Skip to content

Waa maxay macnaha tiirarka Iimaanku?

الباب / الفصل
قسم العقيدة

السؤال

س15: ما معنى أركان الإيمان؟

S15: Waa maxay macnaha tiirarka Iimaanku?

الجواب

ج:الإيمان بالله تَعَالَى:

أن تؤمن بأن الله هو الذي خلقك ورزقك، وهو المالك والمدبر وحده للمخلوقات.

وهو المعبود، لا معبود بحقٍّ سواه. الذي له الخلق والأمر، والحكم والتشريع وحده لا شريك له.

وأنه العظيم الكبير الكامل الذي له الحمد كله، وله الأسماء الحسنى والصفات العُلى، ليس له ند، ولا يشبهه شيء سُبْحَانَهُ.

الإيمان بالملائكة:

وهي مخلوقات خلقها الله من نور، لعبادته وللانقياد التام لأمره.

  • قال تعالى:

﴿بَلۡ عِبَاد مُّكۡرَمُونَ *

لَا يَسۡبِقُونَهُۥ بِٱلۡقَوۡلِ وَهُم بِأَمۡرِهِۦ يَعۡمَلُونَ﴾

[الأنبياء: ٢٦-٢٧].

  • وقال عليه الصلاة والسلام:

«خُلِقَتِ الْمَلَائِكَةُ مِنْ نُورٍ»

رواه مسلم.

  • ومنهم جبريل عَلَيْهِ السَّلَامُ الذي ينزل بالوحي على الأنبياء.

قال تعالى:

﴿وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ *

نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ *

عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ *

بِلِسَانٍ عَرَبِيّٖ مُّبِينٖ﴾

[الشعراء: ١٩٢-١٩٥].

الإيمان بالكتب:

وهي الكتب التي أنزلها الله على رسله.

  • كالقرآن: على محمد صلى الله عليه وسلم.
  • الإنجيل: على عيسى عَلَيْهِ السَّلَامُ.
  • التوراة: على موسى عَلَيْهِ السَّلَامُ.
  • الزبور: على داود عَلَيْهِ السَّلَامُ.
  • صحف إبراهيم وموسى: على إبراهيم وموسى عليهما السلام.

الإيمان بالرسل:

وهم من أرسلهم الله إلى عباده ليعلموهم، ويبشروهم بالخير والجنة، وينذروهم عن الشر والنار.

وأفضلهم: أولو العزم، وهم:

  • نوح عَلَيْهِ السَّلَامُ.
  • إبراهيم عَلَيْهِ السَّلَامُ.
  • موسى عَلَيْهِ السَّلَامُ.
  • عيسى عَلَيْهِ السَّلَامُ.
  • محمد صلى الله عليه وسلم.

الإيمان باليوم الآخر:

وهو ما بعد الموت في القبر، ويوم القيامة، ويوم البعث والحساب، حيث يستقر أهل الجنة في منازلهم وأهل النار في منازلهم.

﴿كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوۡنَ أُجُورَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۖ فَمَن زُحۡزِحَ عَنِ ٱلنَّارِ وَأُدۡخِلَ ٱلۡجَنَّةَ فَقَدۡ فَازَۗ وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا مَتَٰعُ ٱلۡغُرُورِ﴾

[آلِ عِمۡرَانَ: ١٨٥].

الإيمان بالقدر خيره وشره:

  • القدر: هو الاعتقاد بأن الله يعلم كل شيء يقع في الكون، وأنه كتب ذلك في اللوح المحفوظ، وشاء وجوده وخلقه.

قال تَعَالَى:

﴿إِنَّا كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَٰهُ بِقَدَرٖ﴾

[القمر: ٤٩].

  • وهو على أربع مراتب:

الأولى: علم الله تَعَالَى، ومن ذلك علمه المسبق لكل شيء، قبل وقوع الأشياء وبعد وقوعها.

دليلها: قوله تَعَالَى:

﴿إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ ٱلۡغَيۡثَ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلۡأَرۡحَامِۖ وَمَا تَدۡرِي نَفۡسٞ مَّاذَا تَكۡسِبُ غَدٗاۖ وَمَا تَدۡرِي نَفۡسُۢ بِأَيِّ أَرۡضٖ تَمُوتُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرُۢ﴾

[لقمان: 34].

الثانية: أن الله كتب ذلك في اللوح المحفوظ، فكل شيء وقع وسيقع فهو مكتوب عنده في كتاب.

﴿۞ وَعِندَهُۥ مَفَاتِحُ ٱلۡغَيۡبِ لَا يَعۡلَمُهَآ إِلَّا هُوَۚ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۚ وَمَا تَسۡقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعۡلَمُهَا وَلَا حَبَّةٖ فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡأَرۡضِ وَلَا رَطۡبٖ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ﴾

[الأنعام: 59].

الثالثة: وهو أن كل شيء يقع بمشيئة الله ولا يقع شيء منه أو من خلقه إلا بمشيئته تَعَالَى.

والعبد له اختيار وله إرادة وله مشيئة، لكن هذه الإرادة وهذه المشيئة لا تقع إلا بعد مشيئة الله سبحانه وتعالى.

﴿لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ 28

وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ 29﴾

[التكوير: 28 - 29].

الرابعة: الإيمان أن جميع الكائنات مخلوقة خلقها الله، وخلق ذواتها وصفاتها وحركاتها، وكل شيء فيها.

﴿وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ﴾

[الصافات: 96].

J: Rumeynta Alle kor ahaaye:

Waa inaad rumeyso inuu Alle ku abuuray oo ku arsaaqo (ku quudiyo), waana Isaga Kan iska leh ee maamula Keligii uunkiisa uu abuuray dhammaantood.

