Skip to content
Liiska Suuradaha /

آل عِمران

آل عِمران is chapter 3 of the Quran and has 200 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

200 Aayadaha Lambarka Suuradda 3
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓمٓ

Alif – Laam - Miim .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. Aal Cimraan waa Suuradda seddexaad ee Musxafka, macnaha Aal Cimraan waa reer Cimraan. Cimraan waa qoyska Cimraan oo ah Maryam aabbaheed, Nabi Ciise hooyadi, nabadgalyo korkiisa ha ahaatee. Waxaa jiray nin kale oo la odhan jiray Cimraan oo reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo ahaa Muuse iyo Haaruun C.S. aabbahood, laakiin qoyska Cimraan ee lagu xusay suuradda Al Cimraan waa qoyska Cimraan, Maryam aabbaheed iyo Ciise awoowgi.

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُ

Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Noolaha Daa'inka ah, Daryeelaha waxa uunka jira oo dhan,

نَزَّلَ عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَأَنزَلَ ٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ

Wuxuu kuugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), Wuxuuna soo dejiyey Towraadda iyo Injiilka,

مِن قَبۡلُ هُدٗى لِّلنَّاسِ وَأَنزَلَ ٱلۡفُرۡقَانَۗ إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٍ

Kal hore, hanuunin dadka, oo wuxuu soo dejiyey Al-Furqaan (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeynin Aayaadaha Alle, waxay leeyihiin cadaab daran. Alle waa Adkaade, Aargoosi leh.

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَخۡفَىٰ عَلَيۡهِ شَيۡءٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ

Hubaal, Alle waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada.