-Basiir: waa kan araggiisu koobay wax walba, haba noqdo waxan bili'aadamku dheehan karine, waan amid u leh khibrad garasho iyo khibrad wixii qarsoon.
Al-Wakiil: waa Allha damaanad qaaday quudka khalqigiisa, ee daryeela arimahooda, inta Awliyadiis ahna ugargaara, oo u fududeeya arrimahooda.
Al-khaaliq: waa midka bilaabay abuurka, cid uga horumartayna jirin isaga hortii.
Al-Ladiif: Waa maamuusa addoomihiisa, ee u naxariista, siiyana codsiyadooda.
Al-Kaafii: Waa kufilnaha addoomihiisa wax walba oo ay u baahan yihiin, ee lagaga deeqtoomo kaalmadiisa cid walba oo kasoo haray.
Al-Qafuur: waa Dambi dhaaf badane ka ilaaliya addoomihiisa sharka dambiyadooda, mana ku ciqaabo danbigaa uu u dhaafay.
Ruuxa muslimka ahi waa mid ka fikira cajaa'ibta ku duugan abuurka Eebe, iyo sida uu u daryeelay inta uu abuuray, yar iyo waynba, uguna fududeeyay helitaanka quudkooda, Ilaahaas ayaa xumaan oo dhan ka nasahan, Allaha leh tudhaalaha iyo dhibrinta, naxariistiisuna hormuud u tahay inuu u fududeeyo qaab nololeedkooda, waliba iyagoo ah kuwo tabar yar.
Nabigaygu waa Muxamed scw-
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Xaqiiq waxaa idiin yimid Rasuul idinka mid ah, ay murugo geliso waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, u turid iyo naxariis badan Mu'miniinta} [Suurada At-towbah 128].
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Kuuma aanu soo dirin -Nabi Muxammadow- waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato caalamka mooyee} [Suurada Al-anbiyaa 107].
NABI MUXAMMED WAA NAXARIIS IYO RAXMAD HADIYAD AH
Muxamed bini cabdilaahi -sallallaahu calayhi wasalam- waa midkii ugu danbeeyay nabiyada iyo rusushaba, Ilaahayna-koreeye- wuxuu la soodiray diinta islaamka una diray dadkoo dhan si uu ugu tusmeeyeo khayrka, oo ugu wayn yahay towxiidku, sharkana wuu kareebi uuna ugu waynyahay shirkigu,
waxaa waajib ah in loo hogaansamo, lana rumeeyo wuxuu sheego Nabigu- sallallaahu calayhi wasalam-, lagana fogaado xumaanta uu reebo, ilaahayna -koreeye- lagu caabudo shareecada Nabigiisa -sallallaahu calayhi wasalam-
Risaaladiisu/fariintiisa isaga iyo anbiyadii kahoreeyay soo xambaareena waa inay ugu yeeraan makhluuqaadka in ilaahay -koreeye- la caabudo keligii, cidna aan la agdhigin.
TILMAAMAHA NABIGA-SALLALLAAHU CALAYHI WASALAM-
Runta, Naxariista, Dulqaadka, Sabarka, Geesinimada, Deeqsinimada, Dabeecad wanaag, Cadaalad, kibir la'aan, Cafiska.
Quraanka Kariimka ahi waa hadalka rabigay
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Dadow waxaa idiin yimid Xujo Xagga Eebihiin ka ahaatay waxaanan idiin soo Dejinay Nuur Cad (waana quraanka)}. [suurada al-nisaa aayada 174].
Quraanka Kariimka ahi waa hadalka ilaahay-koreeye- uuna kusoo dajiyay Nabi Muxammed -sallallaahu calayhi wasalam- si uu dadka uga saaro mugdiyada una bixiyo nuurka, oo uu ku hanuuniyo jidka toosan.
qofkii akhriya wuxuu heli ajar wayn, haduu kucamal falana wuxuu raacay jidkii toosnaa
WAXAAN BARANAYNAA TIIRARKA ISLAAMKA
Rasuulka Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi: (Waxaa lagu dhisay Diinta lslaamka Shan Tiir: Qiridda inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyee, Nebi Muxammedna Rasuulkii Alla yahay, Oogidda Salaadda, Bixinta Sakada, Soomidda Bisha Ramadaan, Gudashada Xajka).
tiirarka islaamka waa cibaado ku waajib ku ah ruux kasta oo muslim ah, islaanimadiisuna waxa ay ku ansaxaysaa inuu aamino arkaantaas, oo waliba ku camal falo dhamaantoodba, maxaa yeelay islaamku tiirarkaas buu ku dhisanyahay, sidaa darteed ayaa loogu magacaabay tiirasha islaamka.
TIIRARKAASINA WAA SIDAN:
TIIRKA KOOWAAD: waa Qiritaanka inaad qirtid inuusan jirin ilaah-xaq lagu caabudo- Allaah mooyee, Mmuxamedna uu yahay rasuulka ilaahay.
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Ogow oo qir inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyee} [suurada muxamed 19].
Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri: {Waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan Mu'miniinta} [suurada al-towbah 128].
macnaha shahaadada (SHADAADATU AN LAA ILAAH ILLA LLAAHU) waa qiritaanka inuusan jirin Ilaah xaq lugu caabudo Allaah mooyaane.
Macnaha (SHAHAADA ANA MUXAMADDU RASUULU LLAAH)waa in la adeeco, lana rumeysto wuxuu inoo sheegay, lagana fogaado wuxuu reebayo, ilaahayna lugu caabudo sharcigiisa.
TIIRAKA LABAAD: SALAADA OO LA OOGO
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Salaada ooga} {suurada al-baqara 110].
salaada oogisteedu waa in loola yimaadaa siduu ilaahay-koreeye- u jideeyay rasuulkuna Muxamedna- sallaalahu calayhi wasalm- uu noobaray.
TIIRKA SADEXAAD: BIXINTA SAKADA
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: [Sakada bixiya] [Suurada Al-baqara 110]
ilaahay wuxuu waajibiyay zakada laga bixinayo Mood iyo noolba, si uu u hubiyo una imtixaano ka dhabeenta iimaanka qofka muslimka ah iyo inuu ku shukriyo rabigii nicmadii uu siiyay darteed, isla markaana u kaalmeeyo inta baahan.
sakada bixinteedu waa siismada lasiinayo kuwa mutystay.
waxayna ku waajibtaa maalka markuu gaaro qadar go'an, taasoo la siinayo sideed kooxood oo quraanka lugu sheegay, oo ay ka mid yihiin Faqiirka iyo Miskiinku.
