Skip to content
Liiska Suuradaha /

الإنسَان

الإنسَان is chapter 76 of the Quran and has 31 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

31 Aayadaha Lambarka Suuradda 76
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

هَلۡ أَتَىٰ عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ حِينٞ مِّنَ ٱلدَّهۡرِ لَمۡ يَكُن شَيۡـٔٗا مَّذۡكُورًا

Waxaa Aadmiga soo maray waqti wax la sheego uusan aheyn (uusan jirinba).

إِنَّا خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن نُّطۡفَةٍ أَمۡشَاجٖ نَّبۡتَلِيهِ فَجَعَلۡنَٰهُ سَمِيعَۢا بَصِيرًا

Waxaanu xaqiiq ka abuurnay Aadmiga dhibic mani ah isku dhafanta , si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.

Explanation & meanings · 1
  1. Isku dhaf biyaha ninka iyo haweenta ee gala riximka haweenta.

إِنَّا هَدَيۡنَٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرٗا وَإِمَّا كَفُورًا

Waxaanu xaqiiq tusnay jidka ama waa mid mahad naqa ama mid abaal dhac badan (gaal ah).

إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ سَلَٰسِلَاْ وَأَغۡلَٰلٗا وَسَعِيرًا

Waxaanu xaqiiq u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal, iyo dab huraya.

إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ يَشۡرَبُونَ مِن كَأۡسٖ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا

Hubaal, kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur.