Skip to content
Liiska Suuradaha /

الأحزَاب

الأحزَاب is chapter 33 of the Quran and has 73 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

73 Aayadaha Lambarka Suuradda 33
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا

Nabiyow! Ku sugnow ka cabsashada Alle (iyo caabuddidi), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan.

وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا

Raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا

Oo talo saaro Alle, Alle ku Filan wakiil (taliye) ahaan.

مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٖ مِّن قَلۡبَيۡنِ فِي جَوۡفِهِۦۚ وَمَا جَعَلَ أَزۡوَٰجَكُمُ ٱلَّٰٓـِٔي تُظَٰهِرُونَ مِنۡهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمۡۚ وَمَا جَعَلَ أَدۡعِيَآءَكُمۡ أَبۡنَآءَكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ قَوۡلُكُم بِأَفۡوَٰهِكُمۡۖ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلۡحَقَّ وَهُوَ يَهۡدِي ٱلسَّبِيلَ

Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale , kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen . Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Alle wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).

Explanation & meanings · 2
  1. Waa ninka oo ku yidhaahda xaaskiisa waxaad iga tahay hooyaday oo kale, waxayna sidaas xaaska kaga noqoneysey ninkeeda xaaraan abadki. Waxaase lagu nasakhay Islaamka, waxayna xaaska u noqon xalaal kaddib markuu baxsho kafaaro gudka lagu xusay Suuradda 58: Aayadaha 3-4.
  2. Carruurta aad idinka koriseen oo dar yeesheen. Mowla waa addoonka la xoreeyey ama uu abbaankiisa ka dhigtay wiil uu dhalay ahaan, sida Saalim, wuxuu ka dhigtay Xudayfa wiilkiisa oo kale, waxaana loo yiqiin mowlaa Xudeyfa.

ٱدۡعُوهُمۡ لِأٓبَآئِهِمۡ هُوَ أَقۡسَطُ عِندَ ٱللَّهِۚ فَإِن لَّمۡ تَعۡلَمُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمۡۚ وَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٞ فِيمَآ أَخۡطَأۡتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتۡ قُلُوبُكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا

Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu . Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Explanation & meanings · 1
  1. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu ummaddan ka saamaxay wixii uga dhaca gef aan ula kac ahayn, hilmaanka, iyo wixii lagu qasbo.”