Skip to content
المَائدة /

Aayad 48

5 : 48

Aayad 48 of المَائدة (5 : 48). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

المَائدة Aayadaha 120
Suurad · المَائدة
Soomaaliga · Yacob
5 : 48

وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَمُهَيۡمِنًا عَلَيۡهِۖ فَٱحۡكُم بَيۡنَهُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُۖ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَهُمۡ عَمَّا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ لِكُلّٖ جَعَلۡنَا مِنكُمۡ شِرۡعَةٗ وَمِنۡهَاجٗاۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَلَٰكِن لِّيَبۡلُوَكُمۡ فِي مَآ ءَاتَىٰكُمۡۖ فَٱسۡتَبِقُواْ ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ

Waxaana kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) oo Xaq ah isagoo rumeyn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey, hana raacin hawadooda adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay sharci iyo waddo (cad ee diinta). Hadduu doono Alle, wuxuu idin ka yeeli lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, waase si uu idiinku imtixaano wuxuu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi waxaad isku khilaafsaneydeen.