Skip to content

"Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo.

Abii Qataada-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri:

"Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo.

«لَا يُمْسِكَنَّ أَحَدُكُمْ ذَكَرَهُ بِيَمِينِهِ وَهُوَ يَبُولُ، وَلَا يَتَمَسَّحْ مِنَ الْخَلَاءِ بِيَمِينِهِ، وَلَا يَتَنَفَّسْ فِي الْإِنَاءِ».

Xadiis la isku waafaqay
Xadiis Saxiix ah.
Sharraxa

Nabigu -naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey qaar ka mida aadaabta, isagoo reebay in ninku midigtiisa ku qabto guskiisa markuu kaadinaayo wuxuu kaloo reebay inuu gacantiisa midig uu kaga tiro najaasada guska ama dabada, waayo midigtu waxay u diyaarsan tahay waxyaabaha fiican. Sidaasoo kale wuxuu reebay inuu qofku ku neefsado weelka uu wax ku cabaayo.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

Waxaa cad in Islaamku ugu horeeyey aadaabta iyo nadaafada.

Waa in laga fogaado waxyaabaha qurunka ah, hadayse daruuri noqoto waa in gacanta bidix loo adeegsado.

Waxaa la cadeeyey sharafta ay leedahay midigtu iyo inay wax dheer tahay bidixda.

Shareecada Islaamku waa mid kaamil ah, cilmiga shareecaduna waa mid wax walba ku dhan yihiin.

Marjica

Saxiix AlBukhaari. (1/ 42) (154).

Saxiix Muslim. (1/ 225) (267).

Siyaadin (4)

تيسير العلام شرح عمدة الأحكام.

للبسام (ص41).

تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام.

لابن عثيمين (1/ 45).