Skip to content
Liiska Suuradaha /

الذَّاريَات

الذَّاريَات is chapter 51 of the Quran and has 60 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

60 Aayadaha Lambarka Suuradda 51
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلذَّٰرِيَٰتِ ذَرۡوٗا

Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya .

Explanation & meanings · 1
  1. Ad-Daariyaat: Dabeylaha boorka kiciya.

فَٱلۡحَٰمِلَٰتِ وِقۡرٗا

Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).

فَٱلۡجَٰرِيَٰتِ يُسۡرٗا

Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).

فَٱلۡمُقَسِّمَٰتِ أَمۡرًا

Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.

إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٞ

(Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) xaqiiq waa run.