Bixinta zakaduna waxay tilmaan u tahay naxariista io dabacsanaanta ruuxa muslimka ah, sidoo kale waxay nadiifisaa maalkiisa, dadka baahana way raali galisaa, iyadoo xoojisa xariga walaalnimada iyo isjacaylka dhex yaala mujtamaca muslimka, sidaa darteed ayuu ruuxa muslimka ah bixinayaa isagoo naftiisa uga raali ah kuna faraxsan sida uu kaalmada ugu gaystay mujtamacaas kale.
zakada Maalka qadarkeedu waa 2.5%, waxayna ku waajibtay: Dahabka iyo Fidada, Lacagta,iyo Badeecada laga ganacsado, marka uu sanad ka soo wareego ee ay gaadho xaddi go'an.
sidoo kale zakada waxay ka waajibtaa xoolaha nool ee nicmoolayda ah sida (geela, lo'da, ariga), waana marka ay tahay mid daaqda oo calfata wixii dhulka kasoo baxa, sanadka intiisa badan, ruuxa lihina uuna gacantiisana ku quudin.
sidoo kale waxay ka waajibtaa waxa kasoobaxa dhulka sida Baddarka, Miraha, Macdanta, markay gaarto qadar go'an.
TIIRKA AFRAAD: SOONKA BISHA RAMADAAN
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Salaaddana ooga sakadana bixiya waxaad u hormarsataan Naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebe agtiisa, Eebana waxaad camalfaIaysaan waa arkaa}. [suurada al-baqara 110].
Ramadaanku waa bisha sagaalaad ee sanadka hijriga ah, waana bil muslimiinta kuwayn agtooda, bilaha kalena way ka duwan tahay, in lasoomo bishaasna waa tiir ka mida shanta tiir ee islaamka.
Macaha soonka bisha ramadaan waa: inuu ilaahay dartii uga afxirto cuntada iyo cabitaanka iyo galmada, iyo wixii kale ee afuriya ruuxa, laga bilaabo aadaanka salaada fajar ilaa qorax dhaca, bisha dhamaanteedba.
TIIRKA SHANAAD: XAJKA BAYT/GURIGA ILAAHAY EE LA XURMEEYAY
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Eebana wuxuu ku leeyahay Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara Wadada} [suurada Aali-cimraan, aayada 97]
Xajka waxaa lugu leeyahay ruuxii awooda, waana halmar intuu noolyahay, taasoo macnihiisu yahay: in ruuxu u baqoolo baydka xurmada leh iyo meelaha mashaacirta muqadaska ah, kuna yaala Makka Almukaramah, si uu halkaa ugu guto cibaado leh timaamo iyo wakhti u gaar ah. Nabi muxamed iyo Nabiyadii ka horeeyayna--calayhimu salaatu wasalaam- way xajiyeen, ilaahaybaana-koreeye- ku amray Nabi ibraahiim inuu dadka ugu yeero xajka, sida u ka waran quraanka kariimka ah. {Ogaysiina Dadka Xajka ha kuu Yimaaddeen iyagoo Lugayn iyo mid Bog Dheer Dhammaanteed oo ka iman Jaha kasta oo Dheer}. [suurada al-xaj, aayada-27]
BARASHADA ARKAANTA IIMAANKA:
Nabiga scw waxaa lawaydiiyay iimaanka wuxuuna yiri: (inaad rumaysid ilaahay, malaa'igtiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta danbe, qadarta teeda sharta ah iyo tan khayrka ah).
Tiirarka iimaanku waa cibaadooyin ku xidhan dhanka qalbiga, taasoo ku waajib ah ruux walba oo muslim ah, waana mida ay ku qotonto islaanimada aadamaha, oo sax u noqon mayso islaanimadiisu jeeroo uu rumeeyo mooyee, sidaas ayaa loogu magacaabay Tiirarka iimaanka, farqiga udhexeeya Tiirarka islaamka iyo kuwan iimaanka: Tiirarka islaamku waa camal/ shaqo muuqata oo xubnahana laga sameeyo sida: ku dhawaaqida Shahaadada, tukashada salaada, bixinta zakada,soonka, xajka oo la'aado, hase yeeshee Tiirarka iimaanka waa camal/shaqo qalbiga laga aamino sida: rumeenta Ilaahay-koreeye-, kutubtubtiisa, rusushiisa, Malaaiktiisa, maalinta qiyaame.
Macnaha iimaanku: waa qalbiga oo laga rumeeyo si aan shaki ku jirin, Ilaahay, malaa'igtiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta danbe/qiyaamaha, qadarta khayrkeeda iyo sharteedaba, iyo inuu raaco wax kasta uu la yimid Nabigu -sallallaahu calayhi wasalam- kuna camal falo, carabkana uga dhawaaqaya, sida kalmada tawxiidka LAA ILAAHA ILA LAAHU,akhrinta quraanka, tasbiixda, iyo amaanta Ilaahay-koreeye-
iyo in xubnaha laga sameeyoo, sida salaada, xajka, soonka, iyo xubnaha dahsoon ee laxiriira qalbiga sida jeceelka ilaahay iyo cabsidiisa, talosaarashada cibaado oo dhana ikhlaas uga dhigo/mid aanu cid kale la wadaajin.
xeeldheerayaasha cilmiguna waxay iimaanka ku qeexeen: qalbiga oo laga aamino, odhaah ahaana loogaga dhawaaqo carabka, xubnuhuna ku camal falaan, waana mid ku kordha daacaadka Ilaahay, macsidiisana ku naaqusaa ama daciifa.
TIIRKA KOOWAAD:ILAAHAY OO LA RUMEEYO
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Mu'miniintu Waa Uun kuwa Rumeeyey Eebe} [suurada al-nuur, aayada 62].
iimaanka ilaahay larumeeyo wuxuu ku qotamaa: in ilaahay loo kali yeelo Ilaahnimadiisa, Rabbinimadiisa, Magacagdiisa iyo Tilmaamaha uu leeyahayba, waana mid koobsanaysa:
Rumaynta jiritaan Illaahay -koree oo nasahnaaye-
in la rumeeyo rabinimadda ilaahay-koreeye-, iyo inuu yahay Allaha hanta wax walba ee abuuray, quudiyay, arimahoodana maamula
in la rumeeyo ilaahnimada Allaah, iyo inuu yahay midka kaligiis mutaystay cibaadada, cidna aan lala wadaajinayn cibaadadaas, sida salaada, ducada, nidarka, gawraca, kaalmaysiga, magangalyada, iyo cibaadaadka oo dhanba,
in la rumeeyo Magacyadiisa quruxda badan iyo Tilmaamihiisa Sarreeya ee uu Naftiisa u sugay ama Nabigiisu - Naxariis iyo Nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee - u sugay, lagana reebo oo nasaho wixii uu naftiisa ka reebay ama Nebigu - naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee - u diday in lagu timlaamo, Taasi waxay ku tusinaysaa in Magacyadiisa iyo Sifooyinkiisu gaareen halka ugu saraysa dhamaystir iyo wanaag, mana jirto cid lala simo Allaah, waana Allaha maqla ha arka na wax walba.
TIIRKA LABAAD: Rumaynta Malaa'igta
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: Mahad oo dhan waxaa mudan Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada, ka dhigaha malaa’igta fariin-wadayaal ku duula baalal, labo iyo saddex iyo afarba ah. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wixii uu doono. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa [suurada faadir aayada 1]
waxaan rumeenaynaa malaa'igta inay yihiin caalam qarsoon, waana adoomii ilaahay oo laga abuuray nuur, wuxuuna kayeelay ilaahay kuwa adeeca oo u khushuuca isaga
waana khalqi(la abuure) aad u wayn, ilaahay kaliya ayaa garanaya awoodooda iyo tiradooda, mid walba oo malaa'iktaas kamida wuxuu leeyahay timlaamo iyo magacyo iyo shaqo u gaar ah, sida: Malaku Jibriil oo u xilsaaran soo dajinta waxyiga rabi, gaadhsiinayana rusushiisa.
TIIRAKA SADEXAAD: RUMAYNTA KUTUBTA
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: { Dhaha: Waxaanu rumaynay Allaah iyo waxa nalagu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Asbaadii(waa tafiirtii yacquube), iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Mana kala sooceyno mid ka mid ah, oo (Alle) baan u hoggaansannahay.}. [suurada albaqara aayada 136]
waa in la rumeeyaa si aan ka noqod lahayn: In dhamaan kutubta laga soo dajiyay Samaddu tahay Hadalkii ilaahay.
oo uu Allaah kaga soo dajiyay xagiisa rushushiisa dushooda, si ay u gaadhsiiyaan addoommadiisa xaqa cad,
iyo in Eebbe uu u soo diray Nebigiisa Muxammad - sallallaahu calayhi wasalam- dadka oo dhan, oo sharcigiisii ku nasakhay/tirtiray dhammaan sharciyadii hore, Quraanka kariimkana ka yeelay Ilaahay mid ka kor marsan kutubta kale, oo nasakhaya, isla markaana ilaahay ballan qaaday inuu Quraanka kariimka ka ilaaliyay wax laga badalo ama dhinac kale loo leexiyo, wuxuuna yidhi Allaah: {Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaanna Dhawri oo xafidi}. [suurada al-xijir aayda 9] Sababtoo ah Qur’aanka Kariimka ah waa kii kitaabka ugu lagus oo gababeeyay kutubtii loo soo dajinayay Aadanaha, Nebigiisana Muxammadna -sallallaahu calayhi wasalam- waa midka lagu khatimay Rususha, Diinta islaamkuna waa diinta uu Eebbe raali uga noqday aadamaha ilaa Saacada Qiyaamaha, ilaahay wuxuu yiri: [Diinta Ilaahay agtiisa ahi waa islaamka] Suurada Aal-cimraan, aayadda 19]
Kutubta samada laga soodajiyay ee Eebbe weyne ku sheegay kitaabkiisa waa:
Quraanka Kariimka, oo ilaahay kusoo dajiyay Nabigiisa Muxamed -sallallaahu calayhi wasalam-.
Towraad: Allaah ayaa kusoo dajiyay Nabigiisa Muuse -calayhi salaam-
Injiil: Allaah ayaa kusoo dajiyay Nabigiisa Ciise-calayhi salaam-
Sabuur: Allaah ayaa kusoo dajiyay Nabigiisa Daa'uud-calayhi salaam-
Suxuf tii ibraahiim: Allaah ayaa kusoo dajiyay Nabigiisa ibraahiim -calayhi salaam.
TIIRKA AFRAAD: RUMAYNTA RUSUSHA
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Xaqiiq waxaan kasoo saarnay Umad kasta Rasuul (ku leh) caabuda Eebe oo ka fogaada Daaquutka (wax kasta oo la caaabudo Eebe sokodii)} [suurada al-naxli, aayada 36].
Rumayn go'an, oo adag ee ah: in Ilaahay koreeye ummad kasta u soo diray Rasuul ugu baaqaya ciibaadadda illaahay keligiis, oo aan lahayn cid la wadaagta, iyo inay ka gaaloobaan waxa la caabudo isaga ka sokow.
In dhammaan Rusushaasi yihiin dad aadame ah, rag, addoommo Eebbe, runsheeg, la rumaysto, Alla kacabsi leh, aamin ah, hanuunsan, watayna mucjisooyin tusinaya runnimadooda, isla markaana ay guteen waajibkii dacwada, Dhammaantoodna waxay ku sugnaayeen xaq cad iyo hanuun iska cad.
Rusushaas Baaqooda iyo dacwadooduba waxay ka sinaayen Tawxiidka ilaahay -koreeye- oo ah in ilaahay kaligii la caabudo, waxna lala wadaajin cibaadadiisa.
TIIRA SHANAAD; RUMAYNTA MAALINTA DAMBE(QIYAAMAHA).
