Skip to content
Liiska Suuradaha /

الدُّخان

الدُّخان is chapter 44 of the Quran and has 59 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

59 Aayadaha Lambarka Suuradda 44
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

حمٓ

Xaa Mim .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.

وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ

Waxaan (Aniga Alle ah) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).

إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةٖ مُّبَٰرَكَةٍۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ

Xaqiiq, waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan . Waxaanu nahay kuwa diga.

Explanation & meanings · 1
  1. Waa Laylatul Qaddarka ee loo soo waxyooday Nabiga s.c.w. Qur’aanka.

فِيهَا يُفۡرَقُ كُلُّ أَمۡرٍ حَكِيمٍ

Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.

أَمۡرٗا مِّنۡ عِندِنَآۚ إِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ

Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),