Skip to content
Liiska Suuradaha /

الطُّور

الطُّور is chapter 52 of the Quran and has 49 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

49 Aayadaha Lambarka Suuradda 52
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلطُّورِ

Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' .

Explanation & meanings · 1
  1. Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.

وَكِتَٰبٖ مَّسۡطُورٖ

Iyo Kitaab qoran .

Explanation & meanings · 1
  1. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka.

فِي رَقّٖ مَّنشُورٖ

Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan.

وَٱلۡبَيۡتِ ٱلۡمَعۡمُورِ

Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto .

Explanation & meanings · 1
  1. Waa Beytka Alle ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.

وَٱلسَّقۡفِ ٱلۡمَرۡفُوعِ

Iyo saqafka la kor yeelay (samada).