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Allaah, mana jiro isaga mooyee ilaah kale, wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan Eebe odhaah ahaan, (ma jiro}. [suurada al-nisaa aayada 87]
in la rumeeyo rumayn go'an oo aad u adag, kuna aaddan wax kasta oo la xiriira Maalinta Aakhiro, oo ah wuxuu ilaahay kusheegay Kitaabkiisa sharafta leh, ama Nabigeenna Muxammad sallallaahu calahui wasalam- uu nooga warramay Sida geerida aadanaha, soobixinta, shafaacadda, miizaanka, xisaabta, jannada iyo naarta, iyo waxyaabo kale oo la xiriira maalinta aakhiro.
TIIRKA LIXAAD: RUMAYNTA QADARKA KHAYRKIISA IYO SHARKIISA
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Anaggaa wax walbal ku abuurray qaddar) [suurada al-qamar 49]
Rummaynta iyo aaminaadda: in dhacdooyinka haleela uunka ku yimaadaan ogaansha ilaahay, maamulkiisa iyo qadarkiisa, cid dhacdadaas la qorshaysay na jirin, oo dhacdooyinkaasina hore loo sii qoray intaan la abuurin aadamahaba, kaliya aadamuhu yahay midka isagu samaynaya falalka, la siiyayna awood iyo doonis uu wax ku samayn karo, hasa yeeshee falalkaasi kama baxsana ogaalka iyo doonista Ilaahay, sidaa aan hore u sheegnay.
RUMAYNTA QADDARKU WAXAY KU QOTON TAA AFAR HEER:
Midda koowaad: Rumaynta Cilmiga ilaahay ee koobay (wax walba).
Midda labaad: Rumaynta in ilaahay qoray wax walba oo jiray siina jiri doona inta qiyaamaha laga gaadhayo.
Midda saddexaad: Rumaynta doonista Eebbe iyo awoodiisa dhammaystiran ee fusha, markaa wax kasta oo uu doono wuu dhici, waxa aanu doonaynna ma dhacaan.
Midda afaraad: Rumaynta in ilaahay yahay Abuuraha(khaaliga) wax walba, cidna la wadaagin abuurkiisa.
BARASHADA WAYSADDA:
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Ilaahay wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan iyo kuwa is daahiriya}.(nadiifiya). (Suurada Al- baqarah aayada 22
Rasuulka Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi; (u waysayso sidii aan u wayso qaatay oo kale).
Muhiimadda weyn ee salaaddu leedahay ayaa ah in Eebbe jideeyay in loo dahaaro qaato salaada horteed, shardi ayayna u tahay ansaxnimadeeda, waayo dahaarada waa furaha salaadda, in la dareemo wanaaggeedana waxay qalbiga ka dhigtaa mid u ooman inuu tukaddo salaadda. Rasuulka Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi; (Daahirinnimaddu waa iimaanka badhkiis ... salaaduna waa iftiin iyo nuur).
Rasuulka Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi; (Qofkii si fiican u waysaysta, wuu ka baxaa dabiguugu jidhkiisa).
Markaa addoonka wuxuu qaabilaa Rabbigiis isagoo isku daahiriyay Jasad ahaan iyo niyad ahaanba, isagoo cibaadadaas u samaynaya ikhlaas(badhaxtir), iyo raacitaanka hanuunkii Nabiga - Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.
Cibaadooyinka ay tahay in loo waysaqaato:
1- Salaaddaha gabi ahaanba, haddii ay tahay mid waajib ah iyo mid sunne ah.
2- Dawaafka Kacbada.
3- Taabashada Qur’aanka Kariimka ah.
Intaasba waxaan ku waysaysan kuna qubaysan biyo daahir(nadiif) ah:
Biyaha daahirka(nadiifta ah) waa: biyo kasta oo cirka ka soo d'a ama dhulka ka soo burqadda oo ku sii jira sidii abuurkoodu ahaa, isla markaana soo gaadhin wax kale oo ka kexeeya nadiifnimadii, isbadalna ku sameeya saddexda astaamood see ah: midabkoodda, dhadhankooda iyo carafkoodda.
BARASHADDA WAYSO QAADASHADDA:
Tallaabada 1: Ujeeddadu waa qalbiga, macnaha ula jeeddkuna waa in ay ka go’aantahay qalbiga inuu cibaadada u sameeyo si uu ugu dhowaado Ilaahay.
Tallaabada 2: Gacmaha oo la dhaqo.
Tallaabada 3: luqluqasho.
luqluqashda waa: in afka la geliyo biyo, oo lagu dhexdhaqaajiyo, kadibna la soo bixiyo.
Tallaabada 4: Sandaarsi.
Sandaasigu: Waa in biyaha neefta la raaciyo ilaa sanka meesha ugu fog lagaarsiiyo.
istinthaar: Waa in waxa ku jira sanka sida duufka iyo waxyaabo kale oo neefta lasoo raaciyo.
Tallaabada 5: dhaqida Wajiga .
Soohdinta wejiga:
Wejiga: waa meesha ay kadhacdo isqaabilaada food kafood.
Xaga Ballaca: Dheg ilaa dheg.
Xaga Dhererka: meesha ay kasoo baxaan timaha madaxa ilaa dhammaadka garka.
Dhaqidda wejiga waxaa ku jira wax kasta oo ay ku jiraan timo khafiif ah, iyo sidoo kale caddaan iyo timaha dhagaha hoostooda.
Caddaankuna waa: inta u dhexaysa alcadaar iyo dhegta.
al cadaar waa: timaha ku yaal lafta soo -taagan, oo kubeegan-dhagta daloolkeeda ilaa madaxa gudihiisa iyo waxa ka soo dega dhegta.
Sidoo kale, dhaqidda wejiga waxaa ku jira dhammaan qaybta muuqata ee timaha qaro weynka ah ee gadhka, oo ay weheliso waxa ka dheeraaday.
Tallaabada 6: Gacmaha oo la dhaqo, laga bilaabo faraha foodooda ilaa xusullada.
Suxullada waxay ka mid yihiin gacmaha oo ay waajib tahay in la dhaqo.
Tallaabada 7: Madaxa oo dhan ku masax labada gacmood iyo dhegaha hal mar.
