Skip to content
Liiska Suuradaha /

النَّجم

النَّجم is chapter 53 of the Quran and has 62 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

62 Aayadaha Lambarka Suuradda 53
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ

Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.

مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ

Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.

وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ

Ma ku hadlo hawadiisa.

إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ

Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.

عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ

Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.