Skip to content
Liiska Suuradaha /

قٓ

قٓ is chapter 50 of the Quran and has 45 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

45 Aayadaha Lambarka Suuradda 50
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

قٓۚ وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡمَجِيدِ

Qaaf ; Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan .

Explanation & meanings · 2
  1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
  2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 38: 1

بَلۡ عَجِبُوٓاْ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٞ مِّنۡهُمۡ فَقَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا شَيۡءٌ عَجِيبٌ

Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Gaaladu waxay yidhaahdeen: Kanu waa wax la yaab leh.

أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗاۖ ذَٰلِكَ رَجۡعُۢ بَعِيدٞ

Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro (miyaa na la soo nooleyn)? (arrin)kaasu waa soo Noqosho Fog.

قَدۡ عَلِمۡنَا مَا تَنقُصُ ٱلۡأَرۡضُ مِنۡهُمۡۖ وَعِندَنَا كِتَٰبٌ حَفِيظُۢ

Waxaan ognahay wuxuu dhulku ka dhimo (jidhkooda). Agtannadana waxaa yaal Kitaab wax walba kooba oo xafidan (Looxa Maxfuudka).

بَلۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَهُمۡ فِيٓ أَمۡرٖ مَّرِيجٍ

Waxayse beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxayna (gaaladu) ku sugan yihiin xaalad murugsan.