Wuxuu ka bilaabayaa xagga hore ee madaxiisa, isagoo u wareejinaya xagga dambe ee madaxiisa ka dibna dib ayuu u celinayaa.
farfiiqda ayuu dhegihiisa gelinayaa.
suulasha faraha ayuu dhegihiisa dibadeeda ku masaxayaa, iyo bannaanka iyo gudaha dhegta.
Tallaabada 8aad: Dhaqista cagaha laga bilaabo suulasha ilaa anqawyada, anqawyadu waxay ku jiraan dhaqitaanka waajibka ah ee cagaha.
Cidhibtiisu waa labada lafood ee kamuuqda dhudhunka hoose.
waxyaalaha waysada buriya:
1. waxyaabaha Kasoo baxa labada wado, sida kaadida, saxarada, hawada, shahwada, iyo wadida.
2 Maskaxda ama oo ku baxa hurdo, suuxdin, sarkhaanimo, ama waalli.
3 Wax kasta oo waajibiya qubays, sida janaabada, dhiiga caadada, iyo kan dhalmada kadib.
Haddii uu qofku guto xaajadiisa, waxaa waajib ah inuu nijaasta iskaga daahiriyo biyo, waana mida ugu fiican. iyo Biyo waxaa ahayn ee wax nadiifiya, sida dhagxaanta, caleemaha, maryaha, iyo wixii la mid ah sharti Waa inuu yuhay saddex masax oo daahirinta ah ama ka badan, iyo wax daahir ah oo la oggol yahay.
masaxaada sharabaadka
Xaaladda la xiranayo khufaynka ama sharabaadada, waxaa suurtogal ah in lagu dul masaxo iyaga oo aan u baahnayn in lugaha la dhaqo, iyadoo la raacayo shuruudaha soo socda:
1. In la xidho ka dib markii si buuxda looga daahiriyo nijaasta yar iyo nijaasta weyn, oo cagaha lagu maydhay.
2 Si aad u noqoto mid nadiif ah oo aan nadiif ahayn.
3 Masaxaadu waa inuu ahaadaa mudada cayiman.
4 waa inay yihiin xalaal ah, tusaale ahaan, inaysan ahayn kuwa lasooxaday ama la xoogay.
Khufaynku waa: maqaar khafiif ah oo lugaha lagu xidho iyo wax la mid ah, iyo kabo daboolaya cagaha.
ALjowrabaan waa: maro uu qofku cagaha ku xidho iyo wax la mid ah, oo loo yaqaan (Sharabaad).
Xikmada kujirta in la masaxo khufaynka:
Xikmaddu waa in la fududeeyo oo loo yasiro dadka muslimiinta ah, oo ay ku adag tahay inay iska siibtaan kabaha ama sharaabaadaha oo ay cagaha dhaqdaan, gaar ahaan xilliyada jiilaalka iyo qabowga daran, iyo marka la safrayo.
Muddada masaxaada:
Qofka Degan aanan safrin: habeen iyo maalin (24 saacadood).
Qofka Socdaalka ah: Saddex maalmood iyo habeen (72 saacadood).
Xisaabinta muddada masaxaada waxay ka bilaabantaa masaxaadii ugu horreysa ee sharaabaadyada ka dib xadathka.
Sharaxaadda sifada loo masaxo sharabaadyada:
1. Gacmaha in laqooyo.
2 In Gacanta lamariyo cagta qaybta sare (laga bilaabo cagaha faraha ilaa bilawga dhudhunka).
3 Cagta midig ku masax gacanta midig iyo bidixda bidix.
waxyaabha buriya masaxaada:
1- waxayaabaha waajibiya qubayska.
2- mudadii oo ay dhamaato.
Qubayska:
Haddii ninka ama hawaynta ay galmo sameeyaan, ama shahwaddu ay kagasoo baxdo soo jeed ama hurdo; Waxaa ku waajib ah inay sameeyaan qubays si ay u gutaan salaadda ama waxa lagama maarmaanka u ah inay daahirsadaan. Sidoo kale, haddii haweeneydu ka daahirto caadada iyo dhiiga dhalmada ka dib, waa inay samaysaa qubays ka hor inta aysan tukan salaadda ama waxa daahirnimid ubaahan ee lagama maarmaanka u ah inuu sameeyo.
Qaabka loo qubaysto waa sida soo socota:
In qofka muslimka ahi jidhkiisa oo dhan biyo ku wareejiyo si kasta oo ay tahayba, oo ay ka mid tahay luqluqashada afka iyo sandaarista sidaasna wuxuu ku zuulay xadathkii waynaa, wuuna daahirmay.
Qofka janaabada qaba waxaa ka reebban inuu sameeyo waxyaabaha soo socda ilaa uu qubaysanayo:
01 Salaadda.
02- Dawaafka Kacbada.
03 kunagaashaha masajidka, waxaana banaan inuu gudbo oo kaliya isagoo aan kunagaanaynin.
04- Taabashada kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.
05 Akhrinta Qur’aanka.
Gabgabaysi
Haddii qofka muslimka ah uusan helin biyo uu isku daahiriyo ama uusan awoodin inuu u isticmaalo biyaha xanuun iyo wax la mid ah, oo uu ka baqayo inuu waayo waqtiga salaadda, markaas waa inuu ku sameeyaa Tayammum ciida kusameeyo.
sifada gabgabaysigu waa inuu hal mar ku dhufto gacmihiisa dhulka, kadibna ku masaxayo wejiga iyo gacmihiisa oo kaliya. Ciidda waxaa laga rabaa inay daahir noqoto.
waxyaalaha Gabgabaysiga buriya:
1- Gabgabaysiga waxaa buriya waxa buriya waysada.
2- Haddii biyo helo ka hor intaadan bilaabin cibaadada loo tayammumay.
waxaan baran salaada
Ilaahay wuxuu ku faradyeelay qofka muslimka ah shan salaadood maalin iyo habeenba, kuwaas oo kala ah: Fajar, Dhuhur, Casar, Magrib iyo cisha.
Waxaan isu diyaarin salaadda
Marka la gaaro waqtigii salaadda, qofka muslimka ahi wuxuu iska daahirin doonaa xadathka yar iyo mida weyn, haddii ay tahay xadathka weyn.
Xadathka weyni waa: waxa ku waajibiya oo u keena qofka muslimka ah inuu qubaysto.
Xadathka yari waa: kan ku waajibiya oo u keena qofka muslimka ah inuu waysaysto.
Qofka muslimka ah wuxuu ku tukanayaa dhar nadiif ah, meel nadiif ah oo aan najaaso lahayn, isagoo daboolaya xubintiisa gaarka ah.
Qofka muslimka ah marka uu salaadda tukanayo wuxuu isku qurxiyaa dhar ku habboon oo jidhkiisa ku daboolaa, mana bannaana in ninku inta salaadda lagu jiro uu muujiyo inta u dhexeesa xuddunta iyo jilibka.
Haweeneydu waa in ay jidhkeeda oo dhan ku dabooshaa salaadda, marka laga reebo wejiga iyo gacmaha.
Qofka muslimka ahi kuma hadlo salaadda ereyada u gaarka ah mooyee, wuuna dhegaysan imaamka, oo aanu soo jeesan inta lagu jiro salaadda. Haddii uusan awoodin inuu xifdiyo weedhaha la xiriira salaadda, markaas wuxuu xusayaa Ilaahay oo u tasbiixsanayaa ilaa uu ka dhammaysto salaadda, waana inuu ku dadaalaa inuu barto salaadda iyo oraahdeeda.
waxaan baran salaada
TALAABADA 1AAD: niyada salaadda waajibka ah ee aan rabo inaan tukado, meesheeduna waa qalbiga.
Ka dib markaan soo waysaysto, waxaan u jeedsadaa dhanka qibladda, aniga oo taagan, haddii aan awoodo inaan istaagi karo.
TALAABADA 2AAD: Waxaan gacmaha kor u taagayaa ilaa garbaha oo waxaana leeyahay:Allaahu akbar (Eebbaa Weyn) anigoo niyeesanayo inaan galo salaadda.
TALAABADA 3AAD: waxaan akhrin ducadda furfurashada-salaada, oo ay ku jiraan kuwa kuwa soo arooray, waxaana kamida: (Ilaahay adaa xumaan ka nasahan, iyo mahadnaqaaga, waa la barakeeyey magacaaga, sharaftaadana kor ha ahaatay, adiga mooyee ilaah kale ma jiro) oo xaq lagu caabudo.
Tallaabada 4: waxaan ilaahay ka magan galayaa shaydaanka naxariista lagafogeeyay, waxaana leeyahay: Ilaahay ayaan ka magan galayaa shaydaanka la fogeeyay
waxaan akhrin suurada al-faatixah rakcad walba waana tan: Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud Naxariista Tu gaarana naxariista {1}. Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha Caalamka ah (Koonka) {2}. Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista. {3} Ee hanta maalinta abaalmarinta (Qiyaamada) {4}. adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaana kaa kaalmo waydiisanaynaa (Eebow) {5}. ee nagu hanuuni jidka toosan (Xaqa) {5}. Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna {7}.
waxaan Akhriyi faatixada kadib wixii ii fududaado Qur’aanka rakcada koowaad iyo tan labaad salaad walba, midssi waajib ma aha, laakiin in la sameeyaa ajar weyn bay leedahay.
Tallaabada 6: Waxaan leeyahay: (Allaahu Akbar) ka dibna waan rukuucayaa ilaa dhabarkaygu uu fidsanaado gacmaheyguna jilbaha ii saaran yihiin oo farahuna kala bixsan yihiin, dabadeena waxaan odhanayaa aniga oo rukuucsan: (Subxaana Rabiyal cadiim).Nasahnaa Rabbigayga wayni.
Tallaabada 7: Waxaan kasoo kacayaa rukuucda, anigoo leh: (Samicalaahu liman xamidah) Eebbe wuu maqlaa kii ammaanaa, gacmahayga ayaan kor u qaadaa ilaa garbaha, marka jidhkaygu toosnaado anigoo taagan, waxaan oran: (Rabanaa walakal xamdu) Eebbow adiga uunbaa mahad leh.
Tallaabada 8: waxaan odhanayaa: (Allahu akbar) Eebbaa wayn, dabadeena waan ku sujuudayaa gacmaha, jilbaha, cagaha, wajiga iyo sanka, waxaanan odhanayaa sujuuddayda dhexdeeda: (Subxaana Rabiyal aclaaa) Nasahnaa Rabbigayga koreeyaa.
Tallaabada 9aad: Waxaan odhanayaa: (Allahu akbar) Eebbaa wayn,wanan ka soo kacayaa sujuudda ilaa dhabarka uu toosnaado, oo ku farariisto lugta bidix taagayana lugta midig, oranayana: (Rabigfirlii) Eebbow, ii dambi dhaaf.
Tallaabada 10: waxaan leeyahay: (Allahu akbar), oo haddana u sujuudi sidii sujuuddii hore oo kale.
TALAABADA 11: Waxaan ka soo kacayaa sujuudda, anigoo leh: (Allahu akbar) ilaa aan toos u istaago, sidaas aan sameeyay rakcadii hore ayaan samaynayaa rakcada kale ee salaada iiga dhimana.
Kadib Rakcada labaad ee salaadaha duhurka, ama Casarka, ama Maqribka iyo cishahaba, waxaan u fadhiisan inaan akhriyo Tashahudka koowaad(Atixiyaadka), oo ah: Atixiyaatu, lillaahi wasalawaatu waddayyibaatu as-salaamu calayka ayuhaa an-nabiyu waraxmatullaahi wabarakaatuhuu, As-salaamu calaynaa wacalaa cibaadillaahi as-saalixiin, Ash-hadu an laa illaaha illallaahu wa ash-hadu ana Muxammed cabduhuu warasuuluhu. Dabadeed waxaan u kici rakcaddii saddexaad.
Rakcada ugu dambaysa ee salaad walba, waxaan u fadhiisan inaan akhriyo tashashudkii(Atixiyaadkii) ugu dambeeya, oo ah: Atixiyaatu, lillaahi wasalawaatu waddayyibaatu as-salaamu calayka ayuhaa an-nabiyu waraxmatullaahi wabarakaatuhuu, As-salaamu calaynaa wacalaa cibaadillaahi as-saalixiin, Ash-hadu an laa illaaha illallaahu wa ash-hadu ana Muxammed cabduhuu warasuuluhu. Allaahuma sali calaa Muxammad wacalaa aali muxammad, kamaa salleeta calaa ibraahiima wacalaa aali ibraahiima innaka xamiidul majiid. Allaahuma baarik calaa muxammad wacalaa aali muxammad, kamaa baarakta calaa ibraahiima wacalaa aali ibraahiima innaka xamiidun majiid.
