Skip to content

السؤال

س٢٤: ما هي المعجزة؟

S24: Waa maxay Mucjiso?

الجواب

ج:المعجزة: هي كل ما أعطاه الله لأنبيائه من خوارق العادات؛ للدلالة على صدقهم، مثل:

  • شق القمر للنبي صلى الله عليه وسلم.

قال تعالى:

﴿ٱقۡتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلۡقَمَرُ *

وَإِن يَرَوۡاْ ءَايَةٗ يُعۡرِضُواْ وَيَقُولُواْ سِحۡرٞ مُّسۡتَمِرّٞ*

وَكَذَّبُواْ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَكُلُّ أَمۡرٖ مُّسۡتَقِرّٞ﴾

[القمر: ١-٣]

  • وشق البحر لموسى عَلَيْهِ السَّلَامُ، وإغراق فرعون وجنوده.

﴿وَإِذۡ فَرَقۡنَا بِكُمُ ٱلۡبَحۡرَ فَأَنجَيۡنَٰكُمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ وَأَنتُمۡ تَنظُرُونَ﴾

[البَقَرَةِ: ٥٠].

J: Mucjizo: Waa wax walba oo Alle siiyey anbiyadiisa ee caadooyinka ka baxsan ee muujinaya runtooda, sida:

  • Kala dhanbalidda/ kala dillaacii dayaxa waqtigii Nabiga sallallaahu calayhi wasallam.

Alle wuxuu yidhi:

"Saacadda (Qiyaame) wey soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal,

Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan.

Waxayna beeniyeen Xaqa oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado".

[Suuradda Al-Qamar: 9].

  • Kala dhanbalidda badda waqtigii Muuse caleyhi salaam, iyo harqinta (ku hafintii badda) Fircoon iyo askartiisa..

"(Xus) markaan idiin kala dhanballay badda, oo aan idin badbaadinnay, oo aan ku rogney biyihii badda qolodii Fircoon idinkoo arkaya".

[Suuradda Al-Baqarah: 50].