Skip to content
آل عِمران /

Aayad 20

3 : 20

Aayad 20 of آل عِمران (3 : 20). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

آل عِمران Aayadaha 200
Suurad · آل عِمران
Soomaaliga · Yacob
3 : 20

فَإِنۡ حَآجُّوكَ فَقُلۡ أَسۡلَمۡتُ وَجۡهِيَ لِلَّهِ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِۗ وَقُل لِّلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡأُمِّيِّـۧنَ ءَأَسۡلَمۡتُمۡۚ فَإِنۡ أَسۡلَمُواْ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِٱلۡعِبَادِ

Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Alle, waana sidaas qofkii I raaca. Ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwa ah mushrikiinta:Miyaad hoggaansameysaan? . Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), waxaa uun ku saaran Gaarsiin cad (ee Xaqa) lagula soo diray. Alle wuu arkaa addoomahiisa.

Explanation & meanings · 1
  1. Marba hadday hoggaansamaan dadka ehlu kitaabka waxaa loo dhowraa xuquuqdooda iyo sharaftooda inkastoo ay jirto diiddadooda Xaqa, waase inay bixiyaan jizyo halkii sakada iyo difaaca laga rabo muslimiinta. Kaddib waxaa mas’uul ka ah ilaalintooda dawladda Islaamka.