TALAABADA 12AAD: Intaas ka dib dhinaca midig ayaan ujeedin wajiga anoo dhihi: (as-salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) ka dibna ujeedsan dhinaca bidix anoo dhihi: (as-salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) anigoo niyeesan inaan salaadda ka baxayo(dhameeyo) sidaasna salaaddii baan ku gutay.
XIJAABKA HAWEYNAYDA MUSLIMKA AH:
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Nabiyow ku dheh oo ku amar Haweenkaaga iyo Gabdhahaada iyo Haweenka Mu'miniinta inay korkooda xijaabkooda, sidaasaa ugu dhaw in la aqoonsado oon la dhibine, Ilaahayna waa dambi dhaaf badane Naxariista}. [Suuradda Al-axzaab aayadda 59].
ilaahay wuxuu ku waajibiyey gabadha muslimadda ah inay xijaabato oo ay asturto dhammaan jirkeeda, kana qariso ragga ajnabiga ka ah(muxram ahayn), kuna labisato dharka cadi ahaan laga xirto waddankeeda. Mana u bannaana inay xijaabka iskaga hor saarto marka laga reebo ninkeeda ama maxaarimteeda mooyee, Maxramkaasi oo ah inta aan loo ogolayn inay guursadaan gabadha muslimadda ah waligoodba, waxaan kamida: (Aabaha iyo awoowayaasha, wiilka iyo inta uu sii dhalay, adeerada iyo abtiyaasha iyo walaalka iyo walaalka wiilkiisa,iyo walaasha wiilkeeda, ninka hooyada, aabbaha ninka(sawjka) iyo awowyaashii, iyo wiilka ninka(sawjku) uu dhalay iyo inta uu sii dhalay, walaalka naaska la nuugay iyo ninka qaba haweenayda nuujisay. sidoo kale waxaa xaaraan ah inuu guursado kuwa naaska uu la nuugay sida ay xaaraan u tahay guurka nasabkiisu(inta uuna gayin qaraabadiisa).
Gabadha muslimadda ah ee dharkeeda xidhan waxay dhawrtaa xeerar dhowr ah:
Midda hore: waa inuu wada qariyaa jidhka oo dhan.
Midda labaad: Waa inaysan u xidhan isku qurxin uun.
Saddexaad: Waa inuusan noqon miid jilicsan oo muujinaya jirkeeda.
Ta afaraad: Waa inuu yahay dharka mid waasic ah oon cidhiidhi ahayn, oon muujin wax jidhkeeda ka mid ah.
Shanaad: Waa inuusan ahayn mid barafuun leh, (cadar).
Midda lixaad: waa inuusan u ekaan dharka raga.
Toddobaad: Waa inuusan u ekaan labiska dumarka aan muslimka ahayn gashadaan wakhtiga cibaadadooda iyo ciidahooda.
TILMAAMAHA MUSLIMKA WAXAA KAMIDA:
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: (Mu'miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu(waynayn darteed), marka loo Akhriyo Aayaadkiina ay u kordhiyaan Iimaan, oo Rabbiigood uun tala saarta (kaligii). suurada al-anfaal 2
Waa runloow oo been ma sheego.
Oofiya ballamaha iyo balan-qaadka.
Kuma hadlo wax xun doodiisa.
Wuxuu gutaa amaanada.
Wuxuu la jecel yahay walaalkiis muslimka ah waxa uu naftiisa la jecel yahay.
waa Deeqsi
Dadka ayuu usamafalaa.
raximka ayuu xidhiiriyaa.
Wuxuu ku qanacsan yahay qaddarka Eebbe, wuxuu u mahad naqayaa wakhtiyada barwaaqada, wuxuuna u sabraa waqtiyada dhibaatada.
xishood ayuu ku tilmaamanyahay.
khalqiga ayuu u naxariistaa.
Qalbigiisu waa ka madhan yahay xasadnimo, xubnihiisuna waa ka madhan yihiin gardarrada dadka kale.
dadka ayuu iska cafiyaa.
Ribada ma cuno mana kashaqeesto.
mana zinaysto.
khamrigana ma cabo.
wuxuu u ixsaan sameeyaa dariskiisa.
ma dulmiyo qofna mana dhagro.
waxba maxado mana dhagro.
labadiisa waalid wuu ubaari noqdaa, haba ahaadeen gaalo, wixii wanaag ahna wuu ku adeecaa,
caruurtiisana wuxuu kutarbiyeeyaa wanaag kasta, waajibaatka ayuu faraa, xumaantana iyo xaaraanta wuu kareebaa.
- Kuma dayato ficillada dadka aan muslimka ahayn ee ku sifooba caadooyinkoodadiimeed ee u noqday astaanta iyaga.
Farxaddaydu waxay ku jirtaa diintayda
Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Ciddii camal fasha wanaag oo Raga ama haweena isagoo mu'mina waxaan noolaynaynaa Nolol wanaagsan, waxaana ku abaal marinaynaa Ajirkooda waxa ugu Wanaagsan ee ay falayeen}. [suurada al-naxli: aayda 97].
Waxyaabaha ugu waaweyn ee farxada leh, raynrayn ku soo biiriya qalbiga qofka muslimka ah waxaa ka mid ah xiriirkiisa tooska ah ee Eebihiis uu la leeyay oo aan dhex -dhexaad ka ahayn kuwa nool, kuwa dhintay, ama sanamyada. Eebbe weyne wuxuu kitaabkiisa sharafta leh ku xusay inuu mar walba u dhow yahay addoomihiisa, wuu maqlaa oo waa ka jawaabayaa baryadooda, siduu isaga, subxaanahu watacaalaa yiri: {Hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan}. [suurada Albaqarah, Aayada 186]. ilaahay wuxuu na amray ducadiisa, wuxuuna arrinkan ka dhigay mid ka mid ah cibaadooyinka ugu waaweyn ee qofka muslimka ah uu ugu dhowaado Eebihiis, markuu Eebbe weyne yiri: {Wuxuu yidhi Eebehiin i barya aan idiin ajiibee, (aqbalee)}. [suurada gaafir 60]. Qofka muslimka ah ee xaqa ah mar walba wuxuu u baahan yahay Rabbigiis, mar walba hortiisa ayuu baryaa, oo ugu dhowaadaa cibaadada xaqa ah.
