Skip to content
Liiska Suuradaha /

الرُّوم

الرُّوم is chapter 30 of the Quran and has 60 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

60 Aayadaha Lambarka Suuradda 30
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓمٓ

Alif laam-miim .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda koowaad.

غُلِبَتِ ٱلرُّومُ

Ruum waxaa lagaga adkaaday.

فِيٓ أَدۡنَى ٱلۡأَرۡضِ وَهُم مِّنۢ بَعۡدِ غَلَبِهِمۡ سَيَغۡلِبُونَ

Dhulka soke ee hooseeya (Shaam), iyaguna, kaddib markii laga adkaaday , way adkaan doonaan.

Explanation & meanings · 1
  1. Waxaa ka adkaaday Furus. Furus ama Peershiya waa magacii hore ee loo yiqiin Iiraan.

فِي بِضۡعِ سِنِينَۗ لِلَّهِ ٱلۡأَمۡرُ مِن قَبۡلُ وَمِنۢ بَعۡدُۚ وَيَوۡمَئِذٖ يَفۡرَحُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Dhowr sano gudahood, Amarka Alle baa iska leh hor iyo gadaalba. Maalintaasayna mu’miniintu ku farxi .

Explanation & meanings · 1
  1. Guusha uu Alle siin ehlu kitaabka darteed, ay ka guuleysan Furuskii dab caabudka ahaa waagaas.

بِنَصۡرِ ٱللَّهِۚ يَنصُرُ مَن يَشَآءُۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Gargaarka Alle, wuxuu (Alle) u gargaaraa cidduu doono, waana Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.