Waana la caabudaha, ma jiro mid xaq lagu caabudo oo aan Isaga aheyn, Isagaa leh uunka dhammaan iyo amarkaba iyo xukunka iyo sharci dejinta Keligii mana leh shariig iyo cid wax la wadaagta.

Waana Sharaflaha Weyn dhammeystiran oo leh ammaan iyo mahad naq oo dhan, wuxuu leeyahay Magacyada wanaagsan ee Quruxda badan iyo Tilmaamaha sare, ma jiraan wax la mid ah oo u dhigma, mana jiro wax uu u eg yahay Isagaa Alle nusqaan ka hufane.

Rumeynta malaa’igta:

Waana kuwo uu Alle ka abuuray nuur, wuxuu u abuuray iney caabudaan oo u hoggaan samaan si dhan Amarkiisa.

Alle wuxuu yidhi:

"Waase addoomo (malaa’igta) la sharfay

Kagama hormaraan hadal, iyaguna amarkiisa uun bay ku camal falaan".

[Al-Anbiyaa (26-27].

  • Nabigu sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:

"Waxaa laga abuuray malaa’igta nuur"

Waxaa soo weriyey Muslim.

  • Waxaa ka mid ah malaa'igta Jibriil oo ku soo dejiya Waxyiga anbiyada kaddib amarka Alle.

"Qur’aankani waa Waxyi ka soo degay xagga (Alle) Rabbiga uumanka oo dhan abuuray".

Waxaa ku soo dejiyey Qur'aanka kaddib amar Alle Ruuxul-amiin (Jibriil),

Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto digayaasha "Rususha Alle".

Waana af Carabi faseex ah "Qur’aanka".

[Ash-Shucuraa (192-195].

Rumeynta Kutubta Alle:

Waana Kutubta uu Alle ku soo dejiyey Rusushiisa.

  • Sida Qur’aanka lagu soo dejiyey Nabi Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.
  • Injiil oo lagu soo dejiyey Nabi Ciise calayhi salaam.
  • Towraadda oo lagu soo dejiyey Nabi Muuse calayhi salaam.
  • Az-Zabuur oo lagu soo dejiyey Nabi Daawuud calayhi salaam.
  • Suxuftii Ibraahiim iyo Muuse: ee lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Muuse calayhima-salaam.

Rumeynta Rususha Alle:

Waa kuwa uu Alle u soo diray addoomahiisa si ay wax u baraan, oo ugu bishaareeyaan khayrka iyo Jannada oo uga digaan sharka iyo Naarta.

Waxaana ugu fadli badan: kuwa leh go’aanka adag (ulul-cazmi) waana kuwan:

  • Nuux calayhi salaam.
  • Ibraahiim calayhi salaam.
  • Muuse calayhi salaam.
  • Ciise calayhi salaam.
  • Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.

Rumeynta Maalinta Aakhiro:

Waa geerida kaddib qabriga gudihiisa, Maalinta Qiyaamada, Maalinta iska soo bixinta qubuuraha iyo Xisaabta Aakhiro iyo u kala garsoorka dadka markaasay ku sugnaan kuwo hoygoodu yahay Jannada meesha ku habboon deegaankooda, kuwa hoygoodu yahay Naartuna u hoyan Naarta.

"Naf walba waxay dhadhamin dhimashada, waxaa la idiin dhammeystiri ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Mana aha nolosha adduunku waxaan aheyn raaxo lagu dagmo".

[Suuradda Aala-Cimraan:185].

Rumeynta Qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisaba:

  • Qaddarku: Waa rumeynta inuu Alle og yahay wax kastoo ka dhaca caalamka, wuxuuna ku qoray wax walboo dhici Looxa Maxfuudka, Isagaana doonay jirtaankooda oo abuuray.

"Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar (billowgiisa iyo dhammaadkiisa ayaan go'aaminnay)".

[Suuradda Al-Qamar: 9].

  • Waana afar heer:

Midka hore: Cilmiga Alle kor ahaaye, waxaana ka mid ah Ogaanshahiisa hore ee wax walba, ka hor intayna dhicin iyo kaddib dhiciddooda.

Waxaa u daliil ah: Qowlka Alle Kor ahaaye:

"Alle Keliya ayaa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame dhaceyso), oo soo dejiya roobka, wuxuu Og yahay waxa ku jira ilma galeennada. Nafina ma oga waxay mudan berri, nafina ma oga dhulkee bey ku dhiman. Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah".

[Suuradda Luqmaan: 34].

Midda labaad: In Alle ku qoray arrinkaasi Looxa Maxfuudka, wax kastoo dhacay ama dhici doona waxay ku qoran yihiin agtiisa Kitaab.

"Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khasnadaha qarsoon, ma jirto cid ogsoon oo aan Isaga aheyn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo badda; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin (midho) taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka)".

[Suuradda Al-Ancaam: 18].

Midda seddexaad: oo ah in wax waliba ay ku dhacaan Doonista Alle, waxbana kama dhacaan ama kuwa uu abuuray kama dhacaan illaa waxay ku dhacaan Doonistiisa.

Qofkuna wuxuu leeyahay doorasho iyo rabitaan iyo doonis, laakiinse rabitaankan iyo doonistan ma dhacaan inuu Alle doono ma’ahee.

"Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).

Oo waxna ma dooni kartaan aan ahayn wuxuu Alle doono mooyee, Rabbiga caalamka".

[Suuradda At-Takwiir: 28, 29].

Midda afraad: Rumaynta in waxa caalamka jira oo idil abuurane yihiin. Waxaa abuuray Alle, oo abuuray nafahooda iyo tilmaamahooda iyo dhaqdhaqaaqooda iyo wax kastoo ku sugan uunka.

"Allaah baa idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba".

[Suuradda As-Saaffaat: 96].