Skip to content
Liiska Suuradaha /

الزُّخرُف

الزُّخرُف is chapter 43 of the Quran and has 89 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

89 Aayadaha Lambarka Suuradda 43
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

حمٓ

Xaa Miim .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.

وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ

Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).

إِنَّا جَعَلۡنَٰهُ قُرۡءَٰنًا عَرَبِيّٗا لَّعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ

Hubaal Annagaa (Alle ah) ka yeellay Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan.

وَإِنَّهُۥ فِيٓ أُمِّ ٱلۡكِتَٰبِ لَدَيۡنَا لَعَلِيٌّ حَكِيمٌ

Wuxuuna xaqiiq ku sugan yahay asalka Kitaabka nala yaal, Kor ah, Xikmad Badan.

Explanation & meanings · 1
  1. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka.

أَفَنَضۡرِبُ عَنكُمُ ٱلذِّكۡرَ صَفۡحًا أَن كُنتُمۡ قَوۡمٗا مُّسۡرِفِينَ

Miyaan idinka deysannaa (Qur’aanka) gebigiisaba inaad tihiin qolo xad gudub badan awgeed?