وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.
الطَّارق is chapter 86 of the Quran and has 17 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.
وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?
ٱلنَّجۡمُ ٱلثَّاقِبُ
Waa xiddiggaa iftiinka badan.
إِن كُلُّ نَفۡسٖ لَّمَّا عَلَيۡهَا حَافِظٞ
Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag).
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ
Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray.
خُلِقَ مِن مَّآءٖ دَافِقٖ
Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.
يَخۡرُجُ مِنۢ بَيۡنِ ٱلصُّلۡبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجۡعِهِۦ لَقَادِرٞ
Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).
يَوۡمَ تُبۡلَى ٱلسَّرَآئِرُ
Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٖ وَلَا نَاصِرٖ
Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ
Waxaan ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.
وَٱلۡأَرۡضِ ذَاتِ ٱلصَّدۡعِ
Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),
إِنَّهُۥ لَقَوۡلٞ فَصۡلٞ
Xaqiiq, kani (Qur'aanku) waa hadal cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).
وَمَا هُوَ بِٱلۡهَزۡلِ
Oo ma aha dhayal (dheel).
إِنَّهُمۡ يَكِيدُونَ كَيۡدٗا
Xaqiiq (gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.