Skip to content
Liiska Suuradaha /

القِيَامة

القِيَامة is chapter 75 of the Quran and has 40 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

40 Aayadaha Lambarka Suuradda 75
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ

Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.

وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ

Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda 'in la idin soo bixin Aakhirada'.

Explanation & meanings · 1
  1. Waa mu’minka, ee is canaanta markuu ku dhaco denbi ama gef oo ka xumaada.

أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ

Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?

بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ

Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.

بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ

Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya 'ee sugaya' .

Explanation & meanings · 1
  1. Macnaha waa inuu denbi isaga sii socdo. Waxaana loola jeedaa qofka gaalka ah ee beeniya maalinta xisaabta ee iska wata shirkiga iyo macaasidiisa.