Waa maxay ka marag kaca in Muxammad yahay Rasuulka Alle?
- الباب / الفصل
- قسم العقيدة
السؤال
س6: ما معنى شهادة أنَّ محمدًا رسول الله؟
S6: Waa maxay ka marag kaca in Muxammad yahay Rasuulka Alle?
الجواب
ج:معناها: أن الله أرسله للعالمين بشيرًا ونذيرًا.
- ويجب:
- طاعته فيما أمر.
- تصديقه فيما أخبر.
- عدم معصيته.
- لا يعبد الله إلا بما شرع، وهو الاقتداء بالسنة وترك البدعة.
قال تَعَالَى:
﴿مَّن يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدۡ أَطَاعَ ٱللَّهَۖ﴾
[النساء: 80]،
وقال سُبْحَانَهُ:
﴿وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ 3
إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ 4﴾
[النجم: 3-4].
وقال جَلَّ وَعَلَا:
﴿لَّقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِي رَسُولِ ٱللَّهِ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَذَكَرَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا﴾
[الأحزاب: 21].
J: Macnaheedu waxaa weeye in Alle u soo diray dadka iyo jinka bishaareeye iyo dige ahaan.
Waxaana waajib ah:
- In lagu addeeco wuxuu amro.
- In la rumeysto wuxuu sheegay.
- Inaan lagu caasiyoobin (laga hor imaan).
- Inaan Alle lagu caabudin waxaan aheyn wuxuu sharciyeeyey, waana in la raaco Sunnada oo laga tago bidcada.
Alle wuxuu yidhi:
"Qofkii addeeca (hoggaansama) Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Addeecay Allaah".
[Suuradda An-Nisaa: 80].
- Wuxuu kaloo yidhi Alle, Isagaa xumaan ka hufane:
"Ma ku hadlo (Nabigu) hawadiisa (waxay naftiisu doonto)" 3
"Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday" 4
[Suuradda An-Najam: 3,4],
Wuxuu kaloo Alle yidhi:
"Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan oo uu raaco qof kastoo danaynaya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan".
[Suuradda Al-Axzaab:21].