Skip to content
الرُّوم /

Aayad 39

30 : 39

Aayad 39 of الرُّوم (30 : 39). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

الرُّوم Aayadaha 60
Suurad · الرُّوم
Soomaaliga · Yacob
30 : 39

وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن رِّبٗا لِّيَرۡبُوَاْ فِيٓ أَمۡوَٰلِ ٱلنَّاسِ فَلَا يَرۡبُواْ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن زَكَوٰةٖ تُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُضۡعِفُونَ

Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka , ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako ah idinkoo doonaya Wejiga Alle, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah .

Explanation & meanings · 3
  1. Weedhan waxay leedahay dhowr macne, waxaa ka mid ah macnooyinkaa: a) waxa loo bixiyo ribo ahaan ama kor saar b) waxa la bixiyo iyadoo lagu xiro shardi ah in la gudo iyadoo faa’ido la saartay ha yaraaato ama ha badnaatee faa’idadaa. Iyo c) inaad cid siiso hadiyad adigoo uga jeeda inaad ka hesho ciddaas aad hadiyadda siisay wax ka badan oo ka weyn hadiyadda aad siisay.
  2. Sakada halkan waxaa sidoo kale soo galaya sadaqada tabaruca ah aad Dar Alle ula baxdo.
  3. Waa loo labo jibbaaraa khayrka iyo barakooyinka lagu siiyo arlada iyo ajarka Aakhirada.