Waa sidee edebta/aadaabta la doonayo inaad kula dhaqanto Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam.?
- الباب / الفصل
- قسم الآداب الإسلامية
السؤال
س2: كيف يكون الأدب مع الرسول صلى الله عليه وسلم؟
S2: Waa sidee edebta/aadaabta la doonayo inaad kula dhaqanto Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam.?
الجواب
ج:1. اتباعه والاقتداء به.
قال تعالى:
﴿لَّقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِي رَسُولِ ٱللَّهِ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَذَكَرَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا﴾
[الأحزاب: ٢١].
- طاعته.
- ترك معصيته.
﴿مَّن يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدۡ أَطَاعَ ٱللَّهَۖ وَمَن تَوَلَّىٰ فَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظٗا﴾
[النساء: ٨٠].
- تصديقه فيما أخبر.
﴿وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ٣
إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ﴾
[النجم: ٣-٤].
- عدم الابتداع في الزيادة على سنته.
قال عليه الصلاة والسلام:
«من أحدث في أمرنا هذا ما ليس فيه فهو رد»
متفق عليه.
- محبته أكثر من النفس ومن كل الناس.
«لا يؤمن أحدكم حتى أكون أحب إليه من والده وولده، والناس أجمعين»
- تعظيمه ونصرته ونصرة سنته.
قال سبحانه:
﴿لِّتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُۚ ﴾
[الفتح: ٩].
Jawaab: Waa inaad raacdo oo ku dayato.
Alle wuxuu yidhi:
"Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan oo uu raaco qof kastoo danaynaya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan".
[Suuradda Al-Axzaab:21].
- In la Addeeco (loo hoggaansanaado).
- Inaan lagu caasiyin.
(Qofkii addeeca Rasuulka, wuxuu Addeecay Allaah, qofkii (Xaqa ka) jeestase, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye inaad ka ahaato (dadka) dushooda (annaga noo daa kuwa ku diida).
[Suuradda An-Nisaa: 80].
- In la rumeysto wuxuu sheegay.
"Ma ku hadlo (Nabigu) hawadiisa (waxay naftiisu doonto)" 3
"Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday" 4
[Suuradda An-Najam: 3,4],
- Waa inaadan ku soo darin sunnadiisa wax aan ka mid aheyn oo cusub.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:
"Qofkii amarkayagan (diinta Ilaahay) ku soo dara wax aan ka mid aheyn isagaa lagu celineyaa oo laga oggolaan maayo.”
Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Waa inaad u jeclaato si ka badan naftaada iyo dadka oo dhan.
"Midkiin ma rumeyn Alle jeer uu i jeclaado in ka badan waalidki, ilmahiisa, iyo dadkoo dhammi".
- Waa inaad weyneyso oo u gargaarto una gargaartid Sunnadiisa.
Alle xumaan ka hufane wuxuu yidhi:
(Si aad (dadoow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmaysaan).
[Suuradda Al-Fatax: 29].