Ilaaha Qaadirka ah wuxuu koonkaan inoogu abuuray xikmad weyn mana uusan noo abuurin si aan micne lahayn; Waa isaga oo kaligiis caabudaya lammaane, wuxuuna noo sharciyeeyay diin rabbaani ah oo dhammaystiran oo nidaamisa dhammaan arrimaha nolosheenna gaarka ah iyo tan guud, sharcigan xaqa ah, wuxuu ilaaliyaa baahiyaha nolosha. Waa diinteenna, nafteenna, sharafteenna, maskaxdeenna, iyo lacagteenna, iyo qof kasta oo ku nool si waafaqsan awaamiirta sharciga ah oo ka fogaada xaaraanta wuxuu dhawray waxyaabahaas daruuriga ah wuxuuna ku noolaa farxad iyo nabad noloshiisa shaki la’aan.
Xidhiidhka qofka muslimka ah Eebihiis waa mid qoto dheer, kaas oo keenaya nabad iyo raaxo nafsiyeed, dareen deggenaansho, nabadgelyo iyo farxad, iyo dareen ah inuu Eebbe maciisa yahay, iyo daryeelka iyo ilaalinta Addoonkiisa. ilaahay wuxuu yiri: {Eeba waa u gargaaraha kuwa rumeeyey xaqa, wuxuuna ka bixiyaa mugdiga Gaalnimada) una bixiyaa Nuurka iimaanka} Suuradda Albaqrah, aayadda: 257.
Xiriirkaan weyn waa xaalad qiiro leh oo u horseedaysa ku raaxaysiga cibaadada Raxmaanka, u hamuun qabta la kulankiisa, oo qalbigiisa uduula samada farxad darteed isagoo la dareemayo macaanka iimaanka.
Macaanka iimaanka ma tilmaami karo qofka dhadhamiyay mooyee isagoo samaynaya daacada ilaahay iyo ka fogaanshaha waxa xun.Waa sababta Nebi Muxammad - naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee - u leeyahay: (Wuxuu dhadhamiyey dhadhanka iimaanka, ruuxii uga raali noqda Ilaahay Rabbi, islaamkana diin, Muxammadna Rasuul).
Haa, haddii qofku dareemo joogitaankiisa joogtada ah ee Abuuraha hortiisa, oo barta Magacyada iyo Sifooyinka ilaahay ee Quruxda badan, u caabuda sidii isagoo arka, daacadna ka ah cibaadadiisa Eebbe, oo Ilaaha Qaadirka ah oo keliya ula qasda, wuxuu ku noolaan doonaa nolol wanaagsan oo farxad leh adduun iyo natiijo wanaagsan aakhiro.
Xataa balaayooyinka ku dhaca mu’minka adduunkan, kulaylkooda waxaa ka saara qabowga hubaal iyo yaqiin, iyo ku qanacsanaanta qaddarka Eebbe, iyo ammaantiisa dhammaan qaddarkiisa, samaan iyo xumaanba, iyo ku qanacsanaanta arintaas si buuxda.
Waxyaabaha qofka muslimka ah ay tahay inuu aad ugu dadaalo si uu u kordhiyo farxadiisa iyo deggenaantiisa waxaa ka mid ah inuu si joogta ah u xuso Eebbe weyne iyo inuu akhriyo Qur’aanka kariimka ah, sida uu Eebbe kor ahaaye yiri: {kuwa rumeeyey Xaqa kuna xasishay Quluubtoodu xuska Eebe, xuska Eebayna ku xasishaa Quluubtu}. [suurada al-racad:28]. Waxyaabaha qofka muslimka ah ay tahay inuu aad ugu dadaalo si uu u kordhiyo farxadiisa iyo deggenaantiisa waxaa ka mid ah inuu si joogta ah u xuso Eebbe weyne iyo inuu akhriyo Qur’aanka kariimka, waxaa ziyaada calaaqa rabigiisa, naftiisana daahirta, iimaankiisa xoogaysto, sida uu Eebbe kor ahaaye yiri:
Sidoo kale, qofka muslimka ah waa inuu aad u jeclaa inuu diintiisa ka barto ilaha saxda ah si uu ugu caabudo Ilaaha Qaadirka ah isagoo cilmi uleh, Nabigu - naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee - wuxuu yidhi: (Barashada cilmigu waa waajib saaran qof kasta oo muslim ah). Iyo in loo hoggaansamo oo loo hoggaansamo awaamiirta Eebbaha Qaadirka ah ee abuuray isaga, waa isku mid xikmada ha ogaado ama maya, waayo Eebbe weyne wuxuu ku yiri kitaabkiisa sharafta leh: {kuma haboona (umana banaana) nin Mu'min ah iyo Haweenay Mu'minad ah Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid Cad}. [suurada al-axzaab 36].
ilaahay ha amaano nabi muxamed scw iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa oo dhan.
way dhamaystirantay risaaladan
Tusmada Mowduucyada
Tirada
Mowduuca
Bogga/Xaashida
dib umilicsigiisa bogga-sare
i tus tusmada mowduucyada
nala wadaag khibradda aad kitaabka ka heshay
soo booqo mareegaha internetka
kitaab lagu isticmaali karo mobile ka
guji oo riix sidaad ugu gudubto mowduuca
guji suurada sidaad ugu laabato jildiga hore
ka gal baarkoodka (Barcode)
barogiraamka Pawor Point, ee bandhigyada loo adeegsado
Alaabooyinka/waxsoosaarka Mashruuca
Buug la daabbacay
kitaab lagu isticmaali karo mobile ka
mareegaha interneet
barogiraamka Pawor Point, ee bandhigyada loo adeegsado
Nuqul loogu talagalay moobeelada casriga