"Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun
Abii Saciid Alkhudr Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun u raacaysaan dariiqii ay jideeyeen kuwii idinka horeeyey, xataa haday galaan god abeeso lugaley waad raacaysaan" waxaan ku niri: Rasuulka Ilaahayow ma yuhuud iyo nasaaraad u jeedaa? wuxuu yiri: " yaa kale?".
«لَتَتَّبِعُنَّ سَنَنَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ، شِبْرًا بِشِبْرٍ، وَذِرَاعًا بِذِرَاعٍ، حَتَّى لَوْ دَخَلُوا فِي جُحْرِ ضَبٍّ لَاتَّبَعْتُمُوهُمْ» قُلْنَا: يَا رَسُولَ اللهِ آلْيَهُودَ وَالنَّصَارَى؟ قَالَ: «فَمَنْ؟».
Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay sida uu noqondoono xaalaka ummaddisa qaar ka mida waqtiga uu joogo ka dib, taaso ah inay ku raacidoonaan Yuhuuda iyo Nasaarada caqiidadooda, camalkooda, caadadooda iyo dhaqankooda raacid aad u daran oo taako taako iyo dhudhun dhudhun ah, xataa hadii ay galaan god abeeso lugaley ay ka daba galayaan.
قال فمن؟: استفهامٌ إنكاريٌّ أي: فمن هم غيرُ أولئك.
Waa astaan ka mid ah astaamihii Nabinimada Nabiga scw, isagoo sii sheegay arinkaasi intuuna dhicin, wuxuuna u dhacay sidii uu sheegay.
Waxaa la reebay in muslimiintu isku ekaysiiyaan gaalada, waa isku mid haday uga ekaadaan xaga caqiidadooda, ama cibaadadooda ama ciidahooda, ama dharkooda u gaarka ah.
waxyaabaha macnawiga ah in lagu cadeeyo tusaale la taaban karo waxay ka mid tahay usluubka Islaamku dadka wax ku baro.
Abeeso lugaley: waa xayawaan godkiisu aad mugdi u yahay oo qarmuun, waana xamaaratada saxaraha ku badan, sababta tusaalaha loogu gaar yeelay godka abeeso lugaleyda waa inuu aad ciriiri u yahay iyo xumaantiisa, sidaasoo ay tahay siday raadkooda ugu dayanayaan oo dariiqooda u raacayaan hadii ay galaan wax la mida godkaas ciriiriga ah oo xun way ku raacayaan! Ilaahay ayaa kaalmo lehe.
Saxiix AlBukhaari. (9/ 103) (7320).
Saxiix Muslim. (4/ 2054) (2669).
Siyaadin (4)
الجديد في شرح كتاب التوحيد.
لمحمد القرعاوي (ص213).
الملخص في شرح كتاب التوحيد.
لصالح الفوزان (ص193).