33 : 39
ٱلَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَٰلَٰتِ ٱللَّهِ وَيَخۡشَوۡنَهُۥ وَلَا يَخۡشَوۡنَ أَحَدًا إِلَّا ٱللَّهَۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا
(Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Alle oo ka baqa , oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Alle ku filan xisaabiye ahaan.
Explanation & meanings · 1
- Waa anbiyada Alle (Nabad korkooda ha ahaatee), iyaga kaddibna kuwa raaca Nabi Muxammad s.c.w. ee lagu khatimay anbiyada, kuwaasoo si daacadnimo ah Ilaahay darti Keliya u gaarsiiya Dhambaalka Alle dadka oo idil.