Skip to content
Liiska Suuradaha /

مَريَم

مَريَم is chapter 19 of the Quran and has 98 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

98 Aayadaha Lambarka Suuradda 19
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

كٓهيعٓصٓ

Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.

ذِكۡرُ رَحۡمَتِ رَبِّكَ عَبۡدَهُۥ زَكَرِيَّآ

(Kani waa) xusid Naxariista Rabbigaa (u naxariistay) addoonkiisii Zakariya.

إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيّٗا

Markuu u dhawaaqay Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (oo Alle bari ah).

قَالَ رَبِّ إِنِّي وَهَنَ ٱلۡعَظۡمُ مِنِّي وَٱشۡتَعَلَ ٱلرَّأۡسُ شَيۡبٗا وَلَمۡ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيّٗا

Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, anigu way daciifeen lafahaygii filweyni darteed, madaxeyguna wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, mana ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiyow mid ku hungooba.

وَإِنِّي خِفۡتُ ٱلۡمَوَٰلِيَ مِن وَرَآءِي وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا فَهَبۡ لِي مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا

Waxaana u cabsan xigtada iga dambeysa (inay xumaadaan), marwadeyduna waa ma dhaleys. Ee iga sii Xaggaaga wali 'walad' .

Explanation & meanings · 2
  1. Qaraabada dhinaca aabbaha ah
  2. Si uu u dhaxlo xilka diinta, cilmiga, iyo hoggaaminta reer Israa’iil.