Skip to content
Liiska Suuradaha /

سَبإ

سَبإ is chapter 34 of the Quran and has 54 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

54 Aayadaha Lambarka Suuradda 34
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ

Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Isagaana (sidoo kale) mudan ammaan oo idil iyo mahad Aakhirada, Waana Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah.

يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۚ وَهُوَ ٱلرَّحِيمُ ٱلۡغَفُورُ

Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa. Waana Naxariis Badanaha, Denbi Dhaafka Badan.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَأۡتِينَا ٱلسَّاعَةُۖ قُلۡ بَلَىٰ وَرَبِّي لَتَأۡتِيَنَّكُمۡ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِۖ لَا يَعۡزُبُ عَنۡهُ مِثۡقَالُ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَآ أَصۡغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡبَرُ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ

Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: "Nooma imaaneyso Saacadda (Qiyaame). Dheh: "Haayoo, Waa igu Rabbigay, way idiin iman. (Alle waa) Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon". Kama qarsoona wax saxar le’eg (ama qudhaanjo) oo samada ama arlada yaal ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weyn, intuba waxay ku yaallaan Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

لِّيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ

Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaa waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo Risiq sharaf leh.

وَٱلَّذِينَ سَعَوۡ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٞ

Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga - kuwaa waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.

Explanation & meanings · 1
  1. Inay qiimo dhimaan Aayadahaa oo ugu jeejeesaan si aan loo raacin Nabiga s.c.w.