Skip to content
آل عِمران /

Aayad 153

3 : 153
آل عِمران Aayadaha 200
Suurad · آل عِمران
Soomaaliga · Yacob
3 : 153

۞ إِذۡ تُصۡعِدُونَ وَلَا تَلۡوُۥنَ عَلَىٰٓ أَحَدٖ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ فِيٓ أُخۡرَىٰكُمۡ فَأَثَٰبَكُمۡ غَمَّۢا بِغَمّٖ لِّكَيۡلَا تَحۡزَنُواْ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمۡ وَلَا مَآ أَصَٰبَكُمۡۗ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna , markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna , si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

Explanation & meanings · 2
  1. Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan.
  2. Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda. Marka hammiga hore wuxuu ahaa jabka loo geystey, hammiga kalena markii la yidhi waa la dilay Rasuulka Alle, taasoo uga darneyd jabkii soo gaaray.