Skip to content
الكَهف /

Aayad 24

18 : 24
الكَهف Aayadaha 110
Suurad · الكَهف
Soomaaliga · Yacob
18 : 24

إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ وَٱذۡكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَهۡدِيَنِ رَبِّي لِأَقۡرَبَ مِنۡ هَٰذَا رَشَدٗا

(adigoo aan raacin) inshaa Allaah 'Hadduu Alle idmo' . Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.

Explanation & meanings · 1
  1. Waxaa soo arooray inay qaar ka mid ah Yuhuudda ay su’aaleen Nabiga s.c.w. ruuxda iyo qisadii asxbaaul Kahaf iyo Dul Qarnayn. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ii kaalaya berrito anigaa idin sheegiye, mana odhan inshaa Allaah. Laakiinse waxyi kuma soo degin maalintii xigtay oo Nabigu s.c.w. uma uusan jawaabin? Kaddib waxaa soo degay Aayadaha 23- 24 ee la xidhiidha arrinkaas waxaana halkaa darsin lagu siiyey Nabiga s.c.w. wuxuu Alle kaga digay inuu ilaabo inuu yidhaahdo Inshaa Allaah markaas oo kale, waana u dersin sidoo kale ummaddiisa.