Waa sidee edebta lagula dhaqmayo waalidiinta?
- الباب / الفصل
- قسم الآداب الإسلامية
السؤال
س3: كيف يكون الأدب مع الوالدين؟
S3: Waa sidee edebta lagula dhaqmayo waalidiinta?
الجواب
ج:1. طاعة الوالدين في غير معصية.
- خدمة الوالدين.
- مساعدة الوالدين.
- قضاء حوائج الوالدين.
- الدعاء للوالدين.
- التأدب معهم في القول؛ فلا يجوز قول: "أف"، وهي أقل الأقوال.
- الابتسام في وجه الوالدين ولا أعبس.
- لا أرفع صوتي فوق صوت الوالدين، وأصغي إليهما، ولا أقاطعهما بالكلام، ولا أناديهما باسمهما، بل أقول: " أبي"، "أمي".
- أستأذن قبل الدخول على أبي وأمي وهما في الغرفة.
- تقبيل يد ورأس الوالدين.
- قال تعالى:
﴿۞ وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّآ إِيَّاهُ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنًاۚ إِمَّا يَبۡلُغَنَّ عِندَكَ ٱلۡكِبَرَ أَحَدُهُمَآ أَوۡ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَآ أُفّٖ وَلَا تَنۡهَرۡهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوۡلٗا كَرِيمٗا٢٣
وَٱخۡفِضۡ لَهُمَا جَنَاحَ ٱلذُّلِّ مِنَ ٱلرَّحۡمَةِ وَقُل رَّبِّ ٱرۡحَمۡهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرٗا﴾
[الإسراء: ٢٣-٢٤].
- وفي الحديث جاء رجل إلى النبي صلى الله عليه وسلم يستأذنه في الجهاد، فقال:
«ألك والدان؟» قال نعم. قال: «ففيهما فجاهد»
رواه الترمذي.
J: 1. In lagu addeeco waalidka waxaan aheyn macsi.
- U adeegga labada waalid.
- U kaalmeynta waalidka.
- U qabashada danaha waalidka iyo waxay u baahan yihiin.
- U duceynta waalidka.
- Inaad kula hadasho hadal edeb leh oo ma bannaana inaad tidhaahdo: "uf" oo ah waxa ugu yar ee lagu hadlo.
- Inaad u muusooto oo u dhoolla caddeyso labada waalid oo aadan wejiga kaduudin.
- Waa inaanan codkeyga ka kor marin codka waalidka oo ku qeylin oo si fiican u dhageysto, oo iyagoo hadlaya ka kala goyn hadalka, waana inaan ugu yeedhin magacyadooda balse aan idhaahdo "Aabbo" " Hooyo".
- Waa inaan oggolaansho iyo idan weydiisto intaanan u gelin aabbahay iyo hooyaday iyagoo ku jira qolka.
- Dhunkashada gacanta iyo madaxa waalidka.
Alle wuxuu yidhi:
(Wuxuu go'aanshey Rabbigaa ineydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo inaad u sama fashaan labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darra ah haba ahaatee “uf”, hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.
U raarici (waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyoow Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar.
[Suurada Al-israa: 57].
Waxaana ku soo arooray xadiis nin baa u yimid Nabiga -sallallaahu calayhi wasallam- isagoo weydiisanaya in loo oggolaado ka qeyb galka jihaadka, markaasuu Nabigu -sallallaahu calayhi wasallam yidhi: (
"Ma nool yihiin labadaadii waalid? Wuxuu ninkii yidhi: Haa. Nabigu -sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: iyaga dadaal ku bixi oo u adeeg oo qabo danahooda oo diyaar ku ahow agtooda si aad ugu adeegto.
Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.