Skip to content
Liiska Suuradaha /

العَنكبُوت

العَنكبُوت is chapter 29 of the Quran and has 69 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

69 Aayadaha Lambarka Suuradda 29
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓمٓ

Alif Laam-Miim .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.

أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتۡرَكُوٓاْ أَن يَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا وَهُمۡ لَا يُفۡتَنُونَ

Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?

وَلَقَدۡ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡكَٰذِبِينَ

Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Alle wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), wuuna muujin beenlowyada.

أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسۡبِقُونَاۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ

Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaatooyinka inay naga fakan karaan? Xumaa waxay xukumi.

Explanation & meanings · 1
  1. Shirkiga iyo xumaha kale sida dilka xaq darrada ah, zinada-dhilleysiga, xatooyada, kibirka, beenta, khiyaanada, xasadka, iwm.

مَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ ٱللَّهِ فَإِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ لَأٓتٖۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

Qofkii rajeyn la kulanka Alle, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo). Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.