Skip to content
Liiska Suuradaha /

الصَّافَات

الصَّافَات is chapter 37 of the Quran and has 182 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

182 Aayadaha Lambarka Suuradda 37
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفّٗا

Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman.

فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا

Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.

فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا

Iyo (malaa’igta) akhriya "Qur’aanka' .

Explanation & meanings · 1
  1. Alle s.w.t. wuxuu ku dhaartay malaa’igtaa, wuxuuna ku dhaartay xaqiiqda lagu xusay Aayadda xigta.

إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ

Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).

رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ

Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada .

Explanation & meanings · 1
  1. Xagal kasta ama meelaha ay ka soo baxdo qorraxda.