18 : 35
وَدَخَلَ جَنَّتَهُۥ وَهُوَ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ قَالَ مَآ أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِۦٓ أَبَدٗا
Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa . Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed.
Explanation & meanings · 1
- Isagoo isla weyn ka abaal dhacsan Alle. Wuxuu khayrka iyo barwaaqada uu heysto u nisbeeyey naftiisa halkii Alle, wuxuuna dafiray inay jirto Aakhiro.